Deegaanno ka tirsan gobolka Mudug ayay odayaasha oo kaashanaya maamulka waxay sameysteen xeer meelahaas looga mamnuucay in dhirta la jaro iyadoo dhuxul laga shidayo.
Deegaannadaas waxaa ku badnaa dhirta la gubo, taas oo soo billaabatay shan sano ka hor oo ahayd marki ay abaartu ka billaabatay halkaas.
Weriyaha Raaddiyo Ergo ee Gaalkacyo Jibriil Cismaan Cilmi ayaa xeerkaas iyo sida uu u shaqeeyo warbiintaan nooga soo diyaariyay.










