Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Taleex: Lix sano kaddib waxaa dib u billowday ganacsiga iyo isu socdka dadka

Radio Ergo by Radio Ergo
December 14, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhul-daaqsimeed afar sano colaad u xirnaa oo hishiis laga gaaray

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Seynab Maxamed waxay 10-kii bishaan December dib u furatay maqaaxi yar oo lagu iibiyo shaaha iyo raashinka, oo ay ku leedahay degmada Taleex ee gobolka Sool oo aysan ku shaqeysanin lix sano oo ay ka maqneyd degmadeeda.

Waa hooyo afar carruur ah haysata, inay degmadeeda ku soo laabato waxaa suurta geliyay heshiis laga gaaray colaad u dhexeysay beelo degmada wada dega oo jirtay tan iyo sanadkii 2012-kii.

Muddadaas waxay ku maqnayd tuulo la yiraahdo Calooley oo ka tirsan gobolka Sool, waxayna iyada iyo carruurteeda dulsaar ku ahaayeen qoys eheladooda ah.

Seynab ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in sanado dhowr ah kaddib ay dareemeyso inay ku soo laabatay nolosheedii caadiga ahayd iyo ganacsigeedii.

Waxay sidoo kale rajo ka qabtaa in labo ka tirsan carruurteeda oo gaaray waxbarashada ay dib ugu celin doonto iskuulka. Colaadda intaysan dedmadeeda uga barakicin waxay carruurteeda dhigan jireen fasallada afaraad iyo shanaad ee dugsiga hoose iyo dhexe.

Colaadda degmada ka jirtay waxaa xal laga gaaray sagaalkii bishaan aynu ku jirno. Waxaa furmay isu socodkii magaalada oo labo qeybood ahayd intii ay colaaddu jirtay.

Madax dhaqameed iyo culimo iskaashanaya ayaa odayaasha labada qabiil ee colaaddu u dhexeysay ku qanciyay inay nabad wada qaataan. Waxaa la bixiyay magta siddeed nin oo qabiilladu isku haysteen.

“Raggaas waxaa magtooda oo 35 neef oo geel ah bixiyay odayaal, culimo iyo ganacsato. Dhallinyaradii walaalaha ahaa ee hubka isu sitay way is cafiyeen,” ayuu yiri Faysl Muuse Dirir oo ka mid ah xubnaha guddiga nabadeynta degmada.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in muddo siddeed bilood ah ay socotay xal ka gaarista nabadda Taleex.

Xallinta colaaddii degmada waxay sidoo kale suurta gelisay in adkii ku noolaa gudaha degmada oo aan dhaqdhaqaa badan sameynnay ay hadda dib u bilaabeen noloshoodii caadiga ahayd iyadoo aanay cabsi jirin.

Kaltuun Cabdiraxmaan Ciise ayaa ka mid ah dadka aan ka barakicin colaadda laakiin ay ku adkeyd nolosha caadiga, isu socodka iyo ganacsi muddadii colaaddu jirtay.

“Markii ay colaaddi dheeraatay waxaan garan waayay meel aan carruurta la aado, waxaan is iri hoygooda iyo biyahaas haka kaxeyn Ilaahay baa nafta hayee,” ayay tiri Kaltuun.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in colaadda ay iyada iyo carruurteeda saameysay. Waxay colaaddii dhacday ku waysay wixii ay hanti lahayd oo gaareysay $4,000, markii ay waysay cid wax ka iibsata.

Muddo labo sano ah ayay sidoo kale qoyskeeda dib u biilanayeen dukaan ay ku ganacsanayeen, sidoo kale dukaanka oo lagu iibinayay bagaas qeyb ka mid ah waxaa looga qaatay dayn aysan filanayn inay dib u hesho.

Seygeedii ayay sheegtay in cabsi soo wajahday darteed uu magaalada uga tagay. Qaar badan oo ka tirsan deriskeeda ayaa sidoo kale ka barakacay colaaddi.

“Cabsi iyo cidla’ ayay ahayd, dadkii magaalada degganaa way ka guureen badankooda, qofba meel ayuu aaday oo aniga iyo qoysas aan badneyn ayaa ku soo haray,” ayay tiri Kaltuun.

Waxay ka mid ahayd qoysas aan badneyn oo mar un quud-darreynayay in nabad laga gaaro colaaddi, laakiin lix sano ayay ku qaadatay inay rajadi nabadda dib u soo laabato.

In kastoo ganacsigu caadi ku soo laabtay, qaar ka tirsan xarumaha waxbarashada ee magaalada ayaan weli la furin, sababtoo ah weli ma soo wada laaban dadkii horay uga baxay magaalada.

Previous Post

Boosaaso: Carruurta qoysas barakac iyo qaxooti ah oo helay waxbarasho bilaash ah

Next Post

Qiimaha Xoolaha

Related Posts

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 14, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Carruur nafaqo celin loogu sameeyay Muqdisho markii ay taageereen ganacsato Somali ah

August 13, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha

Qiimaha Xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-AUG-2026

IDAACADDA 15-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-AUG-2026
August 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-AUG-2026
August 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13 AUG-2026
August 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-AUG-2026
August 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-AUG-2026
August 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo