Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Barakacayaal ka faa’iidaystay adeegyo caafimaad oo bilaash ah

Radio Ergo by Radio Ergo
May 29, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Barakacayaal ka faa’iidaystay adeegyo caafimaad oo bilaash ah

Faadumo Axmed Nuur oo isbitaalka Digfeer kula jirta gabar ka xanuunsan/ Munasar Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Konton iyo saddex bukaan oo ka kala yimi xeryaha barakaca ee yaalla magaalada Muqdisho, ayaa bishan May ka helay adeegyo caafimaad oo bilaash ah isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer).  Daryeelka caafimaad ee dadka loo fidiyay ayaa ah qalliimo looga saaray biyaha gala madaxa iyo caloosha iyo sidoo kale burooyin.

Isbitaalka ayaa sida caadiga ah dadka ka qaada lacago, iyadoo qalliinada madaxa qofkii laga qaado $1200 oo aanay ku jirin sariirta oo habeenkii ah inta u dhexaysa $60. Qoysaska barakacayaasha ayaana awoodin inay kharashkaas iska bixiyaan.

Faadumo Axmed Nuur oo ah xoolo ku nool xerada Beled-Amiin oo ka tirsan deegaanka Lafoole oo ku yaalla inta u dhexaysa magaalada Muqdisho iyo Afgooye, ayaa ilmo sannad jir ah oo ay dashay kula jirta isbitaalka, kaddib markii 24-kii bishan qalliin lagu sameeyey looga saaray biyo kaga jiray madaxa. Raadiyo Ergo ayay Faadumo u sheegtay in xanuunka gabadheeda hayay uu sababay in arageedii uu daciifo.

Waxay intaas ku dartay in dhalinyaro socota ay ugu timid xeryaha, markii ay arkeen dhibka gabadheedana ay ku caawiyeen sidii ay u heli lahayd adeeg caafimaad. Dhalinyarada oo 17 ah, ayaa ah dhakhaatiir si mutadawacnimo ah isu abaabulay. Bishii Abriil ee sanadkan ayay bilaabeen inay isku xiraan dadka barakacayaasha ah ee qaba xanuunada culus iyo isbitaalka Ordogan oo isbitaalka ugu wayn magaalada, kaas oo xilliyada qaar bixiya adeegyo caafimaad oo bilaash ah.

Faadumo ayaa sheegtay in gabadheeda uu xanuunku ku bilowday iyadoo afar bil jirta, mana haysato dhaqaale ay ku gayso, taas oo keentay in madaxa gabadha uu sii waynaado marba marka ka dambaysa.  Waxay intaas ku dartay in markii hore hadal iyo oohin midna aan lagu arki jirin, keliya ay ilmadu indheheeda ka iman jirtay. Ma awoodi jirin inay dhinacyada eegto, laakiinse hadda xaaladeedu ay soo fiicanaanayso iyadoo isku dayaysa inay hadaaqdo ama madaxa dhaq dhaqaajiso.

Nolosha caruurteeda oo afar ah ayay ka soo saartaa dhar-dhaqis ay xaafadaha Muqdisho ka raadsato. Maalintii ayay sheegtay inay celcelis ahaan hesho $2, lacagtaas oo u goysa laba mar maalintii wax ay karsadaan.

Qoyskeeda Faadumo ayaa xerada soo degay sanadkii 2016, xilligaas oo ay ka soo carareen abaaro ku dhuftay beer ay ku lahaayeen gobolka Bay oo muddo labo sano ah aanay wax uga soo go’in.

Dhakhtarka ayaa sidoo kale tilmaamay inay ka caawiyaan jiif lacag la’aan ah mudada ay isbitaalka ku jiraan.

Kuma koobna oo keliya carruurta barakacayaasha ka faa’iidaystay fursadan. Maxamed Axmed Ibraahim oo 27 jir ah, 12-kii bishii hore ayaa nadiifin guud loogu sameeyey kelyihiisa. Bishii ugu dambaysay ayuu sheegay in xanuunka oo muddo sanad ah hayay uu kusoo xoogaystay. Mana haysan dhaqaale uu isbitaalka ku tago si xaaladiisa wax looga qabto. Hadda ayuu Ergo u sheegay in isbedel uu dareemayo uu dib ugu laabanayo xeradiisii.

Maxamed oo ku nool xerada Naruuro ee Garasbaalay oo ku taalla duleedka koonfureed ee Muqdisho, ayaa soo degay xerada lix bil kahor, kaddib markii isaga iyo qoyskiisa oo ka kooban saddex caruur ah iyo hooyadood ay kasoo barakeceen abaar ka jirtay gobolka Shabeelaha hoose.

Previous Post

Fatahaadda webiga Shabeelle oo tobannaan sano markii ugu horreysay barakicisay dadka Buulo-burte

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Dhaqtarka Raadiya

Related Posts

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 11, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Dhaqtarka Raadiya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-MAY-2026

IDAACADDA 11-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAY-2026
May 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo