Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Hab-dhiig-deeqis ah oo isbitaalka Gaalkacayo laga billaabay

admin by admin
October 31, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Dad cudurka daacuunka ugu dhintay xerada qaxootiga Xagardheer
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Nidaamka dhiig kaydinta oo aan ka jirin isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo ayaa keentay in la diyaariyo dhallinyaro si tabaruucaad ah dhiig ugu deeqa bukaanada u baahan gargaarka deg deg ah. waxaana dhiigga ku deeqaya dhallinyarada dhigta dugsiyada sare iyo kuwa ku mideysay urur ka shaqeeya horumarka deegaanka. Dr, Maxamed Xuseen Aadan o oah agaasimaha isbitaalka  ayaa sheegay in dhallinyaradaas laga qoray xogtooda caafimaad, nooca dhiiggooda iyo taleefanada.

“Sababta keentay in aanu habkaan dhiiga ku helno waxa weeye duruufta, qalabka dhiigga lagu keydiyo oo Puntland ay noogu deeqday sanadkii 2015 waxa uu ku burburay qarax ka dhacay dhabarka danbe ee isbitalka, waxay ahayd 21-kii Agoosto 2016,” ayuu yiri.

Dhallinyarada dhiigga ku deeqeysa waxaa lala xiriiraa xilli kasta oo isbitaalka la keeno bukaan u baahan dhiig, iyada oo markaas la wacayo qof ama labo qof oo la dhiig ah kaddibna looga shubayo hadba cabbirka bukaanku u baahan yahay.

Dr. Maxamed ayaa sheegay in fikradan dhiig ku deeqista ay ka timid urur ay ku midaysan yihiin dhallinyaro ka shaqeysa deegaanka kuwaas oo uu sheegay in ay la soo wadaageen ra’yiga ayna la qaateen. Ururkan ayaa dugsiyada waxbarashada iyo jaamacadaha ka sameeya wacyigalin ku saabsan in dhiig bukaanada loogu deeqo si loo badbaadiyo.

“Mar baa waxaa dhacaya dagaallo, ama shil baabuur baa dhacaya, marka isku hal mar baa dad aan yareyn waxay u baahanayaan dhiig, markaasna waa marki loo baahnaa wax keyd ah oo awal yiillay. Marka dadka qaarkood waxaa dhici karta in waqtigu uusan gaarsiinin inta wax la raadinayo, taas baa ugu darneyd caqabadaha aan la soo kulannay” ayuu yiri agaasimaha. Habkan ayaa rajo u abuuraya dad badan oo dhiig bax u dhiman jiray.

Habkan oo billowday shanti bishi hore ayaa ilaa hadda waxaa la diin waan galiyey boqol shan iyo toban qof oo diyaar u ah ni dhiig ay ugu deeqaan bukaannada. Tan iyo marki uu bilaabtay dhiig deeqista waxaa la badbaadiyey 24 ruux oo bukaanno kala duwan ahaa.

Dr, Maxamed ayaa xusay dadka ugu badan ee dhiigga u baahda inay yihiin haweenka uurka leh ama xilliga ay umuleyaan, carruurta dhiig la’aantu ku dhacdo iyo dadka dhaawacyadu soo gaaraan.

Khadra Maxamed Cabdi oo ah bukaan isbitalka la keenay 17-kii bishaan Oktoobar ayaa ka mid ah bukaannada habkan cusub ee dhiig-deeqista lagu badbaadiyay. Waa hooyo 24 jir ah, waxayna foolanaysay 3 maalmood ka hor inta aan lagu sameyn qalliin ilmaha looga umuliyay, sida ay Raadiyo Ergo u sheegtay Muraayad Caalin Dhiblaawe oo ka mid ah ehelada gabadhan.

“Sinaheeda ayaa yaraa, sidaas ayaa qalliinka loogu sameeyay oo cunug mayd ah looga soo saaray, waxay u baahatay dhiig, waxaana lagu shubay 500 ML oo dhiig ah, hadda koomadii ay ku jirtay way ka baxday wayna roon tahay” ayey tiri.

Khadro waxaa laga keenay magaalada Caabudwaaq, inkasto cisbitaalka Caabudwaaq uu leeyahay qallin haddana maysan ogaan inay qallashay madheerta, basle waxaa loo sheegay kaliya in ilamaha uusan dhaqdhaqaaq lahayn waxbana aan laga qabin karin sidaasna loogu qaaday Gaalkacyo.

Khadra waxaa qalliinka lagu sameeyay gelinkii dambe ee Arbacadi, waxaana dhiigga lagu shubay waxyar un kaddib markii la qalay, sida ay sheegtay Muraayad.

Bishaaro Cabdulaahi Bulxan waa 25 jir, waxay ka mid tahay dhallinyarada dhiigga ku-deeqayaasha ah ee ku nool Gaalkacyo. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay laga qoray xogteeda 8-dii bishaan iyadoo tilmaantay in la baaray lana hubiyay caafimaadka dhiiggeeda, kaddibna xilli subax ah la soo wacay lagana codsaday in isbitaalka ay dhaqso ku timaado si looga shubo dhiig uu u baahnaa will afar jir oo ay isku dhiig noqdeen oo laga keenay xero barakaca.

“Waxa ay ahayd xilligii aan dhiigga u shubayay inanka yar 13-kii bishaan Oktoobar, aad baanan ugu faraxsanahay in aan caawiyay ilmo dhibaateysan, dhiigga aan bixiyay wuxuu uu ahaa 150 ML oo ah O+ markaan bixinaayay saxiix ayaa layga qaaday mar labaad ayaa la ibaaray.” ayay tiri. Bishaaro.

Habkan cusub ee dhiigga ku-deeqista ayaa ah markii ugu horreysay ee laga sameeyay Gaalkacyo taasi oo uu sheegay agaasimaha isbitaalka in ay socon doonto inta laga helayo qalab dhiigga lagu keydiyo.

 

Previous Post

Dhegeyso qiimaha xoolaha

Next Post

Hab cusub oo dhiig deeqid ah oo laga billaabay isbitaalka Gaalkacyo

Related Posts

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 22, 2026
Next Post
Dad cudurka daacuunka ugu dhintay xerada qaxootiga Xagardheer

Hab cusub oo dhiig deeqid ah oo laga billaabay isbitaalka Gaalkacyo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-OCT-2026

IDAACADDA 04-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-OCT-2026
October 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-OCT-2026
October 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-SEP-2026
September 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo