Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Qoysas beeraley ahaa oo ku soo barakacay fatahaad uu dhowaan sameeyay webiga Shabeelle

Radio Ergo by Radio Ergo
June 8, 2018
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Dadkii ka barakacay dagaalka Gaalkacyo oo ay cunto-yari iyo hoy la’aan haysato 21 October, 2016

Photo|Keydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Faadumo Maxamed Aadan, waxay ka mid tahay qoysaska ku soo barakacay degmada Qoryooley. Waxay sheegtay in ay ka dhamaatay toban kiilo oo bariis iyo sokor isugu jira oo guddiga u soo gurmaday barakacayaasha ay siiyeen, taasoo u saamaxaysay in ay hal waqti carruurteeda wax u kariso.

Waxay hadda carruurteeda u karisaa masago uga soo hartay keydkii beerteeda oo ay horay u soo qaadatay markii ay imanayeen Qoryooley.

Waa beeraleey afar darab oo ay ugu beerneyd masago ku weysay fatahaadda uu webiga ka geystay tuuladii ay ku nooleyd. Iyada, seygeeda iyo lix carruur ah oo ay dhashay waxay ka soo barakaceen tuulada Maduulow oo 15-KM galbeed kaga beegan Qoryooley.

Waxay hadda joogaan Qoryooley muddo toban maalmood. Gurigii ay ka deganaayeen tuulada Maduulow iyo beertoodii ayey sheegtay ay biyo harqiyeen, kaddibna ay ka soo baxsadaan si ay noloshooda u badbaadsadaan.

“Wax iiga badbaaday malahan saddex loor oo masaga ah ayaa iga khasaartay. Biyo ayaa galay loorarkii ay ku jireen. Waxaa ii badbaaday lix suus ama koobo oo aan horay ula soo barakacay,kuwii kale biyaha ayey ku dhex-jireen, waana qaadi weynay. Waxaan ka soo tagnay beertii oo ay biyo dhex-jiifaan kullo” ayay titi Faadumo.

Guddoomiyaha degmada Qoryooley, Siid Cali Ibraahin Xasan ayaa sheegay in maamulkiisu uu wada qorshe gargaar rasmi ah lagu gaarsiinaya barakacayaashan, iyagoo kaashanaya dowladda Soomaaliya. Waxaa uu xusay inta ka horeysa helitaanka gargaarkaas ay ku dadaalayaan in ay kala shaqeeyaan xubnaha guddiga in dadka magaalada laga sooi ururiyo raashin

“Xaaladooda aad bay u adag tahay, waa dad soo barakacay, oo guryahoodii, beerahoodii biyuhu qaadeen. Maalmihii dambe waxaan ku mashquulsaneyn sidii dadka Qoryooley ku soo barakacay loo gargaari lahaa oo dowladda xitaa waan gaarsiinay. Waxaan rajeyneynaa in gargaar noo yimaado” ayuu yiri Siid Cali.

Sahro Nuur Axmed, iyada iyo saddex carruur ah oo ay dhashay oo ay sanad ka hor kala tageen aabahood waxay Qoryooley yimaadeen saddexdii bishan. Waxay ka soo barakacday tuulada Maduulow, kaddib markii  dhul beereed ay laheyd oo dhan hal hektar iyo bar ay biyuhu qaadaan.

Sahro Nuur waxay fatahaaddu ka baabi’isay dhammaan dalagyadii ay beeratay oo isugu jira masago, digir, galley iyo khudaar. Waxaa ay sheegtay in nolol wanaagsan ay ku heystay tuuladeeda oo ay iyada iyo carruurteedaba heli jireen masruufkooda maalin’laha ah.

“Markaan tuuladeeyda joogay waxaan ahaa qof shaqeysta ,waxaan ka shaqeyn jiray beerteyda. Dalag baa iigu beernaa, waxaan rajeynayey in ay waqti dhow ii soo go’i laheyd beerta oo aan suuqa u iibgeyn lahaa si aan carruurteyda iyo dadkeyga ugu anfaca. Dhammaan rajadaas way dhammaata. Anaa ka shaqeysan jiray beerteyda oo waxay eheyd meesha keliya ee nolosheena ku tiirsaneyd”, ayay tiri Sahro.

Sahro ayaa sheegtay in haatan qoyskooda ay cunaan 10 kilo oo raashin bariis iyo sokor ah, oo ay ka heshay guddiga u soo gurmaday dadka soo barakacay.  Waxaa ay ka walwalsan tahay waxa ay carruurteeda sii doonto iyo haddii ay heli doonto gargaar kale maadaamaa raashinka ay hadda heysata uu ka dhamaanaya oo ay uga harsan tahay 2 kiilo.

Fatahaad saameysay qoysaskan iyo barakaca ka dhashayba, waxay imaneysaa iyadoo toddobaadyadii u dambeysay ay soo baxayeen digniinno ay soo saareen hay’adaha samafalka oo ku aaddan khatarka in webiyada dalka ay fatahaad sameyn karaan. Dadka ku nool goobaha webiyadu maraan ayaa lagu boorriyey in ay naftooda iyo hantidooda badbaadsadaan haddii ay dhacdo fatahaad.

Previous Post

Awdal: In ka badan 40 kun oo neef ayay dishay duufaantii ‘Sagar’ ee dhacday bishii hore

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Gobaad

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Dhegeyso Barnaamijka Gobaad

Dhegeyso Barnaamijka Gobaad

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo