(ERGO) – Siddeed kun oo qoys oo ku go’doonsanaa tuulooyin galbeed ka xiga degmada Lughaya ayaa shalay la gaarsiiyay gargaarkii ugu horreeyay tan iyo markii duufaanta Sagar ay ku dhufatay gobolka Awdal 19kii bishii hore. Guddoomiyaha degmada Lughaya Cabdullaahi Cali Awnuur ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in gargaarka oo ka kooban 144 tan uu isugu jiro raashin iyo bacaha aqallada looga dado roobka.
Lix gaari oo gargaarka kasoo qaaday degmada Boorame ayaa 11 maalmood u socday tuulooyinkaas maadaama duufaantu ay burburisay dhamaan waddooyinka isku xirxira gobolka.
Laakiin boqollaal kale oo ku go’doonsan dhulka xeebaha ku teedsan ee gobolka Awdal ayaa weli helin wax gargaar ah maadaama aysan jirin waddooyin loo mari karo. Waxaa ka mid ah shan kun oo qoys oo ku go’doonsan toban tuulo oo dhanka xeebaha ee bariga ka xiga Lughaya. Tuulooyinka go’doonsan waxaa ka mid ah Ido-cadays, Hadayta, Cabdigeedi, Hulka, Riiga-kaluule, Garaaca, Laancawaale, Karuure, Beeyo-cadaadeed, Teeb, Damasha iyo kuwo kale.
Dufaanta oo burburisay dhamaan waddooyinkii lo mari lahaa tuulooyinkaas ayaa sidoo kale baabi’isay ilihii dhaqaale iyo nololeed ee ay qoysasku ku tiirsanaayeen.
“Waa ay adag tahay in la kala garto halkii waddo ahayd iyo dhulka kale. Dhulka oo dhan waxa uu noqday dooxyo iyo meel ay xireen dhagaxaanta iyo dhirta ay soo rogeen daadadka iyo duufaanta,” ayuu yiri Idiris Daahir Cabsiiye oo ka mid ah darawalada gaadiidka raashinka iyo agabka kale gaarsiiyay deegaanada galbeed ee Lughaya.
Qaar ka mid ah gawaarida gargaarka siday ayaa ku rogmaday inta u dhaxeysa Boorame iyo Lughaya burburka waddooyinka awgeed.
Guddoomiyaha degmada Lughaya Cabdullaahi ayaa sheegay in deegaannada uu gaaray gargaar ay yihiin kuwo ay u degnaayeen dad xoolo-dhaqato ah, ayna barakac ku tageen boqollaal qoys, oo abaaro ka soo barakacay kahor duufaanta.
Isu-tallaabista dadka ee xagga dhulka ah ayaan suurtagal ahayn waqtigaan, maaddaama duufaantu ay jeexday dooxooyin aan horay u jirin, dhul go’ badanna uu ka jiro meelaha ay duufaantu ku dhufatay.
Dadka ku nool meelaha go’doonsan ayaan haysan raashin ku filan, hoy iyo biyo nadiif ah. Cabdullaahi Cali Aw-nuur, ayaa sheegay in dadkii guryaha ay ka dumeen ay u hoydaan meelo bannaan ah.
Maxamed Jaamac Diiriye, oo ka mid ah odayaasha tuulada Garaaca, oo ka tirsan tuulooyinka go’doonsan, ayaa sheegay in dad ku dhow 200 oo qoys oo ku nool tuuladiisa ay qabaan baahiyo cunto, mid biyo iyo mid hoy intaba.
Waxa uu intaas ku daray in dadku ay hadda quutaan raashin haruur ahaa oo bishii hore ee May intii aysan dhicin duufaanta ay siisay hay’adda WFP. Haruurka oo ay qooyeen roobab xooggan oo halkaas ka da’ay ayuu sheegay dadku ay qallajistaan kaddibna ay karsadaan, maaddaama aanay haysanin wax kale oo ay cunaan.
Dadka weli go’doonsan ayaan lahayn meelo loo marsiiyo gargaarka. Laakiin guddoomiyaha degmada Lughaya ayaa sheegay in baabuurta yaryar oo aan qaadi karin wax raashin ah ay gaari karaan meelahaas.










