Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Hargeysa: Haween abaarta ku cayroobay oo jay ay guraan ka biila carruurtooda

Radio Ergo by Radio Ergo
April 5, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Hargeysa: Haween abaarta ku cayroobay oo jay ay guraan ka biila carruurtooda

Basra Maxamed Muuse oo jay ka guraysa duleedka Hargeysa/ Ilyaas Cabdi/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faadumo Aadan Cigaal oo 60 jir ah, waxay xerada barakaca ee Naasa-hablood 2 ee duleedka bari ee magaalada Hargaysa oo ay ku nool yihiin 540 qoys, ku haysaa walaasheed oo jeex qalal ku dhacay. Faadumo ayaa ka mid ah 200 oo haween ah oo ku nool xerada, kuwaas oo ku cayroobay abaaraha ka jira Somaliland. Waxay noloshooda ku maareeyaan dhagaxa jayga ah oo ay ka uruuriyaan buuraha dhanka bari Hargeysa ka xiga xeradoodana u jira 5 km.

Faadumo ayaa gelin ka mid ah maalintii shaqada aada, halka gelinka kale ay hayso walaasheed. “Cid kale nooma shaqeyso, cunnadii anigaa u karinaya oo hadana u shaqaynaya,” ayay tiri Faadumo.

Waxaa ay jayga uruurinta kula shaqaysata gabar kale oo ay kaamka ku wada nool yihiin. Iyagoo afartii maalmood ee kasta shaqadan ka hela $20 oo ay kala qaybsadaan. Uruurinta jayga, ayaa ah mid u baahan shaqo adag, iyadoo loo koro buuro dhaadheer, maalin kastana laga shaqeeya saacado badan.

Haweenka badankood waxay keligood korsadaan carruurtooda, waxayna isugu jiraan kuwo agoon heysta, ama raggoodii ay kala tageen, iyo qaar nimankii ka xanuunsanayaan oo aanay awoodin inay shaqeeyaan. Waxay Raadiyo Ergo u sheegeen inay shaqadan uga maarmeen inay ahaadaan gargaar sugeyaal, ama in ay cid kale ku tiirsanaadaan.

Gurida jayga oo ay u adeegsadaan jawaanno iyo caagado, ayaa marka ay uruuriyaan waxay ka iibiyaan dadka iska leh dhismayaasha cusub ee laga dhisayo Hargeysa. Kuwaas oo gawaari kaga soo qaata halka ay haweenkan isugu geeyaan jayga.

Maxamed Xuseen oo ka mid ah gaadiidleyda dhismaha ayaa Ergo u sheegay in jayga ay ka qaataan hadba ciddii uu diyaar u yahay.  Isla markaana wada shaqayn fiican ay kala dhexayso haweenka, marka ay ka qaataan jaygana ay ku wareejiyaan lacagtooda.

Buuraha ay haweenkani Jayga ka gurtaan waxaa maamusha dowlada hoose ee Hargeysa, lagamana qaado wax canshuur ah.

Saddex haween ah oo ka mid ah dadkii abaaraha ku soo barakacay ayaa billaabay howshan markii ugu horreysay, billowgii 2016. Iyadoo mar walbana ay ku biiriyeen haween hor leh. Basra Maxamed Muuse, waxay maalin kasta 12 saacadood uruurisaa jayga, iyadoo kala soo baxda nolo maalmeedka afar carruur ah oo ay dhashay. Saddex bilood kaddib geerida seygeedii oo dhintay horraantii 2016, ayay bilowday shaqadan.

“Runtii waa shaqo adag, laakiinse duruufta ayaa ii gaysay si aanay carruurtaydu u gaajoon,” ayay tiri Basro.

Afar maalmood ayay uruurisaa jayga, markuu u noqdo hal iska-roge, ayaa laga siistaa $20, oo ay ku bixiso biilka, waxbarashada iyo caafimaadka carruurteeda. Laba ka mid ah ayaa dhigta iskuulka Sheekh Nuur ee ay dowladdu maamusho, oo bishii ay ku bixiso $5. Waxay Ergo u sheegtay in kharashka ay ka hesho uruurinta jayga ay ku filantahay oo aanay qabin baahi ay cid kale wax ku waydiisato.

Hargaysa oo ah magaalo koraysa ayay haweenkan u yihiin il muhiim ah oo ay magaaladu ka hesho jayga, sida uu Ergo u sheegay Eng. Mustafe Cali oo ka mid ah injineerrada dhisa guryaha. Isagoo sheegay in kaali muhiim ah kaga jiraan dhismaha magaalada ka socda.

Haweenkan ayaa Ergo u sheegay inay ka quusteen noloshii miyiga, maadaama ay xoolihii ka dhammaadeen. Halka Hargeysa ay carruurtoodu uga helayaan waxbarasho iyo caafimaad.

Previous Post

Barnaamijka Dalandool

Next Post

Maalinta nabadda aduunka, orod maradon ah oo lagu qabtay Muqdisho

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Maalinta nabadda aduunka, orod maradon ah oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta nabadda aduunka, orod maradon ah oo lagu qabtay Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo