Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boqolaal qoys oo colaado Shabeelaha Dhexe ka taagan ka barakacay

Radio Ergo by Radio Ergo
October 17, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dad ka barakacay tuulooyin hoos-taga Xarar-dheere oo hoy la’aan ay ku haysato Camaara

Guri Gubtay /Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Kun iyo saddex boqol oo qoys oo joogo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ka barakacay tuulooyin hoos yimaada degmada ayaan haysan hoy iyo cunto ku filan, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha arrimaha bulshada ee Balcad Axmed Sheekh Xuseen.
Dadkaas ayaa ka soo barakacay dagaallo ka dhacay tuulooyinka Garas-weyn, Kullanta, Buulo-bannaan, Basra, Walamow, Daniga-baalloow iyo Buulo-barwaaqo, oo dhammaan galbeed ka xiga Balcad. Dagaallada waxay u dhexeeyaan ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.
Axmed Sheekh Xasan ayaa sheegay in dad guryahooda ka soo cararay ay weli soo gaarayaan degmada. Kuwaas oo qaar ka tirsan ay dulsaar ku noqonayaan eheladooda, halka qaar kalena aysan haysan hoy ama cid ay dulsaar ku noqdaan, iyadoo degmada Balcad aysan ku oolin xeryo ay degaan dadka soo barakacay.
Carfoon Maxamed Malabow, oo ah hooyo haysata 5 carruur ah, shalay oo Talaado ahayd ayay mooto bajaaj ay lacagteeda ka bixiyeen dad ehelo ay yihiin ku timid Balcad. Waxay ka soo barakacday tuulada Daniga-baalloow oo 10 km u jirta degmada.
Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay inay carruurta dul keensatay qoys ehelkeeda ah, ayna wadanin wax ay cunaan iyo gogol.
“Deriskaa noo keenay wax ay ilmaha cunaan, raashin ma wadanno, lacagna ma wadanno, waxba ma wadanno,” ayay tiri Carfoon.
Waxay tilmaantay in saddex maalmood oo dagaal uu ka socday tuuladeeda aysan helin wax shaqo ah. Waxay ka shaqeyn jirtay falista beeraha oo ahayd fursad ay toddobaadkiiba heli jirtay 2 ama 3 jeer, lacagta ay ka heshana kama badneyn nolol-maalmeedka qoyskeeda, mana lahayn keyd raashin ama lacag.
“Beer iyo xoolo toona ma lihi, beero aan ka shaqeeyana waan waayay oo meesha dagaal baa ka socda, beerihina hadda wayba xiran yihiin, sidaas bay isku af xirtay. Meel dagaal ka socdo yaad u shaqeynaysaa, dagaal baa ka socda.”
Waa 45 jir keligeed korsata carruurteeda oo aabbahood uu geeriyooday bil ka hor. Waxay xustay inaysan lahayn rajo ay u laabato oo ay ka cabsi qabto in dagaallada meesha ka socda ay waxyeello ka soo gaarto.
Cabdiraxmaan Cabdullaahi Saalax, qoyskiisa oo lix qof ka kooban ayaa ka mid ah dadka soo barakacay. Waxay ka soo barakaceen tuulada Garas-weyn oo 15 km u jirta Balcad, oo uu xoolo-dhaqato ku ahaa. Wuxuu Balcad yimid Isniinti oo bishaan Oktoobar ay ahayd 15.
“Carruurta awal caanahaa la iibin jiray oo baabuur baa imaan jirtay, xoolaheennaan iska maalan jirnay, nolosha mustakafi bay ahayd. Ilmihi caano la’aan, culeys iyo ciriiri bay dareemayaan, waxaan jecelnahay in walaalaheen ay na caawiyaan.”
Cabdiraxmaan ma soo qaadanin wax alaab ama gogol ah marki ay ka soo cararayeen tuulada, waxayna hadda seexdaan qol uu ku caawiyay adeerkiis oo deggan degmada Balcad oo ay ku soo barakaceen.
Xoolihiisi oo 30 neef oo lo’ ah wuxuu ku soo dhaafay walaalkiis oo tuulada ku haray. Wuxuu sheegay in isaga uu la soo baxsaday carruurta, xoolahana waxaa uu tilmaamay haddii ay xaaladdu ka sii darto in walaalkiis uu ula hayaami doono dhanka Balcad ama Jowhar.
Qaar ka tirsan dadka ku nool tuulada Garas-weyn, oo ah meesha uu Cabdiraxmaan ka soo barakacay ayaa sheegay in dagaal shalay ka dhacay ay ku dhinteen dhowr neef oo lo’ ah.
Maamulka degmada Balcad, waxay sheegeen in aysan dadka soo barakacay u awoodin gargaar iyo meel ay dejiyaan, ayna maalin walba degmada imaanayaan dad ka soo cararay tuulooyinka ay dagaallada ka socdaan.
In kastoo aan isku daynay xiriirka dadka aan dulsaarka ku ahayn eheladooda eek u soo barakacay dagaallada, nooma suurta galin inaan helno.
Qoysas kale oo ka barakacay tuulooyinkaas ayaa aaday dhanka magaalada Muqdisho, sida ay Raadiyo Ergo u sheegeen dadka barakaca ku yimid Balcad iyo maamulka degmadaba.

Previous Post

Qiimaha xoolaha ee maanta

Next Post

Bandhig dhinaca farsamada casriga ah oo lagu qabtay Muqdisho

Related Posts

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 9, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Next Post
blank

Bandhig dhinaca farsamada casriga ah oo lagu qabtay Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo