Kun iyo afar boqol oo qoys ayaa ka barakacay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan kaddib markii uu ku fatahay 18-kii bishan webiga Shabeelle ee dhaxmara magaalada. Buulo-burte ma ahayn meelaha fatahaaddu ka dhici jirtay, balse xilli habeen bar ah ayuu wabiga ku fatahay saddex xaafadood oo magaalada ah, kaddib roobab xooggan oo ilaa shan saac oo xariir ah da’ayay iyo heerka biyaha webiga oo aad u sareeyey.
Guddoomiyaha Degmada Buula Burte Cabdi Daahir Guure ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in biyaha wabiga uu wado ay yihiin kuwa aad uga fara badan biyahii horay loo arki jiray kuwaas oo cagta mariyay dhul beereed ku fadhiyay ilaa 25KM oo isku wareeg ah kuna teedsandhinacyada wabiga jiinkiisa oo ka tirsan tuulooyinka Libiweyne, Jamaaco, Mubaarak, Qobar iyo Gal-madoobe oo Buulo-burte hoos yimaada.
Webiga oo ka fatahay labo meelood oo isu dhow dhow, oo aan la filayn ayaa meesha ugu wayn qarqarada goostay 20 mitir oo ka tirsan xaafadda Indho-ceel, waxaana guddoomiyaha degmadu sheegay in ay adag tahay sida lagu xiri karo ilaa inta biyaha heerkooda degayaan.
Waxaa jira qoysas badan oo fatahaaadda ka barakacay oo haddana mar kale guryahii ay dageen biyahu kasii barakiciyeen, waxaana dadkaas ka mid ah qoyska Nimco Cabdi oo ah 47 jir. Nimco oo ka barakacay xaafadda Bag-abeys ayaa gurigii saddexad hadda barakac ku ah oo ku yaalla xaafadda Hantiwadaag.
Nimco ayaa xustay in aysan aqoon meel ay aadaan haddii biyuhu uga daba-yimaadaan meesha ay deggan yihiin. waxay sheegtay inay tahay markii ugu horeysay oo ay fatahaaddu saameyso, ayna barakacayaashu ay uga imaan jireen Mahaddaay, Jalaqsi ama Beledweyne.
Muumino Xassan waxay ka mid tahay qoysaska ka barakacay fatahaadda uu webigu ka sameeyay xaafadda Indha-ceel ee degamada Buulo-burte, Raadiyo Ergo ayay u sheegtay inaysan haysan hoy, cunno, biyo, weel ay wax ku shubtaan iyo gogol intaba.
Muumino ayaa tilmmaamtay inay arkeen biyaha webiga oo xili habeen bar ah guriga u soo galay kuwaas oo ka qooyay joodariyaashii ay ku jiifeen, waxaana markaas kaddib ay sheegtay in ay carrurta dulsaartay sarriiraha kaddibna ay dariska u qeylo dhaamiyeen si ay carruurta ugala baxdo, inkastoo ay ka gaari waysay in ay guriga ka baxsato alaabtii taallay.
Fatahaaddan ayaa saameyn ku yeelatay dad horay uga soo barakacay magaalada Beledweyne 29 Abriil ee sanadkan. Caasho Maxamed Haaruun waa hooyo haysata siddeed carruur ah islamarkaana ka soo barakacday fatahaaddii Beledweyne ka dhacday. Waxay sheegtay in iyada iyo laba qoys oo kale ay deggan yihiin meel bannaan ah oo xaafadda Oktoobar ee degmada Buulo-burte.
Caasho ayaa sheegtay in fatahaaddii Beledweyne markii ay dhacday ay qoysas qaraabo u ah u aadday degmada Buulo-burte, oo ay timid labadii bishan, waxayse sheegtay in hadda ay barakac yihiin iyada iyo qoyskii ay soo aadday.
Gudoomiyaha Buulo-burte Cabdi Daahir Guure ayaa sheegay in qoysaska deggan meelaha aysan fatahaaddu gaarin oo ay ka midka yihiin xaafadaha Octoobar iyo Hantiwadaag, halkii qoys uu dul dagay afar qoys oo barakac ah. Waxa uu xusay in dadka ay u gurmadeen islamarkaana u keeneen cagafyo ka daad-gureeya biyaha, hase yeeshee aanay haysan cunno iyo biyo, iyaguna aysan hayn wax ay ku caawiyaan. Wuxuu xusay in sida keliya ee gargaar lagu keeno karo ay tahay diyaarado yar yar oo garoomada ciidda ah soo fariista maaddama magaaladu ay go’doon tahay.










