Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Afmadow: qiimaha maciishada oo qaaliyoobay kaddib waddooyin ay roobabku xireen

Radio Ergo by Radio Ergo
June 8, 2018
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Baardheere: Qiimaha khudrada oo hoos u dhac uu ku yimid

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO)  – Muslimo Ibraahim Qaasim 47 jir ah, waxay kamid tahay danyarta ku nool degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose. Xaafadaha magaalada oo ay dhar-dhaqid u aado ayaa ah shaqada keliya ee ay hayso, maalintiina ay ka hesho Shs22,000 oo u dhiganta $1. Lacagtaas ayay ku maaraysaa nolosha lix caruur ah oo aabahood ay kala tageen.

Marka ay shaqada ka timaado, caruurteeda ayay suuqa uga soo iibin jirtay nus kiilo bariis ah oo laga siin jiray 8,000, balse qaaliyoobay oo maanta suuqyada magaalada ka maraya nus doolar. Muslimo ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in mararka qaar ay caruurteeda u iibin jirtay galley la shiiday oo qiimo ahaan ka jaban bariiska, balse xilligan iyana la qiimo noqotay bariiska.

Roobabka Guga ee ka da’aya gobolka Jubbada hoose ayaa biyo dhigay wadada xiriirisa magaalooyinka Kimsaayo iyo Afmadow. Isu socodka gadiidkii wadada adeegsan jiray ayaa muddo labo bilood ah xiyiran. Raashinka hadda laga helo magaalada ayaa waxaa keena gaari-dameero muddo toddobo maalin ah ay ku qaadato inay u kala socdaan labada magaalo oo qiyaastii isu jira 120 km. Halkii gaari dameer ayaa qaada siddeed kiish oo raashin ah, iyadoo markii maciishadu qaaliyooday uu kiishka burka ka gaaray gudaha Afmadow $61.

Cabdiqaadir Maxamed Abuukar waxaa uu kamid yahay dadka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada Afmadow. Wuxuu ka shaqeeyaa harqaan uu ku tolo dharka oo uu ka raadiyo nolol maalmeedka qoyskiisa oo ka kooban 11 qof. Lacag $5 ku dhow ayuu maalintii ka helaa shaqada, balse hadda lacagtaas raashin saddexda waqti ay cunaan uguma filna, halka markii hore ay ka heli jireen, maadaama uu qiimaha raashinku inta ka jabnaa.

Qaar kamid ah ganacsatada Afmadow oo la hadlay Raadiyo Ergo ayaa sheegay in aanay ka rajo qabin in waddada u dhexaysa Afmadow iyo Kismaayo ay furanto bisha soo socota ee July, maadaama ay jiifaan biyo badan iyo dhiiqo aanay gaadiidku mari karin. Ilaa toban gaari oo Kismaayo ka baxday ayaa ilaa iyo labo bil hadda ku jira wadada u dhexaysa Kismaayo iyo Afmadow.

Degmada Afmadow waxaa toddobaadkii tegi jiray 15 gaadiid ah oo wada raashin iyo qudaar, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha degmada Sheekh Maxamed Dhaqane Cabdi. Gaadiidka ayaana u kala socda labada magaalo 12 saacadood.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in ilaa 350 ceel oo dadka degmadu ay biyaha gacmahooda uga heli jireen ay daadadka ka dhashay roobka ay awdeen, marka laga reebo 120 ceel oo ka samata baxay oo dadka magaaladu ay xilligan ku tiirsan yihiin.

Roobabka kahor degmada Afmadow waxaa sidoo kale u furnaa labo wado oo kala aada Dhoobley iyo Diif, laakiinse xilligan ku xirmay roobabka deegaanka ka da’aya. Waddooyinkaas ayaa ah kuwo muhiim u ah isu socodka dadka iyo ganacsiga.

Previous Post

Dhadhaab: Dab qabsaday suuqa Dhagaxley oo khasaare geystay

Next Post

Qiimaha Xoolaha

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha

Qiimaha Xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo