Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Mudug: Barakacayaal guryo la’aan ku hayso deegaanka Garow-waalle

Radio Ergo by Radio Ergo
June 19, 2018
in Arrimaha Bulshada, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Photo/keyd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Axmed Cali Maxamad oo ah aabbaha qoys siddeed qof ah, muddo bil iyo toban maalin ah ayuu markasta dhistaa buul yar oo ay dabeyshu ka dumiso, wuxuu barakac ku yahay duleedka deegaanka Garow-waalle oo Gaalkacyo koonfurta kaga beegan 167 km, kaddib markii roobkii guga oo ka da’ay halkaas uu sababay inay biyo fariistaan deegaanka.

Hadda isaga iyo carruurtiisu waxay ku nool yihiin buush yar oo qoraxda maalintii iyo dhaxanta habeenkii ay ka galaan kaas oo uu ka sameeyay geedo, dushana uu ka saaray bac ay ku caawiyeen qoys ehelkiisa ah oo deggan miyiga Garow-waalle.

Guriga Axmed cali oo ka koobnaa laba qol iyo dukaan ayaa gabi ahaanba waxaa dumiyey daadkii ka dhashay roobka, dukaanka ayuu ku iibin jiray alaabaha bagaashka iyo raashinka. Biyaha way yaraadeen laakiin guriga ayaa u baahan dhisme.

“Tan noogu adag waa hoyga buushka yar ee aan dhiso dabayl ayaa durba bitinaysa, oo dabaylihii xagaaga ayaa biloowday. Raashinka  qoys xoolo dhaqato ah oo ehelkeena ah ayaa noo keena, habeenkii uun baan wax aan cuno helna, ehelkaas ayaan ku baxsannaa oo cunada naga taageera”. Ayuu yiri Axmed

Axmed ayaa sheegay in hanti dhan 9 milyan oo shilinka Soomaaliga ah, oo doolar ahaan u dhiganta $300 uu ku waayay daadka, taas oo taalay dukaankiisa xilligi uu roobka da’ay sagaalkIi bishii May.

“bagaashka iyo raashinka waxaa wehliyay oo aan iibin jiray dharka halkaas oo aan ka soo saari jiray nolol maalmeedka qoyskayga balse hadda waxba faro ku mahayo, waxaan ka mid ahaa dadka deegaanka ugu ganacsiga roon, haddase waxaan ahay barakac buush ku hoyda”. ayaa hadalkiisa raaciyay Axmed.

Gudoomiyaha deegaankka Garow-waalle Maxamed Cabdi Garabay, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in 96  guri oo deegaanka ku yaalay oo ka samaysnaa dhagax ay ku dumeen roobabkii daadadka watay,  tuulada qoysaskii degganna ayuu sheegay in aysan awood u la hayn in ay dib u dhistaan oo nolosha maalin laha ah ay la halgamaan.

Hay’ada IRC ayaa dabayaaqadii bishii hore 80 qoys oo ka tirsan kuwii dhibaatada ka soo gaartay daadadka roobka  siisay lacag  $60 doolar ah qoyskiiba, kaddib markii hay’addu  awoodi waysay in raashinka ay soo mariso waddooyinka soo gala deegaanka oo biyo badan ay ceegaageen.

Deeqo Cabdi Yaasiin waa hooyada qoys toddobo carruur ah, waxay kamid ahayd dadkii u barakacay duleedka Garow-waalle. Iyada iyo carruurteeda in ka badan bil waxay ku hoydaan geed hoostiis oo ay bac saartay geesanaha ka banaan, carruurta ayay sheegtay in buste qoys la deggan ay siiyeen ay u huwiso xiliga habeenkii ah.

Ka hor inta aysan dhibaatada ku dhicin Deeqo waxa ay ka ganacsan jirtay qalidda xoolaha gaar haan ariga, waxa ay halkaas ka soo saaran jirtay nolol maalmeedka caruurteeda haddase taas meesha way ka baxday, maalinkii ayay isheegtay in neef ama laba neef oo ari ah ay qali jirtay kuwaas oo ay soo iibsato kaddibna hilibka xoolahaas ay qasho ay dib u iibin jirtay. waxa ay xustay in faa’ido lacageed oo ka badan boqol kun ay ka heli jirtay maalin walba.

“Rajada aan dib ugu laaban karno tuulada majirto, waxaan soo fiiriyey laba maalin kahor weli biyo ayaa fadhiya gurigii iyo musqushii, deedkiina waa dumay, waxaan qabaa welwel cuno iyo hoy xumo ah, waxaan codsan lahaa in nala soo gargaaro oo xilligan adag gargaar ayaan u baahanahay”. Ayay tiri Deeqo.

120 qoys ee degganaa deegaanka waxay u barakaceen goob dalcad ah oo duleedka bari kaga beegan garow-waalle, roobka gu’ga inkasto sidii hore uusan u xooganayn haddana weli waxa ay wajahayaan roobab kale oo ka da’aya garow-waalle.

Gudoomiyaha garow-waalle ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in 20 qoys oo guryahooda rajo lahaa oo dacalka tuulada ku yaalay ay ku dhiiradeen inay dib ugu laabtaan balse ay ku sii nagaan waayeen maaddama musqulihii wixii ku jiray biyuhu ay banaanka keeneen, halkii lagu barakacayna in ay dib ugu soo laabteen.

Previous Post

Ceelbarde: Ganacsatada oo diidday shilin Soomaaliga ayaa sababtay in uu kor u kaco qiimaha raashinka

Next Post

Mudug: Qoysas hoy xumo iyo cunno yari ku haysato duleedka Garow-waale

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Qoysas beeralay ah oo ku soo barakacay gudaha Baydhabo 14 September, 2016

Mudug: Qoysas hoy xumo iyo cunno yari ku haysato duleedka Garow-waale

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo