(ERGO) – Jaamac Ceydiid Cabdi oo ah 45 jir naafo ka ah labada lugood waxaa uu magaalada Laascaanood ee gobolka Sool kaga shaqeystaa gaari kuwa dadka curyaanka ku socdaan oo uu sagaal bilood ka hor uu ugu deeqay nin ganacsade ah.
Gaariga oo uu sidoo kale ku socda ayaa waxaa uu ka dhex-sameystay ganacsi miisaska alaabta lagu iibiyo ah. Waxaa uu geesaha kaga xiray biro, wuxuuna dusha kaga sameeyey shiraac saaran iyo qeybta hoose oo uu miis ah ka dhigtay, wuxuuna ku dhex-iibiyaa gaariga alaabaha bagaash iyo khudaarta ay kamid yihiin muuska, cambaha, mac-macaanka, sabiibta, xabagta iyo toomku.
Intii uusan shaqadan billaabin wuxuu uu ahaa guri joog aan wax shaqo ah heyn, wuxuu degganaa isaga iyo toddoba carruur ah oo uu dhalay guri hal qol ah oo kiradiisu ahayd $25, isagoo nolol ahaan ku tiirsanaa $100 dollar oo dad qarabadiisa ah dibadda uga soo diri jireen.
Jaamac hadda isagaa la soo baxa noloshiisa, wuxuu subaxa hore ka soo baxo gurigiisa gelinka hore oo dhan ayuu ku wareejiyaa ganacsigiisa waddooyinka iyo xaafadaha kala duwan ee Laascaanood, gelinta danbena suuqa weyn ee magaalada ayuu ku iibiyaa ganacsigiisa.
“Noloshu waa igu adkeyd markii hore oo wax aan waxba ii tareyn ayaan dad ii soo dirayeen, ganacsigayga waa kobcayaa, lacag 15 dollar ah ayaan maalintii helaa, annaana iska bixiya raashinka iyo adeegyada qoyska oo dhan” ayuu yiri Jaamac.
Jaamac waxaa uu sheegay in lacag dhan $200 ay uga baxday billaabidda gaanacsigan, lacagtaas oo uu u soo diray nin ay ehel yihiin. Hadda afar kamid ah carruurtiisa ayaa dhigta iskuulka oo uu bishii midkiiba ka bixiyo $7
Jaamac oo isagoo lix sano jir ah naafoobay, kaddib markii uu ka soo dhacay geed uu fuulay, sidaasna ay labadiisa lugoodba ku burbureen waxaa uu sheegay in dadka macaamiisha u ah ay ku farxaan marka ay arkaan hal abuurkiisa, su’aalana ay ka weydiiyeen sida uu gaariga curyaanka ugu dhex-sameeyey ganacsi noocaan oo kal eah.
Dadka naafada ah ee ku nool gobolka Sool ayaa sheegaya in aysan ka jirin fursado shaqo, waxbarasho iyo adeegyo u gaar ah.
Guddoomiyaha guddiga dadka baahiyaha gaarka ah qabo ee gobolka Sool, Sheekh Mubaarak Dool wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in tiro-koobkii ugu dambeeyay ee ay 2016 ka sameeyeen degmooyinka Laascaanood, Xuddun iyo Taleex ay ku ogaadeen in 860 qof oo naafo ah, 120 kamid ahna ay haween yihiin ay ku nool yihiin saddexdan degmo.
’’Tiradaas afar qof oo macallimiin ah ayuunbaa ka shaqeeya iyo Jaamac oo ganacsi sameystay”
Dhinaca waxbarashada ayuu sheegay in tiradan 11 kamid ah dhigtaan jaamacado, aysanse jirin cid kale oo hesha waxbarasha, goobaha adeegyada dadweynuhna aysan laheyn meelo ay ka isticmaali karaan haddii ay noqoto gelitaanka guryaha.
Mubaarak waxaa uu aaminsan yahay in hal abuurka Jaamac Ceydiid ay dhiirrigelin karto dadka kale ee naafada ah in ay ku daydaan oo ganacsigiisa oo kale sameystaan.
Guddoomiyaha maamulka degmada Laascaanood ,Cabdicasiis Xuseen Taarwale oo Raadiyo Ergo ay wax ka wediisay arrimaha dadka naafada ah ayaa sheegay in maamulkooda uusan wali dejin qorshe iyo barnaamijyo gaar ah oo lagu taageerayo dadka naafada ah ee gobolka ku nool, laakiin mustaqbalka dhow ay ka fekirayaan qorsheyaal lagu taageeri karo dadka baahiyaha gaarka qabo.
Dhanka kale, Jaamac Ceydiid waxaa uu rajeynayaa in uu ganacsigiisa uu ballaariyo mar dhow oo ilaa heer dukaan uu furto gaarsiiyo.










