Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boqollaal kun oo qof oo ku barakacday dadaad ku rogamaday xeryaha barakacayaasha ee Baydhabo

Radio Ergo by Radio Ergo
May 8, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Boqollaal kun oo qof oo ku barakacday dadaad ku rogamaday xeryaha barakacayaasha ee Baydhabo

File photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Guudow Isxaaq Cabdiraxmaan oo 80 jir ah, shantii bishan May ayuu ka barakacay aqalkiisii oo ku yaalla xerada Carro-gaduud, kaddib markii saddexaad ay daadad ugu soo galeen. Hadda waxaa uu qoyskiisa oo ka kooban lix qof ay dulsaar ku yihiin qoys kale oo deggan xaafadda Buula-jimac oo ka mid ah xaafadaha magaalada Baydhabo. Wuxuu sheegay in habeenkii u horreeyey ay istaag ku dhammaysteen isaga iyo qoyskiisa.

Wuxuu sheegay in daadku ka qaaday agabkii guriga u yaallay, sida gogoshii ay ku seexanayeen, weelkii iyo sidoo kale raashin 10 kiilo ah oo uu maalin ka hor reerkiisa u soo gaday. Muddo saddex maalmood ah oo ay ka maqan yihiin gurigooda ayuu sheegay inaanay wax dab ah shidan, laakiinse reer ay deris yihiin oo deegaan ku ah xaafadda Buulo-jimac ay carruurtiisu ka helaan wax ay cunaan.

Barakacan u dambeeyey, Guudow ayaa qoyskiisa ka biili jiray jebinta jayga oo uu ka iibiyo dadka barakacayaasha ah ee xeryaha deggan. Muddooyinkii dambena waxaa uu raashinka qoyskiisa kaalmo uu ka heli jiray dadka xerada maadaama da’iidiisu ay u saamixi wayday inuu shaqadii hore sii wado.

Guudow ayaa qorshaynaya inuu qoyskiisa u helo hoy isla markaana uu u raro xeryaha kale ee aanay daadadku saamaynta ku yeelan, haddii uu helo jiingad iyo agabkii kale ee uu aqal ku dhisan lahaa. Maadaama xeradii uu ku noolaa ay wali biyo fadhiyaan.

Guudow Isxaaq ayaa labo sano ka hor ka soo barakacay deegaanka Awdiinle oo 30 km Waqooyi-bari uga beegan magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, halkaas oo abaaro ka jiray ay uga baa’baeen dalagyadii ugu yaallay beer ay halkaas ku lahaayeen.

Roobab lixaad leh oo labadii toddobaad ee u dambaysay ka da’ayay gobolka Bay gaar ahaan magaalada Baydhabo, ayaa khasaare u gaystay 174,000 oo qof oo deggan xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla hareeraha magaalada Baydhabo, sida ay sheegtay hay’adda NRC.

Marka laga yimaado dhibicda roobka waxaa jira daadad ka yimi deegaanno kale oo roobab heleen oo xeryaha soo galayay kuwaas oo qaaday inta badan hantidii koobnayd ee ay dadkaas lahaayeen.

Qoysaska barakacayaasha ee degan xeryaha, ayaan qaarkood haysan bacaha roobka laga galo, halka aqallada ay deggan yihiina aanay awood badan u lahayn in ay iska celiyaan dhibicda roobka iyo waliba daadadka ka dhashaba. Maadaama aanay dhowrkii sano ee la soo dhaafay deegannadaas roobab fiican helin, ayay qoysaskan dhisteen aqalo lagu dhisay maryo iyo geedo. Iyadoo qoyskii badana qaar ka mid ah bannaanka seexan jireen.

Inta badan qoysaskan ayaa hadda u barakacay meelaha taagga ah ee ka fog togagga. Maxamed Cali Nuur oo dadkaas ka mid ah, ayaa ka barakacay xerada Makoon oo ku taalla meel biyo mareen ah, waxayna hadda dulsaar ku yihiin xerada kale ee Salaamay Iidaale oo ku taalla meel taag ah oo aan biyo fariisad ahayn, isla markaana 3 km koonfur uga beegan Baydhabo.

Maxamed oo qoyskiisu ka kooban yahay siddeed ruux, ayaa labo sano iyo bar deganaa halka ay hadda daadadku ka barakiciyeen. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in roobabkii ay muddada dheer sugayeen iyo biyo la’aantii haysay ay hadda iyagii ka barakacayaan.

Maxamed ayaa qoyskiisa hadda ka biila shaqooyin uu u qabto qoysaska beeraha ku leh meelo ka baxsan magaalada. Wuxuu u qaabilsan yahay abuurka beerta iyo sidoo kale inuu falo beerta xilli roobaadkan. Mudadii uu barakaca ku ahaa magaalada Baydhabo ayuu ka shaqaynayay falista beeraha, isagoo gacan ka helaya dadka beeraha ku leh banaanka magaalada.

Laba sano iyo bar ka hor ayuu ka soo barakacay degmada Diinsoor ee gobolka Bay, halkaas oo ay ku dhaqan jireen 70 neef oo ari iyo lo’ isugu jira, halka sidoo kale uu gudaha degmada ku lahaa meherad yar oo uu ku ganacsan jiray. Xoolihiisii ayay abaartu ka dhammaysay, halka ganacsigiisiina uu is bixin waayay.

Qaasim Maxamed Aadan oo hay’adda NRC wakiil uga ah gobollada Bay iyo Bakool ayaa Ergo u sheegay in qoysaska barakacayaasha ay horey u deegaamaysteen meelo beero ah oo si gaar ah loo leeyahay, dadkii lahaana aanay dhowr sano beeran kaddib abaaro gooblka ka jiray. Barakacayaasha ayaa  ku degay dammaanad ay siisay dowlad gobolkeed Koonfur-galbeed. Arrintaas oo keentay in dhibaatada ugu badan ay ka soo gaaraan daadadka.

Qaasim ayaa sheegay in barakacayaasha ay ku baraarujiyaan inay ka fogaadaan dhulka hoose ee biyo fariisinnada ah, si ay uga bad baadaan khasaare kale oo ay wajahaan, ama cuduro ay ka qaadaan biyaha.

Previous Post

Boqollaal qof ayay saameeyeen daad ka dhashay roobab ka da’ay Baydhabo

Next Post

Qiimaha xoolaha

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha

Qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo