Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Galgaduud: Baahiyo caafimaad oo ka jirto Xananbuure

Radio Ergo by Radio Ergo
January 17, 2019
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Shan carruur ah oo cudurro kale duwan ugu dhintay Buur-dhuubo

Photo | Sawir/keyd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dhibaato caafimaad darro ah ayaa ka jirto deegaanka Xananbuure oo Dhuusomarreeb 55 km dhanka waqooyi kaga beegan. Dr. Calinuur Cabdiqaadir oo ku sugan deegaanka ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in cudurro ay shuban iyo jadeeco ka mid yihiin ay hadda deegaanka ka jiraan.

Dadka ku nool deegaankaas waxay qofka ka xanuunsada u qaadaan degmada Dhuusomarreeb, iyadoo ay ku adag tahay inay helaan gaadiid xilliga ay u baahan yihiin.

Madiino Xirsi Maalin, waxay ka mid tahay dadka Xananbuure ku nool. 31-kii bishii December waxaa shuban uga geeriyooday wiil ay dhashay oo afar sano jir ahaa.

Waxay Raadiyo Ergo taleefanka ugu sheegtay in wiilka uu ka xanuunsaday saq dhexe oo habeenki ah, ayna muddo afar saacadood ah ku qaadatay inay hesho gaari ay ku qaaddo si ay u gayso isbitaal ku yaalla Dhuusomarreeb.

Kumaysan guuleysan inay hesho gaari marki uu wiilkeeda xanuunka ku billowday, xilliga oo habeen ahaa dadkuna ay hurdayeen darteed. Laakiin xilli aroorti ayay sheegtay in ay heshay gaari ka qaatay $50 si ay wiilkeeda ugu qaaddo.

“Ma heleysid cid wax kuu qabaneysa habeen dhoweyd waan cararay meel walba ayaan tagay wax waan soo waayay wax xitaa daawo i siiya, markii waagu baryay oo addinka hore ahayd ayaan dad kiciyay waa ay i caawiyeen oo gaarigii ayay ii keeneen,”ayay tiri Madiino

Markii ay gaartay Dhuusomarreeb ayay xustay in wiilkeedi uu ku dhintay albaabka hore ee laga galo isbitaal la yiraahdo Xannaano oo ku yaalla magaalada.

Toban saacadood ayuu shuban iyo matag waday wiilka yar ka hor inta uusan dhiman, waxaana dhaqtar Calinuur uu sheegay in qofka uu shubanku ku dhaco uu ku dhiman karo lix saacadod gudahood haddii uusan helin adeeg caafimaad oo degdeg ah.

Madiino waxay sheegtay inay baahi weyn u qabaan adeeg caafimaad inay ku helaan deegaankooda, iyada oo walaac ka qabto in haddii cudurro ay ka dillaacaan deegaanka ay dadku saameyn weyn ku yeelan karaan.

“Qofkii canug shuban uga soo boodo qofkii dhiig baxaya qofkii xanuun qabto waa baabuur raadi oo intaas oo waqti ay qaadaneyso magaalada oo kiilo mitir badan noo jirta oo waqti badan nagu qaadaneysa,” ayay tiri Madiino.

Xaruntii caafimaadka ee deegaanka Xananbuure ayaa xirantay 10 bilood ka hor, kaddib markii ay dhammaatay shaqadii hay’ad NGO ah oo la yiraahdo Swisso Kalmo ay ka haysay halkaas. Waxay hay’addu xarunta maamuleysay muddo labo sano ah sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Calinuur Cabdiqaadir oo ka mid ah dhakhaatiirta xarunta ka howlgali jiray oo hadda ku sugan deegaanka.

Intaysan xirmin xaruntii caafimaadka Xananbuure, dadka deegaanka waxay adeegyada ay u baahan yihiin ku heli jireen si bilaash ah, laakiin hadda qaarkoodka aan awoodin inay gaadiid kireystaan waxay qofkooda xanuunsada kula tacaalaan daawo dhaqameed ama waxayba iska haystaan isagoo xanuunsan.

Dr. Calinuur wuxuu tilmaamay in deegaanka ay ka jirto jadeeco, ay hadda u jiifaan 11 carruur ay da’dooda u dhexeyso 4 ilaa 10 sano jir, kuwaas oo waalidiintooda ay kula tacaalaan daawo dhaqameed, sida ay sameyso Faadumo Xaashi Cabdi oo lix ka tirsan siddeed carruur ah oo ay dhashay oo muddo hal toddobaad ah ka xanuunsan.

Waxay sheegtay in carruurta ay ku daweyso geedka la yiraahdo mareerka oo ay ku kariso biyo, kaddibna ay biyahaas ku uumiso ugu qubeyso.

“Mir kaniini ah oo aad tuulada ka heleyso ma lahan. Haddana gaari yar marka la sii raaco kharashkii baan la heleyni. Inta isbitaalka naga xiran yahay tallaal ma aanan helin,”ayay tiri Faadumo.

Muddada ay xiran tahay xarunta caafimaadka ee Xananbure waxaa adeeg caafimaad la’aan u geeriyootay 6 qof kuwaas oo 4 ka tirsan ay ahaayeen carruur u dhintay jadeeco, shuban biyood, gabar yar oo gudniin lagu sameeyay oo ay u dhiig baxday u dhimatay iyo haweeney u geeriyootay mallaariyo, sida uu noo xaqiijiyay dhaqtar Calinuur.

Xananbuure waxaa ku nool qiyaasti 1,500 oo qoys, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha deegaanka Cali Xaashi Faarax. Waxaa sidoo kale deegaanka hoos taga 13 tuulo oo ay ku nool yihiin in ka badan 4 kun oo qoys.

Previous Post

Gidheys: Labo kun oo qoys oo ka faa’iideysanaya ceel riig ah oo laga qoday deegaanka

Next Post

Gidheys: In kabadan 2,000 oo qoys oo ka faa’iideysanaya ceel riig ah

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
QAXOOTIGA XERADA MARATAANI OO BIYO YARAAN KA CABANAYA

Gidheys: In kabadan 2,000 oo qoys oo ka faa’iideysanaya ceel riig ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo