Sayladda xoolaha ee magaalada Buuhoodle ayaa maanta laga dareemayaa mashquulkii ugu badnaa maaddaama dadku gadanayaan adhiga qaliinka ah ee la bireeyo maalinta ciidda Carafo oo ku beegan berri oo talaado ah. Ilaa 1000 (Kun neef oo adhi ah) ayaa saaka la keenay Sayladda Buuhoodle oo markii hore cel-celis ahaan maalintii ay imaan jireen ilaa 300 oo neef sida uu Radio Ergo u sheegay Ibraahim Cawil Aadan (Weji) oo kamid ah dallaaliinta sayladda Buuhoodle.
“Maanta meeshan ilaahay barwaaquu dhigay ilaahay wuxuu na siiyey adhi aad u wacan adhiga maanta $65 baa u hooseeya waxaana ugu sareeya $80, adhi nagama dhoofin anaga dadka yagaa uun baa iibsanaya, sababtana iida ayaa leh oo la sugayey dadka dhan waa keeneen dadka wax haystaa maanta oo kale ayay iibsadaan, maanta adhi aad u badan baa yimi shiidaalkeenna waa adhi maanta 80 neef baan dilaaley walina waa iibiyey markii hore ilaa 10 baan gadi jiray”, ayuu yiri.
Axmed Cali Muxumud oo ah oday reer guuraa ah, saaka ayuu keenay labo neef oo ari ah sayladda kuwaas oo uu kasoo saaray xeradiisa oo ay ku jiraan 45 neef oo uga soo haray abaarihii dalka ka dhacay sanadkii hore. Axmed waa aabe qoyskiisu ka kooban yahay 7 qof Raadiyo Ergo ayuu u sheegay in xoolaha oo qaaliyoobay darteed maanta wax badan ay ka dabooli karaan adhiga uu gaday.
“Xoolaha waa la iga iibsadey walina waa la iibsanayaa waataas la kala xaraasayo aad u jeedo alx aad baan u faraxsanahay sayladu waa circada, iibkuna aad buu u sareeyaa jaad walba waa la gadanayaa wax la celinayo maanta majiraa maanta oo kale feesto ayay nooga dhigan tahay waana la faraxsanahay waa nagu filan yihiin,”ayuu yiri.
Ibraahim Cali Guure wuxuu sayladda keenay afar neef oo ari ah waxaa laga iibsadey saddex neef oo uu ku iibiyey qiimo kala duwan Raadiyo Ergo ayuu u sheegay in adhigan wax badan oo noloshiisa ah uu ka dabberi doono. Ibraahim ayaa qoyskiisu ka kooban yahay 6 qof waxaana uu miyiga Buuhoodle gaar ahaana Bali-docole ku dhaqdaa 60 neef oo ari ah kuwaasoo uga soo haray abaartii isagoo intii aysan dalka saamayn xoolihiisu ahaayeen 300 oo neef oo ari ah iyo 20 geel ah
“Qiimo kala duwan $80 ilaa $70 baan ku iibiyey adhigan, adhigaas qiimo fiican buu ii baxay ciidan ciidihii hore waxay kaga duwan tahay kuwii hore wadanka sidan barwaaqo uma ahayn waxaan rajeynayaa saddexda neef ee maanta aan iibiyey inaan dharka ciida ka iibsanayo, inaan raashin ka qaadanayo in lacagi iiga soo hadhi doonto nin walibana sidaas buu u faraxsan yahay”, ayuu yiri Guure.
Maanta oo uu qiimo fiican ku helay qiimihiisa ayuu Raadiyo Ergo la wadaagay dareenkiisa iyo waxa ay uga dhigan tahay.
“Waxay iiga dhigan tahay in waxayga wax alle iigu daray aad baan u faraxsanahay maxaa laga sheegaa dadka farxadooda maanta aad bay u saraysaa”, ayuu yiri.
Adhigan waxaa iibsanaya dadka magaalada kuwaas oo maalinta ciidda guryahooda ku qali doona, waxaana laga keenaa baadiyaha Buuhoodle ku xeeran iyo tuulooyinta kale ee hoos yimaada waa kan Ibraahim Cawil oo markale arrintaas ka hadlaya.
“Adhigan waxaa laga keenayaa Buuhoodle miyiga u dhow iyo tuulooyinka nagu xeeran, sida Dandan, Banyaal, Xamar-laguxidh, Marqaan, Boqonka, Heegaale, dhinaca Gamaha sida Maygaagle, Sool-joogto iyo deegaano kale”, ayuu yiri Ibraahim.
Shukri Cabdillaahi waxay kamid tahay dadka ka ganacsada xoolaha ee inta marka hore soo iibsado haddana dib dadka uga iibiya ilaa 20 neef ayay maanta ka iibisay Sayladda Buuhoodle Raadiyo Ergo ayay uga warantay sida maanta xooluhu ugu gadmeen.
“Maanta waxaan iibiyey xoolo badan macaash badan ayaan ka helay maanta, waana ku faraxsanahay sida adhigu igu iibsamey dadka udxaysanaya ayaan maanta ka iibiyey awel hore makhyaadaha iyo kawaanadaa iga iibsan jirey. Maanta kuwaas ma arkin dad ka caadiga ah ee guryahooda ku qalanaya ayaa iga iibsadey aad buu u qaali yoobey maanta waxaa intaa ii dheer in dadku lacagta meesha ku bixinayaan awel waa la kala amaahan jirey xoolaha maanta amaah malahayn”, ayay tiri.
Marka laga tago faa’iidada ay helayaan reer guuraaga xoolaha keenay iyo ganacsatada laga sii iibsanayo hadana waxaa dhanka kale shaqo abuur balaaran maanta helay dilaaliinta saylada oo aad u mashquulsan. Neefka ariga ah oo lagu dilaali jirey 20 kun oo shiling una dhiganta $0.6 maanta waxaa lagu dilaalayaa $1. Waxaa intaa dheer in dilaal walba uu iibinayo xoolo aad u badan. Ibraahim Ismaaciil Dhagsayn oo kamid ah dulaaliinta Saylada Buuhoodle ayaa ii ga waramay arintaasi.
“Maanta 85 neef baan iibiyey walina hawsha waa socotaa ilaa galabta waa sii soconaysaa, awel hore maalinta aan ugu badnahay 20 neef baan iibin jirey waa farxad badan maanta xaqul ciidka kama welwelayo”, ayuu yiri Ibraahim.
Sayladda Buuhoodle ee maanta aadka u mashquulka ah ayaa la filayaa in jawigu sidan sii ahaado maalmaha ciida oodhan Cawil Abshir oo kamid ah dadka saylada maanta u soo doontay inay ka iibsadaan neef udxo ah ayaa ka waramaya sababta xooluhu qaaliga u yihiin maanta.
“Maanta waxaa xoolaha qaaliyeeyey waxa weeye dalabkoodaa batay dadka doonaya ayaa aad u badan markastoo dalabku bato shayga waa qaaliyoobaa, saaka markaan imaanayay oo xoolaha badan aan arkay waxaan islahaa qimo jaban baad ku gadanaysaa lkn may noqon waaba sii qaaliyoobeen $80 buu gaarey neefka ariga ah”, ayuu yiri










