(ERGO) – Qoysas ka soo barakacay gobollada koonfureed ee Soomaaliya oo saddex iyo tobankii sanadood ee ugu danbeeyey ku noolaa laba xero barakac ku yaal bariga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa maamulka Soomaaliland ka codsaday in dib loogu celiyo deeganadoodii.
Gudoomiyaha dadkaan barakacayaasha Cabdilaahi Abokor ayaa sheegay in ay dhowr goor ay u tageen maamulka degmada iyo kan gobolka Togdheer si looga caawiyo in ay dib ugunoqdaan deegaanadoodii.
“Maamulka waxay na dheheen waxba idiinma qaban karno oo awood dhaqaale uma hayno, laakiin waan idinla dadaalaynaa” ayuu yiri Cabdillaahi.
Wuxuu sheegay in dadka xeryahaan ku jiraa ay maalitii raggu u shaqo tagaan muruq maal.
Maamulka degmada Burco ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay doonayaan in ay la kala hadlaan hay’adaha gargaarka dib u celinta dadkan, sidoo uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyay Xildhibaan Axmed Maxamed Cali oo ah gudoomiyaha guddiga arrimaha bulshda ee dawlada Hoose.
“Dhowr goor ayey gudiyo noogu yimaadeen dadkaani iyagoo codsanaya in lagu caawiyo inay dib ugu noqdaan deeganadoodii. Dadkan in laceliyaa waa mihim. Niinna gurigiisa looma dhaamo, waayo halkaan culays bay kala tegayaan, iyaguna dhulkoodii iyo beerahoodii bay tegayaan,” ayuu yiri Axmed.
Soomaaliland uma aqoonsana dadka gobollada koonfurta Soomaaliya ka soo barakacay in ay yihiin dad gudaha ku barakacay, taasoo keentay inaysan helin dadkaani xuquuqo ay ka mid yihiin dhul ay degaan.
Xeryahaan oo ku kala yaal xaafadda Hodan iyo Oktoobar ayaa waxaa ku nool 400 oo qoys oo dhammaantood ka soo barakacay koonfurta Soomaaliya.
Bile Cabdi Xasan waa 80 jir, 2006dii ayuu ka soo barakacay degmada Waajid ee gobolka Bakool markaas ay dagaallo ka dhaceen.
Wiil uu dhalay oo agab yar yar oo tusbaxyo iyo cadaro ku iibsha suuqa Burco ayaa Bile ka caawiyo dhnaka masaarta.
Bile ayaa ku hanweyn in mar un uu u laabto deegaankii uu marki hore ka soo barakacay.
“Waxaanu hadda codsanaynaa in dib naloogu celiyo guryaheennii. Meeshaan waa ku dhibaataysanahay. Iyadoo hoyga nagu xun yahay, ayaa haddana maalin kasta naloogu yimaadda guryaha oo la dhahaa dhulka ka guura,” ayuu yiri Bile.
Xilligii uu imanayay Burco, waxaa Bile uga soo horeeyey qayb ka mid ah qoyskiisa, oo markii dambe dib ugu noqday degaankoodii saddex sano ka hor,,
Magaalada Burco helitaanka dhulku waa qaali, siduu sheegayo Cabdilaahi Cumar oo ah nin ka shaqeeya arrimaha kala iibinta dhulka.
“Dhulalka waa la dhisanaayaa weliba qaybaha ay deggan yihiin dadka Barkacayaasha ah. wuxuu dhulka qiimo ahaan marayaa ilaa $7000 doolar,” ayuu yiri Cabdilaahi.
Waxaana bishii Maarso laga raray 370 qoys oo ka mid ah dadkii ku soo cayrtoobay abaaraha gobolka dhulkii ay deganaayeen.
Qoysaskan ayaa degenaa dhul ay dad leeyihiin oo ay ka dhisteen cooshado iyo balbalooyin roobka iyo qoraxda aan midna wax badan ka tarin, Dawladuna aanay dhul dejin.
Xaliimo Maxamuud oo ah hooyo 45jir ah haysatana lix carruur ah waxay degentahay xerada Oktoobar.
Ninkeedu waxa uu ku shaqaystaa samaynta alaabta guryaha halka iyaduna ay xaafadaha magaalada dharka u maydho.
Hadda waxay raadinaysaa sidii ay dib ugu noqon lahayd, waayo ma awooddo dhaqaalaha uga baxaya gaadiidkay u raaci lahayd Bay, oo qofkii uu u baahan yahay lacag laba boqol oo doolar ah.