Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Fatahaado go’doomiyey adeegyadii bulshada ee tuulooyin ku yaalla Shabeellaha dhexe

Radio Ergo by Radio Ergo
November 19, 2018
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Xaaladda Beledweyne iyo siday fatahaaddu u saamaysay

Sawir/Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Muxubo Daa’uud, oo kamid ah dadka deggan tuulada Farra-barakey oo 41km dhinaca bari kaga beegan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxay u timid Balcad in ay ka hesho daaweyn, waxay la xanuunsantahay cudurka duumada.

Sida keliya ee ay xarunta xannaanada dhallaanka iyo hooyada ee Balcad, oo ah xarunta caafimaad ee keliya ee ku taalla deegaanka ku iman kartaa waa doon ay ka soo raacday tuuladeedii oo fatahaad  uu webiga Shabeelle sameeyey bishii Abriil ee sannadkan ay go’doomisay.

Farra-barakey waxay kamid tahay toddoba tuulo oo tan iyo xilligaas go’doon ku jira, waxaana kamid ah tuulooyinka kale ee wali iyaguna go’doonsan Faay-dhuxul, Jameeco, Seeydiir, Damaley, Buulo-casey iyo Buulo-Xaaji Cali.

Tuulooyinkan raashinka u taga waxaa lagu geeyaa doon oo jid kale uma furna, taasoo ka dhigtay raashinka ka dhigtay mid qaali ah, iyadoo kiillada bariiska ah la kala siisanaya 25,000 Shiling Somali ($1), halka fatahaadda ka hor ay aheyd 10 kun oo shiilin ($0.4)

“Hadda nolosha waa adag tahay oo malay webiga aan kala soo baxno ayaan ku noolnahay, beerihiina biyaa naga gooyey” ayey tiri Muxubo.

Muxubo oo 39 jir, dhashay lix carruur ah, waxay leedahay shan hektar ah oo beer ah, fatahaaddii ayaa keentay in aysan waxba ku beeran, biyo ayaana dhex jiifa. Cunno keyd ah oo ay heysatay wixii ayaa ka dhamaatay bishii hore.

Ganacsatada tuulooyinkan, ayaa sheegaya in daadku ku keenay in ay kordhaan qiimaha lagu geynayo raashinka, ayna taasi tahay sababta qiimaha kor ugu qaaday, iyadoo raashinkuna uusan si joogto ah u gaarin.

Salaad Cabdulle Maxamed, waa ganacsade ku nool tuulada Faay-dhuxul. Wuxuu Raadiyaha Ergo u sheegay in raashinka uu ka ganacsado uu ka keeno Muqdisho. Intii aanay fatahaaddu dhicin si toos ah ayey gawaaridu tuulada u keeni jireen raashinka, laakiin hadda wuxuu ku khasbanaaday in saddex safar oo kala duwan uu soo mariyo raashinka si uu tuulada u soo gaarsiiyo.

“Balcad ayaa la keenaa, gaari ayaa lagu keena, kaddibna Mukay dheere.  Kaddib doon ayaa la soo saaraa, meel ay doonta iman karto marka lagu dejiyana gaari dameer ayaa lagu keenaa tuulada, raashinkii oo kaa qoyey, qiimo badanna soo galay” ayuu yiri Salaad.

Wuxuu sheegay in gaariga Mukay dheere uu loorkii ku soo qaado 50,000 shilin Soomaali ($2), halka doontuna qaadaneyso loorkii 40,000 shiling Soomaali ($1.6). Gaari dameerkuna wuxuu ka qaataa loorkii 10,000 shilling Soomaali ($0.5).

“Dadka waxba ma heystaan, waxna ma iibsan karaan, waa wada baahan yihiin. Xaaladda waa xun tahay” ayuu yiri Salaad.

Muxubo waxay  ku timid Balcad $ 7, iyadoo lacagta ay u soo adeegsatay safarkeeda ay ka soo deynsatay qoys deriskeeda ah oo dibadda lacag looga soo diray.

Madaxa arrimaha bulshada ee degmada Balcad, Axmed Sheekh Xuseen ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in 7,000 oo qoys oo ku nool toddoba tuulo oo biyaha webiga Shabeelle ay go’doomiyeen, kuwaasoo ku kala yaal;a bariga iyo galbeedka Balcad. Go’doonkaas oo keenay in dadka ay ku adkaato in ay doontaan adeegyada wax iibsiga, caafimaadka iyo isu socodkaba.

“Biyaha si xowli leh ayey u socdaan, 30 mitir dhul ah ayaa go’an oo biyaha ay ka socdaan, awoodna maamulka iyo dadku uma lahan ay isaga xiraan”, ayuu Axmed oo intaas ku daray in biyuhu ku fadhiyaa dhul dhan 32km, ayna ku sii fidayaan dhul hor leh.

Axmed ayaa sheegay in 3000 oo qoys ay fatahaadda darteed uga barakeceen guryahoodii, dadkaas oo hadda ku sugan tuulooyinka Muka-dheere, Xawaadley iyo degmada Balcad.

Waxaa biyahan ka dhashay cudurro ay kamid yihiin kuwa maqaarka ku dhaca, shuban biyood, gooryaanka carruurta iyo duumada, sida uu sheegay Dr. Cabdullaahi Axmed Caddow oo ah, madaxa xarunta xannaanada dhallaanka iyo hooyada ee Balcad.

Bishii ugu dambeysay waxay xaruntu cudurka duumada ka daweysay 80 qof oo tuulooyinkaas biyaha go’doomiyeen ka yimid.

Wuxuu intaas ku daray in tiradan tahay keliya intii iyaga u timid, balse ay jiraan boqollaal qof oo kale oo iyaga duruufo dhaqaale oo ay isaga bixiyaan doonta u iman kari waayey goobta caafimaadka.

Waalidiin badan ayey sidoo kale ku adkaatay, in ay carruurtooda u keenaan xarunta tallaal iyo daweynba, iyagoo aanan awoodin in ay bixiyaan kharashka lagu raaco doonta.

Previous Post

Haween olole jarista geedka garanwaaga ka sameeyey Xiingalool

Next Post

Hargeysa: Adeeg fududeynaya suuq-geynta dalagga beeraha oo la daah-furay

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Beeralayda Awdheegle oo cayayaan uu dhibaato ku hayo

Hargeysa: Adeeg fududeynaya suuq-geynta dalagga beeraha oo la daah-furay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo