Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Gaalkacyo: Haween ka xanuunsanaya dhimirka oo loo sameeyay adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah

Radio Ergo by Radio Ergo
August 27, 2018
in Arrimaha Bulshada, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
GALDOGOB: 400 OO QOF OO HELAY BAARITAANNO IYO DAWEYN LACAG LA AAN AH

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Siddeed iyo tobon haween ah oo dhimirka ka xanuunsan oo lagu hayo xarun ku taalla waqooyiga Gaalkacyo ayaa loo sameeyay baaritaan iyo daweyn bilaash ah oo ay u sameeyeen dhakhaatiir ka mid ah isbitaalka gaarka loo leeyahay ee Gaalkacyo oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

Waxaa laga daweynayaa xanuunno gaaska caloosha, nafaqo-xummo iyo dhiig yari ay ka mid yihiin, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Dr. Cabdulqaadir Maxamuud Jaamac (Dhega-cadde). Xanuunadan ayaa ku dhacay dumarkaan maaddaama aanay daweyn ku haysanin xarunta ay ku jiraan oo ah meel ay ku haystaan cunto, daryeel nadaafadeed iyo jiif oo keliya.

Baaritaanka iyo daweynta qaar ka tirsan bukaannada waxaa la soo gabo-gabeeyay khamiistii oo bishan Agoosto ay ahayd 23, laakiin qaar kale ayay weli u socotaa daaweynta, waxaana daawada lagu siiya xarunta ay ku jiraan ee dhimirka.

Aamino Axmed Aadan hooyadeed oo 50 jir ah ayaa ka mid ah dumarka daweynta loo sameeyay. Waxaa ay Raadiyo Ergo u sheegtay in dhiig yaraan laga daweynayo hooyadeed, welina ay u socdaa daaweeyinka, waxay xustay in subixii iyo habeenkii ay daawooyinka qaadato.

Aamino ayaa xustay in dhiig yarada ay ka qaadday cunno xumo markii ay cunada sidii la rabay u qaadan waysay, balse hadda ay cunnada qaadato daawooyin fitamiin ahna la siiyo.

“Cunnadana way ka go’day xanuun lafaha ka hayayna wuu hayay, iyo gaas, waa la baaray daawooyin ayaa hadda u socda, xaaladdeeduna sidii hore way ka soo raynaysaa, hooyo waxay madaxa ku soo qaadi jirtay qoryo ay tuulada Bacaad-weyn geyn jirtay maaddaama xoolihii dhammaadeen lacagna aanan haysan qoryaha ayay nolosha ay ku maareyn jirtay, dhaqtarka ayaa noo sheegay in jug culus ay madaxa ka soo gaartay xanuunka neerfaha ayuu ku sheegay”

Bartamihii sanadkii 2017 ayaa laga keenay duleedka Bacaad-weyn oo Gaalkacyo dhanka waqooyiga kaga beegan 40 km, halkaas oo qoyskeeda ay ku dhaqan jireen xoolo ay abaartii ka laysay.

Waxay sheegtay in iyada oo lugaha iyo gacmaha ka xiran xarunta la keenay maaddama ay ku sugnayd xaalad aan caadi ahayn oo ay mararka qaar baxsan jirtay, markii madax jug ka gaartay, balse daryeel badan oo howl wadeennada xarunta ay u qabteen xaaladeedu sidii hore ay ka roon tahay, wax xarig ahna hadda uusan ku xirnayn oo si caadi ah ay u nooshahay.

200 oo neef oo ari ah ayay ku dhaqanayeen miyiga Bacadwayn kuwaas oo intii u danbeysay ay le’deen dabayaaqadii 2016-kii sida ay Raadiyo Ergo u sheegtay Aamino, waxaa kale oo ay sheegtay in qoyskeedu heli karin daryeelidda hooyadeed islamarkana iyagu ay dulsaar ku yihiin qoys ehelkeeda ah oo Gaalkacyo ku nool.

Cabbdulqadir Maxmuud Jamac (Dhegacadde) Oo muddo 7 sano ah xaruntan gacanta ku hayay ayaa sheegay in isaga oo kaashanaya isbitalka gaarka loo leeyahay ee Gaalkacyo ay adeegyo caafimaad iyo baaritaan guud oo bilaash ah u sameeyeen haweenka dhimirka ka xanuunsan, maaddaama xanuunno ay kale ay ku dhaceen.

Xarunta ay ku jiraan haweenka ayaa ah mid lagu daryeelo dumarka oo keliya,  Inkastoo ay jiraan rag  sidaas oo kale dhimirka ka xanuunsan haddana wuxuu Dr. Dhegacadde sheegay in tabartoodu intaas ay la ekaatay ayna haweenka u doorteen inay ka nugul yihiin ragga. Wuxuu sheegay in qof damiir leh uusan eegan karin haween wadooyinka ku dacdareysan, taas oo ahayd sababta ku riixdo in uu u oleleeyo in ay helaan xannaanayn haweenkaas.

Suhuur Yaasiin hooyadeed oo 56 jir ah ayaa ku jirto  xarunta dhimirka, toddobaadkii saddex ama afar jeer ayay soo booqata si ay xaaladdeeda ula socoto. Labo sano oo xanuunkan hayay inta badan gurigooda ayay ku xirnayd, hayeeshee muddadii halkaan lagu hayay bishii labaad ee sanadkaan 2018 ayay sheegtay in isbadal weyn ay ka dareemayso islamarkaana sidii hore aysan u ahayn qof baxsad ah.

Waxay sheegtay inaysan garanayn sababta xanuunka dhimirka uu ugu dhacay hooyadeed, dhowr jeer oo isbitaallo ay geeyeenna aan wax xanuun ah lagu soo sheegin. waxa ay sheegtay inay ka war heshay in xaruntan xanaano iyo adeegyo bilaash ah ay ka helaan haweenka dhimirka la’a.

“Cudurradii hadda laga baaray ee dawadeedu u socoto waxaa ugu darnaa gaas sababi jiray in marka cunnooyinka qaar cunto ay la xanuunsan jirtay, baaritaan guudna waa la marsiiyay, aad ayay u wacan tahay hadda, 7 bilood oo halkan ay ku jirtay aad bey uga wanaagsan tahay sidii hore waa taas wacan”, ayay tiri Suhuur.

Previous Post

Gaalkacyo: Haween ka xanuunsanaya dhimirka oo loo sameeyay daaweyn caafimaad

Next Post

Sanaag: Biyo yaraan ka jirta deegaanka Geed la-rifay oo dadka qaar ku qasabtay inay u hayaamaan deegaanno kale

Related Posts

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 28, 2026
Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 24, 2026
Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 24, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Bay: Ceelal laga hirgeliyay tuulooyin biyo-la’aanta darteed looga barakici jiray abaar kasta

Sanaag: Biyo yaraan ka jirta deegaanka Geed la-rifay oo dadka qaar ku qasabtay inay u hayaamaan deegaanno kale

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 28-APR-2026

IDAACADDA 28-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 28-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-APR-2026
April 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-APR-2026
April 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-APR-2026
April 24, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo