Sool: Qoysas colaad qabiil uga barakacay deegaankooda markii labaad

0
212
Sawirrada keydka Ergo

Maxamed Cabdinuur Ismaaaciil oo ah 45 jir ah, qoyskiisu ka kooban yahay lix qof wuxuu mar kale 22-kii bishan ka barakacay kaamka Shiniile ah oo u dhow deegaanka Dhumay oo 45-Km koonfur galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Waxay hadda qoyskiisu ku sugan yihiin baadiye u dhow tuuladda Domco oo gudaha xadka Ethiopia ah, una jirta Dhumay 50 KM halkaasoo ay qoyskiisu ku heysato xaalad nololeed oo adag. Saddex habeen oo ay halkan ku sugan yihiin wax raashin ah looma karin qoyskiisa, waxayna ku nool yihiin caano ay u keenaan reer guuraa deris la’ah oo meesha uu ugu yimid.

Waa markii labaad ee uu Maxamed Cabdinuur ka barakacay Dhumay oo horay uu uga barakacay bishii September, isagoo ku soo laabay deegaanka lixdii bishan Octobar Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in ay lug kaga soo baxeen deegaanka Dhumay.

“Dhibataadaa masiibada ah baa dhacday, qof waliba wuxuu qaadan karay iyo ilmihii ayuu gacanta ku dhigay hortiisuuna wuu u cararay. Anigu waxaan soo qaatay ciyaalkii iyo caagad biyo aan ugu qaaday wax kale kama soo qaadan guriga wax baabuur ah ma soconayn dhammaan waddooyinka waa xirnaayeen waxaan soo lugaynaynay saddex saac iyo bar,” ayuu yiri Maxamed.

Dagaal qabiil soo noq-noqday oo tan iyo bishii August u dhexeeyay labo beelood ayaa sii xumaatay todobaadkan kaddib markii uu jabay heshiis nabadeed oo la dhex-dhigay dhinacyada dagaallamay horraantii bishan. Dagaalka cusub ee deegaanka dib uga qarxay ayaa keenay in guryahii iyo ganacsiyadii deegaanka Dhumay la gubo.

Dagaal kan lamid ah ayaa bishii hore ku khasbay inay boqollaal qoys ka barakaceen deegaanka Dhumay, kuwaas oo tegay dhul baadiye ah iyo xeryo si ay uga badbaadaan xabbadda.

Qoysaska qaar ayaa tagay tuulooyinka Bali-Harac, Geed-dheer, Kalabayr iyo meelo kale oo ka kala tirsan Sool iyo Togdheer. Dadka qaar ayaa cararkii ku galay xadka Ethiopia, kuwaas oo tegay tuulada Domco ee ka tirsan degmada Bookh ee gobolka Doollo iyo baadiye u dhow.

Faarax Barre Ciise (Hurre) oo ah guddoomiyaha Dhumay wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in dad ka badan kun qoys ka barakaceen tuulada Dhumay iyo hareeraheeda, kuna dhibaateysan yihiin deegaano dhawr ah.

“Dadkaasi waa dad tabcaan ah aad bay u tabaalaysan yihiin, Dhumay cidiba agagaarkeeda kuma hadhin, dadka Dhumay ka barakacay waa 1,200 dadkaasi waa dadkii markii horana xooluhu ka dhamaadeen dhulka ugu liita bay ahaayeen haddana colaad baa qabsatay dad ka dhibaato xun meela kuma maqal”, ayuu yiri Faarax.

Khadra Daad waxay kamid ahayd boqolaal qoys oo ka barakacay tuulada Dharkayn oo kamid ah meelaha colaaddu saamaysay. Waxay hadda iyada iyo xubno qoyskeeda ku sugan yihiin deegaanka Kalabaydha oo ku yaalla koonfurta Laascaanood una jira 30 KM.

Ka hor intii aysan soo gaarin Kalabaydh waxay u barakaceen tuulada Saax-dheer oo ay saddex habeen ku hoydeen, halkaasoo ay sheegtay in ay lug galeen.

Khadra oo qoyskeedu ka kooban yahay 4 qof hadda waxay deggan tahay geed hoostii oo ay waab ka samaysatay kaasoo aan ka celin karin dhibicida roobka, waxaana ay heshay raashin ay dad qaraabadeeda ah oo halkan ay ugu timi ay ka heshay balse ma haysato weel ay ku karsadaan taas oo sababtay in deriskooda ay raashinka oo ceyrin u dhiibtaan kulana soo karsadaan waxaana noloshaas ay ku sugan tahay labo habeen.

Meelaha ay ku barakaceen oo aysan ku haysan hoy iyo cunto ku filan waxaa u dheer roobab mahiigaana oo ka da’aya deegaanadaasi, kuwaas oo ay waayeen meel ay ka jirsadaan sababayna wixii raashin ay haysteen oo markii horaba aan badnayn uu roobku ka qooyo. Maxamed Cabdinuur ayaa ii sheegay in roob habeen hore ku helay meesha uu joogo ay ay saameyn ku yeelatay qoyskiisa.

 

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here