Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Umul-raaca oo ku badan Bacaadweyne, Mudug

Radio Ergo by Radio Ergo
March 12, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
CARRUUR JADEECO UGU GEERIYOOTAY BARDAALE

File Photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Haween gaaraya 11 qof ayaa labadii bil ee u dambeysay iyagoo ku jira xilliga foosha ku dhintay deegaanka Bacaadweyne oo 200 km u jira Gaalkacyo. Deegaanka iyo tuulooyinka hoostaga oo aan lahayn xarumo caafimaad oo lagu daryeelo hooyada iyo dhallaanka, waxaa ku nool qoysas lagu qiyaasay 3,000 oo ah xoolo-dhaqato ay abaarta saameysay.

Ardo Cali Caabbir oo dhimatay bartamihii bishii hore, ayaa ahayd hooyadii ugu dambeysay ee ku umul-raacday deegaanka Bacaadweyne. Xabiibo oo ah walaasheed ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in ay foolaneysay muddo afar maalmood ah. “Maalinkii afaraad habeenkeedii ayuu Alle kala keenay. Waxaa ku hartay ibidii oo labo maalin oo kale ku jirtay. Xaalad adag oo caafimaad ayay gashay daryeelna ma helin,” ayay tiri.

Waxay intaas ku dartay in ay sidoo kale dhiig-baxday, wejiga iyo lugahana ay ka barartay ka hor intii aysan dhiman. Xabiibo waxay hadda korisaa afar carruur ah oo ay ka tagtay walaasheed, kuwaas oo ay ku jirto gabadha ay foosheeda sababsatay oo xaaladdeeda ay wanaagsan tahay.

Waxay xustay muddadaas ay foolaneysay walaasheed inay waayeen dhaqaale ay ugu kireeyaan gaari geeya isbitaalka Gaalkacyo oo loo socdo dhowr iyo toban saacadood. Waxay sheegtay inay yihiin dad sabool ah oo xoolihii ay dhaqanayeen ay abaarta ka dishay. 200 oo neef oo ari ah oo haysteen ayaa hadda waxaa uga soo haray 20 oo keliya.

Duruufaha caafimaad darro ah ee haysata haweenka waa mid wali ka jirta deegaanka. Ikraam Jaamac oo kamid ah haweenka uurka leh ayaa  toddobaadkii hore loo qaaday magaalada Gaalkacayo, kaddib markii xaaladdeeda waxba laga qaban waayay. Faadumo Cabdi Maxamed oo ah umilisada keliya ee xilligan ka shaqaysa Bacaadwayne ayaa Ergu u sheegtay in markii Ikraam oo laba maalmood foolanaysay loo keenay, ay kula talisay ehelkeeda in la qaado maadaama aanay waxba ka qabin karin. Waxay sheegtay in gabadhu oo miska yar yar leh ay adkaatay in ilmuhu uu soo gudbo.

Xaaladaha u baahan qalliinka, gaar ahaan marka ilmuhu dadban yahay iyo hooyada ay ka muuqato nafaqo-la’aanta ayay sheegtay in ay ku taliso in loo qaado isbitaallada ku yaalla Gaalkacayo.

Maadamaama aanu deegaanku lahayn xarun caafimaad iyo farmashiyayaal, ayay Faadumo sheegtay in haweenka ay ku umilso qol ku dhex yaal gurigeeda. Bishii ayay mar ka soo iibsataa magaalada Gaalkacayo daawooyinka iyo agabka kale ee ay u baahan tahay.

Labadii sano ee u dambaysay ayay sheegtay in ay ka umulisay 73 haween ah oo fooshoodu sahllanayd.

Guddoomiyaha degmada Bacaadwayne Axmed Daahir Macallin ayaa dhankiisa sheegay in 44 haween ah ay umul-raaceen muddo ka yar sanad. Qoysaska deegaanka oo danyar ah aanay ayaan awoodin in ay iska bixiyaan kharashaadka gawaarida gaynaya Gaalkacayo oo midkiiba uu qaato 300 oo doolar.

Lix iyo labaatankii carruur ah ee ku dhasha Soomaaliya mid ka mid ah ayaa dhinta sida ay bishii hore sheegtay hay’adda UNICEF oo warbixin ka soo saartay umul-raaca. Soomaaliya ayaa kaalinta afaraad ka gashay wadamada ee haweenka ugu badan ku dhintaan xilliga foosha.

Previous Post

Daryeel caafimaad la’aan khatar ku haysa dumarka uurka leh ee ku nool deegaanka Bacaadwayne

Next Post

Qiimaha xoolaha

Related Posts

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 22, 2026
Next Post
QIIMAHA XOOLAHA EE SUUQYADA SOOMAALIYA

Qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 03-OCT-2026

IDAACADDA 03-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 03-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-OCT-2026
October 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-OCT-2026
October 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-SEP-2026
September 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-SEP-2026
September 29, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo