Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bay: Biyo la’aan haysata dadka barakaca ku ah koonfurta magaalada Baydhabo

Radio Ergo by Radio Ergo
January 15, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Biyo la’aan ka jirta degaanno ka tirsan garbahaarey

Kaydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

In ka badan afar kun oo qoys oo deggan xeryo ku yaalla koonfurta magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa ku qasbanaaday inay biyo la’aan ahaadaan markii uu jabay ceelka keliya ee gtooda ku yaalla.

Saynab Cabdi Aadan oo 42 jir ah waxay deggan tahay xerada Hila. Waxay sheegtay in maalintii ay soo gadato 20 liitar oo biyo ah oo ay ku iibsato 3,000 oo shilin Soomaali ah. Waxay iyada iyo qoysaska kale ee xerada deggan biyaha ugu sokeeya ka helaan ceel u jira 8km.

“Waqtiga waa bilowgii jilaalka, biyo la’aan cid noolan karto malahan, dadka nala deggan meelo fog ayay dhabarkooda kaga doontaan, aniga dhabarkeyga inaan kusoo qaado ma awoodo, waayel ayaan ahay, tabarteyda waa in seddex kun maalintii aan raadsado jirkaan ku shubto biyo ah, laakin horay biyo dhibaato uma qabin,“ ayay tiri Saynab.

Sacdiyo Maxamed Xuseen oo deggan tahay xerada Tawakal labo oo ku taalla duleedka koonfureed ee Baydhabo, waxay biyo dhaansi u aaddaa wakaaladda biyaha iyadoo labo labaatanle dhabarkeeda ku soo qaadata.

Qoyskeeda oo sagaal ruux ka kooban ayaysan ku filneyn inta yar ee biyaha ah ee ay maalintii keento, laakin waxay ku qasban yihiin in wixii muhiim ah ay ku qabsadaan sida cunnada in la karinayo.

“Maalin kasta wakaaladda ayaan biyo u raadsadaa, lugeyska iyo kuleylka jira waad u jeeddaa haddana waxaa qasab nagu ah in dhabarkeyga ku doonto, galabtii ama subaxdii ayaan aadayaa,waxaa noo dheer noloshii kale,” ayay tiri Sacadiyo.

Wasaaradda macdanta iyo biyaha maamulka Koonfur galbeed iyo hay,addaha samafalka qaar oo is kaashanaya ayaa horay ceelal loogu talagalay dadka barakacay waxay ka hirgeliyeen xeryaha qaar ka mid ah laakiin dhanka Koonfurta kaamamka ku yaalla waxaa ku yaaley hal ceel oo guddiga qaxootiga Norwey uu ka hirgeliyay kaas oo cillad ay ku timid.

Madaxa mashruuca biyaha ee hay’adda badbaadada carruurta ee Save the Children qeybteeda Baydhabo Cumar Xuseen ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in sababta ay hakad u geliyeen biyo dhaaminta xeriyaha qaar ka wadeen ay aheyd waqtigii roobka ee dayrta.

“Markii noogu dambeysay Luulyo ilaa Sabteembar ayaan biyo qeybinta sameynay, kaddibna roobkii ayaa soo dhacay waa la hekiyey, waliba waxan siin jirney biyo dhaamin ku filan, waxaan ka baqnay marka jilaalka la gaaro in wax loo waayo,” ayuu yiri Cumar.

Cumar ayaa xusay in hay’addoodu ay  qorsheyneynso inay dhowaan dib u billowdo howliihii gargaar ee dadka barakacay ay siin jireen taas oo biyo dhaamintu qeyb ka tahay.

 

 

 

 

Previous Post

QIIMAHA XOOLAHA

Next Post

QIIMAHA XOOLAHA

Related Posts

Qoysas ku xarooday Burco markii casharo xanuun badan ay ka barteen roob la’aanta
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku xarooday Burco markii casharo xanuun badan ay ka barteen roob la’aanta

October 23, 2026
Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi

October 21, 2026
Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga

October 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku cusub xeryaha Dhadhaab oo wajahaya nolol xumo iyo gargaar la’aan

October 19, 2026
Xoolo-dhaqatada Shabeellaha dhexe oo iska bixinaya dayn ay qaateen xilligii abaarta
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqatada Shabeellaha dhexe oo iska bixinaya dayn ay qaateen xilligii abaarta

October 16, 2026
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: In ka badan 100 qoys oo nolol adag uu galiyay bacaadka saamayn ku haya

October 15, 2026
Next Post
QIIMAHA XOOLAHA

QIIMAHA XOOLAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-OCT-2026

IDAACADDA 22-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-OCT-2026
October 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-OCT-2026
October 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-OCT-2026
October 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-OCT-2026
October 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-OCT-2026
October 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo