Beeraleyda waraabka ee degmada Baardheere iyo 59 tuullo oo hoos taga ayaa kowdii bishaan billaabay in ay dib u tabcadaan dalagyo kala geddisan, iyagoo ka soo kabanaya khasaarahii ka soo gaarey fatahaadii uu sameeyay webiga Jubba bishii Abriil ee sanadkan, xilligaasi oo inka badan 10,000 hektar oo ay ku beernaayeen dalagyo ay ku baaba’een fatahaadda.
Dib-u-beerashada ayaa ka dambeysay kaddib markii 600 oo qoys oo ka mid ah beeraleyda deegaanka ay heleen abuurka beeraha iyo qalabka beeraha ay ku fashaan, taasi oo kor u qaadey rajadii ay qabeen beeraleyda deegaanka oo muddo ka badan ilaa 9 bilood aanan goosan wax mdalag ah sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Maxamed Cabdiraxmaan Matow oo ah guddoomiyaha iskaashatada beeraleyda Baardheere.
Abuurka ay beeraleydu ka faa’iideysteen oo isugu jira galley, digir, masago iyo khudaar ayaa waxaa ugu deeqday hay’adda Human Appeal oo ah hay’ad caalami ah oo ka shaqeysa arrimaha samafalka, oo fadhigeedu yahay dalka Britain. Ma jirin cid ay si gaar ah hay’addu ugu soo wakiilatay bixinta deeqdan, laakiin wakiillo ka tirsan hay’adda ayaa beeraleyda ku wareejiyey caawimaadda.
Ardo Maxamed Aadan, waxay ka mid tahay beeraleyda dib u billaabay tacabka beeraha, kaddib markii hay’adda ay toddobaadkii hore siisay abuurka, waxayna beer 5 hektar ah ku leedahay deegaanka Baciidley oo 12 km Koonfur-galbeed ka xigta Baardheer. Maalin kaddib markii abuurkaas la siiyey ayey dib ugu beeratay beerteeda.
Waxay sheegtay in tan iyo markii ay dhacdey fatahaadda iyada iyo carruurteeda oo 13 ah inay wajahayeen xaalad adag oo dhanka nolosha ah, oo xitaa uu ka go’ay biilkii iyo raashinkii ay cunayeen, taasoo ay ugu wacan tahay markii beerteeda oo ah ishii keliya ee dhaqaale ay ka heli jirtay ay fatahaaddi ka baabi’isay. Waa hooyo keligeed carruurteeda korsata oo ay aabahood kala tageen.
“Waan ku faraxsanahay inaan mar kale dib u tabcado beertayda, waxaan ka mid ahaa dadkii khasaaraha kala kulmey fatahaaddii uu sameeyey webiga jubba, ilaa iyo hadana waxaa la igu leeyahay deyn lacag gaareysa ilaa 20 milyan oo shilin oo aan ku galey fasalkii hore ee iga khasaarey, waxaana in muddo ah aan ka fakarayey meshii aan ka heli lahaa abuur iyo qalabka, Ilaah ayaa mahad leh hadda wixii aan u baahneyn waan helnay, nolosheyda hadda wax badan ayaa iska bedeli doonto” ayay tiri Ardo.
Guddoomiyaha iskaashada beeraleyda Baardheere, Maxamed Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dib-u-beerashada beeraha ay tahay tii ugu horreysay tan iyo markii ay fatahaaddu dhacday, wuxuuna intaas ku daray in beeruhu ay hadda biyihii galay ka baxeen oo la beeran karo.
“Beeraleyda waxay dib u billaabeen tacabka kaddib seddex bilood oo ay ku nolaayeen xaalado qalafsan, matooradiina wey kiciyeen, waxay heleen kaalmooyin, rajada beeraleyda xilligan aad ayey u fiican tahay, waxayna ka soo kabanayaan dhibaatooyinkii soo gaaray”, ayuu yiri Maxamed.
Rajada ay qabaan beeraleyda Baardheere ayaa ah in dalaggan cusub ee ay hadda beerteen uu si gwanaagsan ah ugu soo go’i doono haddii aysan mar kale fatahaado ama wax kale oo beerahooda waxyeelleeya dhicin.
Xuseen Cali Cabdi oo ah 49 jir, deggan tuulada Hureenaa oo Baardhere 5 km ka xigta dhanka Waqooyi, wuxuu ka tirsan yahay beeraleyda tacabka dib u billaabay oo helay kaalmada abuurka iyo qalabka qodaalka. Xuseen waxaa horay u saameysay fatahaadii oo ka baabi’isay dalagyada, waxay sidoo kale kala tagtay matoorkii berta uu ku waraabsan jiray. 4 hektar ayuu hadda ku beeray qudaar iyo galley.
“Aniga iyo qoykayka oo ka kooban 8 ruux waxaan ku laabannay tuuladii aan deganeyn ee Hureena, baardheere mudadii aan deganeyn ee 3-da bilood ahayd xaalado nolol-xumo ayaan ku nooleyn, waxaa i soo gaaray khasaare aan la qiyaasi karin xilligan la joogana rajadeena wey fiican tahay waxaan u muuqanaa qoys ka soo kabanaya dhibtii soo gaartay, aniga shaqo kale ma aqaani beertaasi ayaa ah mida aan ilmaha ugu xamaalanayey,”ayuu tiri Xuseen.
Cabdulaahi Maxamed Xasan (shiine) oo ah madaxa hay’adda Human Appeal ee xarumaha Soomaaliya iyo Kenya, ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in tallaabadani gacan siinta beeraleyda ah ay qeyb ka tahay howlo samafal oo ay ugu gurmanayaan beeraleyda ay fatahaaddu saameysay ee Baardheere. Wuxuuna xusay in qorshahoodu yahay in ay sii wadaan caawinta beeraleyda si ay mar kale dib ugu dhisaan noloshooda oo ay beerahooda wax uga soo saartaan.
“Waxaan abuur siinnay 600 oo qoys oo beeraleyda baardheere, sidoo kale waxaan siinay qalabka beeraha lagu fasho sida yaambooyin, badeelo, masaar iyo kawaawe, sidoo kale ilaa 90 ruux oo ka mid ah beeraleyda danyarta ah waxaan u kireynay ilaa 4 cagaf cagaf ah si ay dhulka beereedka burburey ugu habeeyaan,” ayuu yiri Shiine
Waxaa uu sheegay in ay qorsheynayaan in beeraleyda ay maalmaha soo socda siiyaan qoyskiiba raashin gargaar ah ay isticmaalaan muddada ay ku guda jiraan tabaca beeraha, maaddama dhammaan waxii dalag ahaa ee keydka u ahaa uu horay ugu dhamaadey.
Abuurka ay beeraleydu heleen ayaa ah kii ugu horreysay oo noociisa oo kale ah oo muddo ka badan 7 sanno, ay helaan xilligaas oo hay’ado samafal ah ay abuur siin jireen beeraleyda. In muddo intaas la’eg aysan beeraleydu helin wax caawimaad ah ayey ugu wacan tahay hay’adaha Samafalka oo gebi ahaanba ka maqnaa degmada Baardheere iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Gedo.









