Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Waalidiinta la nool HIV/AIDS-ka oo ku faraxsan inay dhalaan carruur caafimaad qaba

admin by admin
July 24, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Degaanka Inamed oo bari ka xiga Dhuusamareeb oo aan lahayn adeeg caafimaad

Radio Ergo

2
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO)-Kiin iyo Xaashi* oo la nool cudurkada HIV/AIDS-ka ayaa ku faraxsan in nolashooda uu ku soo biirayo ilmo ka bad qaba xanuunkan. Waxay qoys yihiin muddo sanad ah. Waxay ka mid yihiin lixdan lammaane oo sedexdi sano ee la soo dhaafay ay xarunta Talo-wadaag oo caawis dadka xanuunkan qaba isu guursay.

Xaashi oo xanuunkan la nool sanado ayaa sheegay in xaaskiisa uu guursaday kadib markii ay isku arkeen cisbitaalka weyn ee Hargeysa qeybta dawooyinka ay ka qaataan dadka la nool HIV-ga. Halkaas oo uu ka bilowday xiriirkooda guuleystay ee ah inay qoys yegleelaan.

Ururka u dooda bukaanada la nool cudurka AIDS-ka ayaa Xaashi kula talisay inuu guursado gabar xanuunka la nool si cadaadiska maskaxeed uu uga yaraado.

“Telefoonka ayaan ka wada sheekaysanay markaan is aragnay muddo, xaaladayada waanu la soconay, qoys dhan oo jira ayaan nahay, walaahi waan ku faraxsanahay inaan nolol kale dib u billaabo, markii xanuunka la igu sheegay niyad jabkii aan qaaday ismaan laheyn waad guursan waase alxamdulilaah”

Qoyskan waxaa u shaqeeya Xaashi oo waardiye ka qaata 150$ ku biila qoyskiisa. Talo-wadaag ayaa si saddex bille ah ugu caawisa raashin kala duwan.

Kiin oo qado u diyaarinaysa seygeeda oo wajigeedna ka muuqato faraxad ayaa leh lix bil oo uur ah. Waxay qaadataa daawo ka caawinaysa in ilama uu ka badbaado xanuunka inta uu ku jiro caloosha. Waa nolal cusub oo afar sano kadib ay heshay.

“Marki la igu sheegay cudurka nolosha ayaan ka quustay, waxaan islahaa maalmo kooban ayaa adduunka kaaga haray, inaan aroos galay anigoo xanuunkii la nool oo aan ilmo caafimaad qabo dhalo wax la qiyaasi karo maaha faraxdda”

Saddex iyo labaatan caruur ah oo caafimaad qaba ayaa lixdii bil ee u dambeeya ku dhashay cisbitaalka guud ee Hargeysa sida ay raadiyaha Ergo u sheegtay dhaqtarad Xamda Muxumed Nuux oo ah umulisada haweenka cudurka la nool. Dhaqtaradda ayaa sheegtay in tani ay suuratgalisay daawo la yiraahdo BBT oo ilama ka difaacaysa in u uqaado fayruska.

“Laba jeer ayuu qaadi karaa waa marka uu caloosha ku jiro, marka uu dhalanayo oo dhiigga mandheerta u ugaaro cunnugga, haddii labadaas laga ilaaliyo waa badbaadayaa ilmuhu, xilliga ay nuujinaysa waxaa la siiyaa sharoobo dilaysa fayruuska”

Toban lammaane oo cudurkan la nool ayaa lixdii bil ee sanadkan is-guursaday. Waxay ku kala nool yihiin magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Boorama iyo Burco. Cali Cabdiraxmaan Hugur oo ah xiriiriyaha dadkan iyo xarunta ayaa sheegay in dadkan qaban xanuunkan ay u sameeyaan kulamo wacyi galin ah,kulana taliyaan inay guursadaan qof la mid ah si aanay bulshada uga dhex bixin nolashoodana ay dhistaan.

“Qofkii marka loo guuriyo wax badan oo uu ka fikiri lahaa ayaa meesha ka baxa oo bulshadii caadiga ahayd ayay iskala noolaan karaan iyagaana is xaal wareysan kara, waxaan u sheegnaa inay caawiyaan, kooda dhinta ay dhaqaan maydkiisa, sirta xanuunka ay la nool yihiin waxay ku kooban tahay gurigoodaiyo xarunta”

Tallaabadan ayaa qayb wayn ka qaadanaysa in cudurku ku faafo bulashada. Ayaan maaha magaceeda runta ah, HIV ayay la nooshahay muddo saddex sano ah. Bishii January ee sanadkan ayay nolosha la wadaagtay Caalin oo muddo toban sano ah xanuunkan la nool. Qoyskan Guurku wuxuu u yahay maalin kale oo ay dib u dhasheen. Dad badan ayaa u soo hambalyey meherkoodi.

“Anigu waan is ogaa laakiin dadka ima oga sidaas ayay iila wadaageen fariimaha tahniyadda ah , farxad ayay ii muujiyeen, aniga oo niyad jabsan ayay I dhiirigaliyeen sidii inaan ka mid ahay anigu sidaas iskuma haysan”

Caalin oo ah Sayga Ayaan ah ayaa tilmaamay in dhismaha qoykiisa ay dhaqaalo gaaray 800 oo dollar ku caawisay xarunta Talo-waag. Wuxuu rumaysan in maanta qoyska wanaagsan uusan jirin marka la qiimeeya noalshooda. Guriga uu degan yahay asaga ayaa iska leh. waa macallin qaata mushaar uu kuy biilo qoyskiisa. Wuxu sheegay in bulashada la jaarka ay ay ku xantaan xanuunka.

“Dadka waxay doonaan ha dhahaan balse haddii aan maskax ahaan u caafimaad qabo, howlahayga ayaan iska wataa ilaahay ayaa na asturay oo aan noo baahin”.

Bisha 11-aad ee sanadkan ayay rajaynayaa in qoyskooda uu kusoo biiro ilmo ka caafimaad qaba xanuunka ay iyagu la noolyihiin.

*Magacyada dadka ku jira warbixinta waan badallanay

Previous Post

Dhegeyso Qiimaha Xoolaha

Next Post

QIIMAHA XOOLAHA

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Dhaq-dhaqaaqa suuqa xoolaha Beydhabo oo dib u soo laabtay

QIIMAHA XOOLAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo