Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Gidheys: In kabadan 2,000 oo qoys oo ka faa’iideysanaya ceel riig ah

Radio Ergo by Radio Ergo
January 18, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
QAXOOTIGA XERADA MARATAANI OO BIYO YARAAN KA CABANAYA

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cali Cabdulle Maxamed oo 50 neef oo ari ah ku dhaqdo miyi 11 km u jiro deegaanka Gidheys ee gobolka Galgaduud wuxuu saddexdii toddobaad ee u dambeysay ka faa’iideysanayaa ceel riig ah oo dhowaan la hirgeliyay.

Markiisi hore wuxuu Cali dhibaato ku qabay helista biyo ku filan oo nadiif ah. Qoyskiisa oo toddobo qof ah iyo xoolihiisaba waxay cabbi jireen biyo laga soo dhaamiyo ceelal leh biyo wasakheysan oo ay ku khasbanaayeen inay kala miiraan markay soo dhaansadaan kaddib.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in ay aad ugu adkeyd sida ay xataa biyaha wasakheysan ku heli jireen, iyadoo mar kasta oo biyo loo baahdo ay lagama maarmaan ahayd in qof uu galo ceelka biyaha laga soo dhuro.

Biyahaas waxaa uga dhintay xoolo dhowr jeer oo kala duwan. “Xooluhu markay cabbaan biyahaas aan ceelka ka soo dhurno waxaa ku dhici jiray xanfal oo way biiroon jireen. Mar kasta oo aan ceelka keeno xooluhu way dhiman jireen,” ayuu yiri Cali.

Labo boqol oo neef oo ari ah oo uu lahaa ayuu Cali tilmaamay in 150 ka tirsanaa ay sababsadeen biyo la’aan iyo qaarkood xamili waayay biyaha calowga ah ama aan nadiifka ahayn oo la siin jiray xoolaha oo si daran u oomanaa.

“Marki hore inaan biyo u helo qoyska iyo xoolaha waxay igu qaadan jirtay wax ka badan 12 saacadood. Waxaa kaloo jirtay in marka ceelasha qaar 20 liitar oo biyo ah laga dhiro ay biyo la’aan noqdaan. Waxaaba ka sii adag in biyahaas cunto lagu karsado,” ayuu yiri Cali.

Laakiin hadda qoyska Cali iyo xoolihiisuba waxay ka cabbaan ceelka riigga ah ee deegaanka Gidheys laga hirgeliyay bartamihii bishii December ee sanadkii 2018. Ceelkaas waxaa qodistiisa deegaanka ka caawiyay Cabdiraxmaan Odawaa oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha deegaankaas Cabdi Cilmi.

In ka badan labo kun oo qoys oo ku nool Gidheys iyo siddeed tuulo oo hoostago ayaa ka faa’iideystay ceelkaan oo biyihiisu ay bilaash ku cabbaan.

Ceelasha ugu badan ee deegaanku lahaa waxay qallaleen sanadkii 2016-kii oo abaar daran ay halkaas ka jirtay, sida uu sheegay guddoomiye Cabdi.

Muddadaas saddexda sano ah ee deegaanku ay biyo yaraanta ka jirtay, qaar ka tirsan dadka goobaha cuntooyinka lagu iibiyo ah waxaa ka istaagtay shaqadaas, biyo yarida darteed.

Waxaa dadkaas ka mid ah Cismaan Axmed Cali oo maqaaxi lagu kariyo shaaha ku leh deegaanka. Waxaa maqaaxidaas dhaqaalaha laga helo ku tiirsan nolosha qoyskiisa oo shan ka tirsan ay carruur yihiin. Markiisi hore wuxuu maqaaxida ku karin jiray cuntooyinka dadku cunaan iyo shaah.

Wuxuu si weyn uga soo kabanayaa dhibaatada biyo yarida ka jirtay deegaankiisa. Wuxuu sheegay in ay jirtay xilli shaqadiisa ay u istaagtay biyo yari darteed, markaas oo ahayd sanadkii 2017-kii, balse dhaqaale xumada haysay qoyskiisa ay ku riixday in ka ganacsiga shaaha oo keliya uu dib u billaabo, iyadoo ay ku adkeyd inuu biyo helo.

Cismaan marki ceelka laga hirgeliyay deegaankiisa wuxuu sidoo kale dib u billaabay karinta cuntooyinkii uu ku iibin jiray maqaaxida.

Previous Post

Galgaduud: Baahiyo caafimaad oo ka jirto Xananbuure

Next Post

QIIMAHA XOOLAHA

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha

QIIMAHA XOOLAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo