Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Cudur xoolaha ku dhaca oo geel badan ku laayey gobollada Gedo iyo Bay

Radio Ergo by Radio Ergo
June 13, 2018
in Wararkii u Danbeeyay
0
QIIMAHA XOOLAHA TODDOBAADKAN IYO QEYBO KA MID AH DALKA

keyd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

496 neef oo geel ah ayuu dilay cudur la yiraahdo ‘Qirir’ oo tobankii cisho ee u dambeeyay ka jiray deegaanno toddobo ah oo u dhexeeya degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor, sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyay Sharmaake Nuur Sharmaake oo ah dhakhtar xoolaha daweeyo oo ku nool Baardheere.

Cudurka ayaa ah mid ku dhaca geela oo keliya, wuxuuna neefku u dhimanayaa si deg-deg ah marka lagu arko xanuunka. Neefka ugu badan ayaa cudurku uu haynayaa 3 cisho.

“Neefka qanjirrada ayuu ka bararayaa, qufac yar buu leeyahay, isagoo iska daaqayo oo kuruskiisa intaas la’eg yahay buu iska dhacayaa, ama haddii la soo hoydo neefki oo qanjirro bararsan oo qufacayo 24 saac gudahood wuu iska dhimanayaa, haddaan xoolaleyda u kuur-galnayna cudurkaan waxaa la yiraahdaa Qirir, oo mararka qaarkood geella oo dhan buu laayaa oo saf mar buu ka dhigaa”

Xanuunkaan ayuu sheegay in ay ku ogaadeen markii ay dadka xoolo-dhaqatada ah u sheegeen calaamadaha ay ku arkeen xoolahooda, maaddaama dhakhaatiirta xoolaha ee gobolka Gedo aanay xilligaan haysanin shaybaar ay ku ogaadaan.

Dhakhtarka ayaa sheegay in xanuunkan uusan laheyn wax dawo ah, isla markaana dadka xoolo-dhaqatada ay markasta imaanayaan Bardheere, iyagoo raadinaya dawo ay kula tacaalaan xoolahooda.

“Walaahow ayaa ku dhacay dadku xoolo-dhaqatada ahaa, waxayna la’ yihiin dawo ay siiyaan, kuwii fiyoobaa xataa waa la durayaa, oo waxaa laga durayaa wax aysan qabin”.

Waxa uu sheegay in cudurka ay xoolaha ka qaadeen isbeddelka cimilada, cayayaan cuno xoolaha oo ka dhasha meelaha godadka ah iyo saxarada xoolaha qabo cudurka oo ku dul saxaroodo daaqa. Waxaa uu oo cabsi ka muujiyay in cudurka uu ku faafo dhul ka ballaaran inta hadda uu ka jiro.

Maxamuud Cali Ibraahim, ayaa kamid ah xoolo-dhaqatada uu cudurkaas uga dhacay geela. Wuxuu ku nool yahay tuulada Kanaanax oo ka tirsan degmada Diinsoor ee gobolka Bay. Intii u dhexeysay 4-tii ilaa 11-kii bishaan wuxuu cudurku ka dilay 4 neef oo geel ah. Saddex kale wuxuu sheegay in muddo labo maalmood ah uu xanuunka hayo.

“Geela wuu jirraday, rati geela qoor u ahaa oo aan sanadkan soo iibsaday wuu dhintay qaalmo kale way iga dhinteen, saddex kale way xirxiran yihiin oo cudurkii baa hayo, dadka deriska ila ah waa ila mid, oo hal dhaleysa ayaa ka dhimatay, hal kalena way xiran tahay, waa xanuun saf ah oo haya geela carrada jooga oo dhan”

Waxa uu sheegay inay qaleen marki uu dhintay neefkii u horreeyay ee xanuunka ku dhacay, si ay u cunaan hilibkiisa, laakiin ay arkeen in nabarro ay ku yaalleen sambabka iyo wadnaha neefka.

“Beerkii wuu cadaaday, sabbarkii nabarro u baxyo u eg buu lahaa dhinacna wuu ka bararay, wadnaha xataa nabarro madmadoow baa ku yaallay, marka u dambeysa oo neefka dhimanayana kaadida ayaa ku dhegeyso oo neefka wuu dibirayaa”

Maxamuud wuxuu deegaankaas tagay xilligii ay jirtay abaarta, isagoo ka hayaamay miyiga degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo. 17 neef ayaa uga dhintay abaarta, waxaana u soo badbaaday 28 neef oo geel ah. Waa 59 jir, wuxuuna sheegay in xanuunka noocaan ah uusan weligiis uga dhicin xoolaha, laakiin uu maqli jiray oo keliya. Dadka xoolo-dhaqatada ahna ay marba daawo hor leh ku tijaabinayaan geela.

Muumino Iidow Axmed, oo ku nool tuulada Bay-gaabey 45-km bari ka xigta degmada Baardheere, ayaa kamid ah xoolo-dhaqatada uu saameeyay cudurka Qirirka. 13 neef ayuu hadda ka hayaa cudurka, wuxuuna ka dilay 7 neef muddo saddex maalmood gudahood ah.

“Geela wuu jirran yahay, cudurka markuu ku dhaco horuu u dhimanaayaa, wuuna madoobaanaayaa, daawana uma hayno”

Waxa ay sheegtay in deegaankeeda ay xoolo badan ku dhinteen, dadka xoolo-dhaqatada ahna ay ku jahwareereen cudurka sidii ay ula tacaali lahaayeen.

Qaar kamid xoolo-dhaqatada uu saameeyay cudurka ayaa la sheegay in waxyeello ay u geysteen naftooda. Cali Mad Xuseen, wuxuu isbitaal ku yaalla Baardheere ku hayaa Cabdi Cali, oo ay ilmo adeerro yihiin, lagana keenay tuulada Gurbaan oo 55 km Waqooyi-bari ka xigta Baardheere. 30 neef oo geel ahaa ayuu ka laayay cudurka, oo neefkii u dambeeyay wuxuu ka dhintay Axaddii ay 10-kii bisha, wuxuuna isku dayay inuu is dilo markuu arkay sida ay xoolihiisa u dhammaanayaan.

Waxa uu sheegay in Cabdi markii uu cudurka ka dilay dhowr neef uu isla dhacay toorrey uu haystay, haddana uu yahay dhaawac dhimirkana ka xanuunsanaya.

“Waa nin aad u laxjeclo badan, markii labadii halaad ee uu ugu jeclaa geela ay hal maalin ka dhinteen buu toorrey isla dhacay, xabadka ayuu iska duray, markii loo sheegay in xoolihi sii dhamaanaayaanna wuuba miir doorsoomay, oo waalli ahaan baa loo hayaa, isbitaalka ayaan ku celcelinaynaa, nin dhaawiciisa og xataa ma aha”

Dhanka kale deegaanno ka tirsan Bu’aale, Arabow, Yaaq-baraawe, Jawaarey iyo Cabdille-biroole oo ka kala tirsan gobollada Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose ayaa laga soo sheegay calaamadaha cudurkaas. Xoolo-dhaqatada ayaa Raadiow Ergo u sheegay in 18 neef oo geel ah ay cudurka ugu dhinteen deegaannadooda.

Xoolo-dhaqatada deegaannadaas ayaa sheegaya in labadii maalin ee u dambeeyay geel badan loo karantiilay markii lagu arkay calaamadaha cudurka, aysanna garanaynin waxa ay xolahooda ka qaadeen xanuunka.

Dhakhtar Sharmaake Nuur, ayaa kula taliyay xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed, in ay karantiil u sameeyaan xoolaha ay ku arkaan xanuunka, isla markaana ay joojiyaan guurguurista maaddaama cudurku uu yahay mid si dhakhso ah ku faafa isla markaana ay xooluhu kala qaadaan.

 

 

Previous Post

Xanuunka qirirka oo xoolo ay ugu dhinteen deegaanno u dhexeeya Baardheere iyo Diinsoor

Next Post

Kalluumeysato shaqo la’aan ay dhigeen maraakiib shisheeye oo jooga xeebaha Mudug

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Boosaaso: Sare u kac ku yimid qiimaha kalluunka

Kalluumeysato shaqo la'aan ay dhigeen maraakiib shisheeye oo jooga xeebaha Mudug

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo