Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haweenka qaxootiga oo karinta cunto dhaqameedka ka maareeya nolosha qoysaskooda

Radio Ergo by Radio Ergo
December 17, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhadhaab: Haween billaabay maqaaxiyo lagu kariyo cunto dhaqameedka Soomaalida

Ladan Cabdi khaliif oo karineysa mid kamid ah cunto dhaqameedka, iyadoo ku sugan xerada Xagardheere/Axmed-nuur Yogol/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xubno ka tirsan haweenka qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab ee gobolka waqooyi-bari dalka Kenya, ayaa si ay nolosha qoysaskooda u maareeyaan waxay billaabeen  nooc ganacsi oo ku cusub xeryaha, kaasoo ah maqaaxiyo lagu kariyo cunto dhaqameedka ay caanku ku tahay Soomaalida.

Waxay haweenkan kariyaan soor, digir iyo sareen. Waa shaqo ay si iskood ah uga billaabeen xeryaha oo ay iyaga ay maalgashteen, taasoo wax badan ka beddeshay nolosha iyaga iyo qoysaskooda.

Ladan Cabdi khaliif ayaa kamid ah dumarkaas. Waa 35 jir, hooyada  saddex carruur ah oo abahood ay mar hore kala tageen. Bartamihii bishii October ayey maqaaxi yar ka furatay xerada Xagardheere, halkaasoo ay ku iibiso cunno dhaqameedka. Maalin kasta toddobaadkii ayaa saddexda waqtiba wax laka kariyaa maqaayadda Ladan.

“Waxaan kariyaa digirta, gelleyda iyo sareenka. Subag ayaan ku daraa. Waxaa macaamiil ii ah dadka muruq maalka ah. Bishii markaan kharashka iyo labo qof oo iiga shaqeeya aan iska bixiyo, waxaan ka helaa 40,000 oo shilinka Kenya ah ($400)” ayey tiri Ladan.

Waxay sheegtay in ganacsigan cusub ay ku khasabtay furashadiisa, raashinka gargaarka ah ee qaxootiga oo nolosha qoyskeeda aan ku filneyn, laakiin hadda waxay dareemeysaa in ay heysato meel kale oo uu daqli ka soo geli karo.

Ladan oo timid Xagardheere 1991-dii, markii dagaalka sokeeye uu ka billowday Soomaaliya ayaa ganacsigeeda ku billowday lacag dhan 15,000 oo shillin ($150) ay ka ururisay maqaayad isla xeryaha ku taalla oo ay u qaabilsaneyd dubista canjeera Soomaaliga.

Labada qof ee u shaqeeya waxay midkiiba siisaa 7,000 oo shilinka Kenya ah ($70).

Macaamiil badan ayey leeyihiin goobaha cunno dhaqameedka ku iibiya ee Dhadhaab, sababtoo ah qiimaha ay cuntada iibiyaan oo ka jaban maqaadaha kale, tusaale ahaan galleyda iyo digirta isku jirta waxay saxankii ka joogaan KES 40 ($0.4), halka marka qofku rabo in uu maqaayadaha kale uga iibsado KES 100 ($1).

Macaamiishooda waxaa kamid ah dadka muruq-maalka ah, kuwa rabo in ay cunaan cuntooyinka waddaniga ah iyo dadka jeebkooda hooseeya.

Cabdirashid Cige Warsame ayaa kamid ah dadkaas. Wuxuu mar kasta xilliga qadada yimaadaa maqaayadda Ladan si uu uga cuno raashin dhaqameedka. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in sababaha uu u cuno ay tahay mid caafimaadka jirkiisa.

Goobahan lagu kariyo cuntada waddaniga horay xeryaha ugama jirin, haddase haween ayaa goobo kala duwan oo xeryaha dhexdooda ah aad arkeysaa iyagoo ay yaallaan gogol, digsiyo iyo suxuun oo dadkuna ay safaf ugu jiraan, iyagoo ku door bidaya qiimaha jaban.

Xakiimo Ibraahim oo ah hooyada  labo carruur ah ayaa iyaduna ka shaqeysato karinta cunno dhaqameedka. Waxay inka badan toban sano ku nooshahay xerada qaxootiga ee Xagardheere. Labo bilood ka hor ayey furatay goobteeda ganacsiga.

“Maalintii waxaan ka helaa 1,500 oo shillin. Maasha Allah nolosha carruurtayda iyo mida qoyskeygaba wax badan ayey ka beddeshay” ayey tiri Xakiimo.

Xasan Yusuf oo ah seyga Xakimo oo goobtan kala shaqeeya xaaskiisa, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in qiimo jabnaanta ka sokow dadku ay caafimaad ahaan door bidaan cunnooyinkan, dadka waweynna ay yihiin kuwa ugu badan ee ka cuna.

“Xaaskaygaa laheyd fikirka, anna wixii bannaanka ah ayaan u soo qabtaa, sida biyaha, xaabada iyo adeegyada kale ee ay suuqa uga baahato, waana shaqo aan ku faraxsanbahay” ayuu yiri Xasan

Hadda Xagardheer waxaa ka furan afar goobood oo labao ay leedahay Ladan, labada kalana haween kale ay furteen, waxayna arrintan fursad shaqo abuur u noqotay haweenka qaxootiga.

 

Previous Post

Dhadhaab: Haween billaabay maqaaxiyo lagu kariyo cunto dhaqameedka Soomaalida

Next Post

Qiimaha Xoolaha

Related Posts

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Maraakiibta ka jillaabta xeebaha Bari oo galaaftay nolol-maalmeedka qoysas badan

June 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 22, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
Next Post
Xoolo-dhaqato cabasho ka muujiyay lacagta taleefannada lagu isticmaalo

Qiimaha Xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 29-JUN-2026

IDAACADDA 29-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 29-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-JUN-2026
June 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-JUN-2026
June 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-JUN-2026
June 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-JUN-2026
June 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUN-2026
June 25, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo