In ka badan afar kun oo qoys oo deggan xeryo ku yaalla koonfurta magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa ku qasbanaaday inay biyo la’aan ahaadaan markii uu jabay ceelka keliya ee gtooda ku yaalla.
Saynab Cabdi Aadan oo 42 jir ah waxay deggan tahay xerada Hila. Waxay sheegtay in maalintii ay soo gadato 20 liitar oo biyo ah oo ay ku iibsato 3,000 oo shilin Soomaali ah. Waxay iyada iyo qoysaska kale ee xerada deggan biyaha ugu sokeeya ka helaan ceel u jira 8km.
“Waqtiga waa bilowgii jilaalka, biyo la’aan cid noolan karto malahan, dadka nala deggan meelo fog ayay dhabarkooda kaga doontaan, aniga dhabarkeyga inaan kusoo qaado ma awoodo, waayel ayaan ahay, tabarteyda waa in seddex kun maalintii aan raadsado jirkaan ku shubto biyo ah, laakin horay biyo dhibaato uma qabin,“ ayay tiri Saynab.
Sacdiyo Maxamed Xuseen oo deggan tahay xerada Tawakal labo oo ku taalla duleedka koonfureed ee Baydhabo, waxay biyo dhaansi u aaddaa wakaaladda biyaha iyadoo labo labaatanle dhabarkeeda ku soo qaadata.
Qoyskeeda oo sagaal ruux ka kooban ayaysan ku filneyn inta yar ee biyaha ah ee ay maalintii keento, laakin waxay ku qasban yihiin in wixii muhiim ah ay ku qabsadaan sida cunnada in la karinayo.
“Maalin kasta wakaaladda ayaan biyo u raadsadaa, lugeyska iyo kuleylka jira waad u jeeddaa haddana waxaa qasab nagu ah in dhabarkeyga ku doonto, galabtii ama subaxdii ayaan aadayaa,waxaa noo dheer noloshii kale,” ayay tiri Sacadiyo.
Wasaaradda macdanta iyo biyaha maamulka Koonfur galbeed iyo hay,addaha samafalka qaar oo is kaashanaya ayaa horay ceelal loogu talagalay dadka barakacay waxay ka hirgeliyeen xeryaha qaar ka mid ah laakiin dhanka Koonfurta kaamamka ku yaalla waxaa ku yaaley hal ceel oo guddiga qaxootiga Norwey uu ka hirgeliyay kaas oo cillad ay ku timid.
Madaxa mashruuca biyaha ee hay’adda badbaadada carruurta ee Save the Children qeybteeda Baydhabo Cumar Xuseen ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in sababta ay hakad u geliyeen biyo dhaaminta xeriyaha qaar ka wadeen ay aheyd waqtigii roobka ee dayrta.
“Markii noogu dambeysay Luulyo ilaa Sabteembar ayaan biyo qeybinta sameynay, kaddibna roobkii ayaa soo dhacay waa la hekiyey, waliba waxan siin jirney biyo dhaamin ku filan, waxaan ka baqnay marka jilaalka la gaaro in wax loo waayo,” ayuu yiri Cumar.
Cumar ayaa xusay in hay’addoodu ay qorsheyneynso inay dhowaan dib u billowdo howliihii gargaar ee dadka barakacay ay siin jireen taas oo biyo dhaamintu qeyb ka tahay.










