Somaliland ayaa ka digtay roob dabeylo xooggan wato oo ka da’aya gobollada Sool iyo Sanaag, kaas oo maalmihii u dambeeyay lagu arkay deegaannada gobolladaas. Dadka ayaa looga digay in ay digtoonaadaan ayna joojiyaan socdaallada dhanka badda iyo safarrada la isaga gudbo goollada si aanay ugu nuglaan waxyeello ka soo gaarta haddii daadad iyo dabeylo ay dhacaan.
Weriyaha Raadiyo Ergo ee magaalada Hargeysa Ilyaas Cabdi Cali, ayaa digniintaas ka wareysaty agaasimaha xafiiska dhulka, biyaha iyo saadaasha hawada ee wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland, Cabdiqani Yuusuf Galeyr.










