Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Warsheekh: Haweenay kalluumaysto ah oo haweenka kale barta xirfada jilaabashada

Radio Ergo by Radio Ergo
October 23, 2018
in Arrimaha Bulshada, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Warsheekh: Haweenay kalluumaysto ah oo haweenka kale barta xirfada jilaabashada

Qaali oo baraysa haweenay habka doonta loo kaxeeyo/Sawir/Maryan/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) Qaali Sahal Mire waa hooyo 45 jir ah, haysata 7 carruur ah, waa tababare kalluumaysi oo haween Warsheekh ku nool u tababarta xirfadda jilaabashada, iyadoo hadda subax kasta xeebta qarkeeda 15 haween isugu jira kuwa la qabo iyo kuwa aan la qabin ku barta habka loo dhigo shabaqa kalluumaysiga.

Waxay kalluumaysiga ku soo jirtay Qaali 30kii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ku kalluumaysata doon.

Warsheekh waa deegaan dadka noloshoodu kalluumaysiga ku tiirsan tahay, kalluun badan ayaa laga helaa, waana dakhli fiican oo kalluumaysatu dhaqaale ka heli karaan, haween badan oo ilmo keligood haysta oo wax shaqo ah aan qaban ayaana magalada ku nool, hadday bartaanna ilmahooda ayey ku korsan karaan.

Waana sababaha keenay in Qaali ay ku fekerto inay haweenka xirfadaan u tababarto, iyadoo soo bilowday sanadkii 2017, ilaa haddana waxa xirfadaan si wacan u bartay 10 haween ah oo hadda ku shaqaysta.

“Haweenka waxaan baraa sida doonta loo wado, dabaasha iyo sida loo quuso, shabaqa loo dhigo gunta badda, marka kaluunku ku dhaco shabaqa sida loo soo bixiyo” ayey tiri Qaali.
Waxay sheegtay in haweenkii ay tababartay ay ku shaqaystaan, iyagoo hagaajista kalluunkay soo qabtaan suuqana ka iibsada.

Aamino Nuur Axmed waa 25 sano jir heysata 3 carruur ah oo ninkeedii ay kala tageen, waxay subax kasta gashaa badda, iyadoo soo jilaabata kalluun.

“Waxaan qaataa surwaal, jaakad iyo koofiyad, waxaan subaxii kasoo noqdaa shanta barqanimo, waxaan soo heelaa 15 kiilo, ilaa 20 kiilo waxaa la iga siistaa 7$ ilaa 8$ dollar, maqaaxiyaha degmada Warsheekh ayaan ka iibiyaa” ayey tiri Aamino.

Waxay sheegtay in ninka carruurta ay isu dhaleen oo Muqdisho kaawada ka jebiya ay markasta la hadli jirtay si uu biil ugu soo diro, haddase taas ay ka kaaftoontay.

“Markaan la hadlo bil wax yar ayuu soo dirayey, inta badanna waxba ma hayo ayuu dhahayey, hadda intii aan kalluumaysiga bilaabay, gurigayga biil ma waayo, kalluun carruurta iyo deriskuba ila cunaanna waan soo helaa” ayey tiri Aamino.

Waxay intaas ku dartay in xirfadda kalluumaysigu ay tahay shaqo nolosheeda intii ay gashay wax ka bedeshay.

Haweenka ayaa sheegay in hanaankii ay kalluunka ugu suuq geyn lahaayeen Muqdisho ay ku adagtahay, jidkoo ku dheer iyo iyagoon haysan qaboojiyayaal iyo gadiid ay ku qaadaan.
Qaali xirfadda kalluumaysiga waxaa u dheer waxay cilad bixisaa matoorka doonyaha kalluumaysiga wakhtigay ciladoobaan.

Agaasimaha Wasaaradda kalluumeysiga Hirshabeele ee degmada Warsheeikh Cabduqaadir Xasan Maxamed ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in kalluumaysatada degmada dhibka ugu daran ee haystaa uu yahay qaboojiyayaal la’aan.

Warsheekh waxaa ka dhisan iskaashato kalluumaysi oo 210 qof ay ku midaysan yihiin, lehna 70 doonyo kalluumaysi, laba sano ka hor waxaa gabar ka ahayd Qaali keliya, haddase arrintaasi waa is bedeshay, waxayna iskaashatadaani kalluunkay soo saaran suuq iib geyn ugu dhow Muqdisho oo 60 km u jirta, waxaase ku xun hanaanka qaboojiyaha oo aysan lahayn.

“Baraf ayey ka soo iibsadaan Muqdisho, markaasay talaagado yar yar kula ridaan kalluunka, wuuna dhalaalaa barafku, taasina waxay keentaa inuu intuu jidka ku sii jiro xumaado” ayuu yiri Cabdiqaadir.

Wuxuu intaas ku daray in kalluunka ugu muhiimsan ee laga soo saaro Warsheekh ay ka mid yihiin tartabada, malaay qareedka, oowraadka iyo yuumbiga.

Ragga kalluumaysatada ah ayaa sheegaya in haweenka hadda ku soo biiray kalluumaysiga aysan culays u arag.

Cabdiraxmaan Maxamed Sasan waa sodan jir xaasle ah wuxuu leeyahay doon, wuxuu sheegay in isaga iyo afar ruux oo mid haween tahay ay doontaas kuwada kalluumaystaan.

“Gabadha nala kalluumaysataa shabaqeeday dhigataa, horay haween ila kalluumaysta ma arki jirin, mana moodayn inay qaban karaan shaqadaan, haddase inta aan soo qabto in le’eg ama ka badan ayey soo qabataa” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Qaali ayaa sheegtay in haweenka deegaamada xeebaha ah aysan caadi ahaan kalluumaysiga ku jirin, laakiin hadda ay arkayaan muhiimadda nololeed ee uu u leeyahay qoyskooda, loose bahan yahay habka suuq geynta in laga hagaajiyo si ay kor ugu qaadaan wax soo saarkooda.

Previous Post

Warsheekh: Haweenay kalluumaysato ah oo haweenka kalena u tababarta xirfadda jilaabashada

Next Post

Dhageyso: Warka Qiimaha Xoolaha

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Next Post
Xoolo-dhaqato cabasho ka muujiyay lacagta taleefannada lagu isticmaalo

Dhageyso: Warka Qiimaha Xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-MAY-2026

IDAACADDA 16-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo