Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay tuulooyin hoos-taga Xarar-dheere oo hoy la’aan ay ku haysato Camaara

Radio Ergo by Radio Ergo
July 10, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Dad ka barakacay tuulooyin hoos-taga Xarar-dheere oo hoy la’aan ay ku haysato Camaara

Sawirradda kaydka/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaawo Cismaan Cabdi waxaa iyada iyo sagaal carruur ah oo agoon ah oo ay dashay hoy iyo harsi u ah geed hoostiis. Dhar iyo alaab midna ma wataan. Waxay halkaas ku hoyanayaan tan iyo saddexdii bishan kaddib markii ay ka soo barakaceen deegaanka Caad oo hoos-yimaada magaaalda Xarar-dheere ee gobolka Mudug, halkaas oo uu dagaal ku dhex maray dadka deegaanka iyo Al-Shabaab.

Waxay ka mid tahay 480 qoys oo ka soo barakacay deegaannaada kala ah Caad, Ceel-cabdi, Gabdhaale, Waable iyo Dhex-kaxiran oo ka wada tirsan degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug.

Xaawo ayaa raadiyo Ergo u sheegtay inaysan haysan dhar iyo gogol oo ay carruurta dhulka seexiso. Waxay raashin caawimaad ah oo bur iyo bariis lix kiilo ah ka heleen maamulka degaanka camaar oo qoysaska u soo gurmaday markii ay halkaas gaareen.

Waxay deegaanka Caad ku haystay dukaan ay ku iibin jirtay bagaashka ka hor inta aysan soo barakicin. waxay sheegtay in kowdii bishan labadii habeenimo oo dagaal uu ka dhacay deegaankooda ay ku qasbanaadeen inay ka soo baxaan guryahooda.

“Saddex maalin iyo saddex habeen ayaan jidka ku soo jirnay, dadka ma jirin qof xitaa kabo soo qaatay, wixii aan haysannay waan kasoo cararnay, cunno ma cunin cagaha biyo ayaan naga galay nafta uun baa nagu jirtay”

Xaawo oo ay la socdeen carruurteeda iyo abbaheed oo waayeel ah, oo wiilkeeda u yar jiro saddeed sano waxa ay sheegtay in biyo uun ay helayeen intii ay jidka ku soo jireen oo hadba meel ku hakanayeen si ay astaan u helaan, mararka qaarna geedaha caleentooda ay cunayeen si ay nafta ugu celiyaan.

blank
Guri dagaalka ku dumay/Ergo

Nuur Saalax Xuseen waa madaxa guddi maamulka deegaanka Camaara uu u xilsaaray u gurmashada dadka barakaca ku yimid deegaanka. Wuxuu raadiyo Ergo u sheegay inay wadaan gurmad ay dadka magaalada deegaanka ka soo aruuriyaan oo isugu jira lacag iyo raashin kadibna ay dadka u qaybiyaan.

Qoysaskan dagaallada ka soo barakacay oo isugu jira xoolo-dhaqato iyo kuwa ganacsiyo yar yar ku haystay tuulooyinka ayaa qaar ka tirsan waxaa maamulku dejiyay iskuulka hoose-dhexe ee Camaara kaas oo ardaydii dhiganaysay ay fasax ku maqan yihiin ilaa bisha soo socota shanteeda. Waxaa jira qoysas kale oo deggan duleedka deegaanka iyo kuwo dulsaar ku ah ehladooda.

blank
Guri dagaalka ku gubtay/ Ergo

Nasteexo Cilmi yuusuf oo wadata qoys ka kooban 8 qof, waxaay hoy ka heleen dugsiga hoose dhexe ee Camaara. Waxay xustay in maalintii mar ay cunnaan raashin ay siiyaan qoys ay ehlo yihiin oo deggan Camaara kuwaas oo ay ka hesho koombo bariis ah iyo bac baasto ah kaddib markii uu ka dhammaaday raashinkii gurmadka ay u heshay oo ahaa min lix kiilo oo bur, bariis iyo sonkor ahaa.

Waxay afartii bishan ka soo barakacday deegaanka Waable oo 26km u jira Camaara maalin iyo habeen ay jidka ay ku soo jireen si ay u soo gaaraan Camaara. Maalinti oo kaliya ayey socon jireen halka habeenkiina ay seexan jireen.

 

 

Previous Post

Hiiraan: Cayayaan ka dhashay fatahaadda oo baabbi’iyay dalagyada beeraha 40 tuulo

Next Post

QIIMAHA XOOLAHA

Related Posts

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 22, 2026
Next Post
Qiimaha Xoolaha

QIIMAHA XOOLAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 02-OCT-2026

IDAACADDA 02-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 02-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-OCT-2026
October 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-OCT-2026
October 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-SEP-2026
September 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-SEP-2026
September 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-SEP-2026
September 28, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo