Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Awdal: In ka badan 40 kun oo neef ayay dishay duufaantii ‘Sagar’ ee dhacday bishii hore

Radio Ergo by Radio Ergo
June 8, 2018
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Wararkii Qiimaha Xoolaha

Photo|Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Afar iyo afartan kun oo neef oo isugu jira Geel iyo Ari ayay dishay duufaantii Sagar ee bishii hore ku dhufatay degmooyinka Baki iyo Lughaya ee gobolka Awdal, sida lagu soo bandhigay xog cusub oo lagu ogaatay tirakoobyo laga sameeyay gobolka. Isu-duwaha wasaaradda xannaanada xoolaha Somaliland ee gobolkaas Daahir Muuse Xuseen ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xoolaha ay u dhinteen qabow daran iyo roobab xooggan oo duufaantu ay wadatay.

37,434, oo neef oo ka tirsan xoolahaas waxay ku dhinteen degmada Baki, oo ah meesha xoolaha ugu badan ay ku dishay duufaanta. Tuulooyinka Ruqi, Siimoodi, Baysaarre, Qardhiile, Kaxda, Durdurka-cad iyo Qotinka, oo hoos taga degmada Baki ayaa ka mid ah meelaha ay xoolaha badan ku dhinteen.

Xoolahaas ayaa ahaa kuwii ka soo badbaaday abaarta. Waxaana badankood lagu soo badbaadiyay dhulka loo yaqaan Oogada ee gudaha Itoobiyaha oo daaq lahayd. Xoolahaas ayaa Baki lagu soo celiyay billowgii gu’gaan, sida ay Raadiyow Ergo u sheegeen xoolo-dhaqatada deegaannada Baki.

Saddex iyo toban kun oo qoys, oo xoolo-dhaqato ah oo ku nool deegaannadaas ayaa ku cayroobay duufaanta oo 19-kii bishii hore ee May halkaas ku dhufatay Awdal, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay guddoomiyaha degmada Baki Maxamed Axmed Caateeye.

Dayib Daahir Caamir oo ku nool deegaanka Ruqi oo 8 km Bari ka xiga degmada Baki ayaa ka mid ah xoolo-dhaqada ku cayroobay duufaanta. Waxaa duufaanta uga dhintay 32 neef oo Ari iyo 4 geel ah, waxaana u badbaaday labo neef oo geel.

Wuxuu sheegay in nolosha qoyskiisa oo dhan ay ku tiirsanayd xoolaha, laakiin hadda ay ku nool yihiin kaalmo ay ka heleen gargaarrada la gaarsiiyay deegaanka.

Dhanka kale, degmada Lughaya ayay ku dhinteen 6,559 neef. Deegaannada Galbeed ka xiga Lughaya waxaa ku nool xoolo-dhaqato, waana meelaha xoolaha ugu badan ee Lughaya ay ku dhinteen.

Xoolaha ku le’day daadadka iyo duufaanta, ayaa qaarkood la aasay, halka qaar kalena la gubay si aanay cudurro uga dhalan, maaddaama lagu jiro xilli roobaad, sida uu sheegay isuduwaha. Laakiin waxaa jiro meelo aan weli laga fulinin howlahaas, tirada xoolaha dhintay oo badan darteed.

Cudurro ayaa ka dhalan kara ay ka mid yihiin shuban iyo daacuun haddii aanla aasin ama la gubin, maaddaama daadadka ka dhasha roobab haddaba da’aya ay suuragal tahay inay ku daraan dooxooyinka iyo durdurrada ay dadka iyo xoolaha ka cabbaan, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Mukhtaar Aadan Miicaad, oo ah khabiir ku taqasusay xannaaneynta xoolaha oo jooga magaalada Boorama.

Waxa uu ku taliyay in aasitaanka xoolaha dhintay loo adeegsado cagafyo si aanay dadka cudurro uga qaadin maaddaama muddo badan ay bannaanka yaalleen. Dadka ay xoolaha ka dhamaadeen ayuu sidoo kale ugu baaqay inay iska fogeeyaan xoolaha dhintay si ay u ilaaliyaan caafimaadkooda iyo faya-dhowrka deegaankooda.

Dadka xooluhu dhaafeen ayaa hadda ku nool gargaar isugu jira raashin, dhar, gogol iyo bacaha aqallada laga saarto roobka oo ay ka helaan hay’ado caalami ah iyo deeq ka timid Jabuuti. Gargaarku waxay helaan mar kasta oo deegaanka la gaarsiiyo deeq gargaar ah.

Isu-duwaha ayaa sheegay in dadka ku xoolo beelay duufaanta ay u baahan yihiin in loo sameeyo dib-u-xooleyn, wasaaradda xannaanada xooluhuna ay xogaha dadkaas u gudbinayso xukuumadda iyo hay’adaha caawiya Somaliland. Laakiin ma jiro qorshe rasmi ah oo dib-u-xooleyn lagu sameynayo.

 

 

Previous Post

Qiimaha Xoolaha

Next Post

Qoysas beeraley ahaa oo ku soo barakacay fatahaad uu dhowaan sameeyay webiga Shabeelle

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Dadkii ka barakacay dagaalka Gaalkacyo oo ay cunto-yari iyo hoy la’aan haysato 21 October, 2016

Qoysas beeraley ahaa oo ku soo barakacay fatahaad uu dhowaan sameeyay webiga Shabeelle

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo