Deegaanka Bacaadwayne oo ku yaalla koonfurta gobolka Mudug ayaan lahayn xarrumo caafimaad oo wax ka qaban kara baahiyaha deegaankaas ka jira. Labadii bilood ee u dambaysay 11 haween ah ayaa dhintay xilligii umusha, iyaga oo aan helin wax kaalmo caafimaad ah.
Dadka bukaanka ah ayaa loo qaadaa magaalada Gaalkacayo oo gaarigu u socdo qiyaasitii habeen iyo maalin. Dhulka oo raf ah ayaan saamaxayn in gawaaridu si fudud ku soo gaaraan Gaalkacayo.
Jibriil Cismaan Cilmi ayaa warbixintan Gaalkacayo innooga soo diray









