Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoys 12 sano ku afduubnaa Liibiya oo Muqdisho lagu celiyay

Radio Ergo by Radio Ergo
March 21, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
WAALIDDIINTA CARRUUR LAGU HAYO PUNTLAND OO BEENIYAY IN LAGA GANACSANAYAY

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdiraxmaan Ibraahim Barrow oo 59 jir ah iyo qoyskiisa oo ka kooban shan carruur ah iyo hooyadood oo muddo siddeed sano ah afduub loogu haystay Liibiya ayaa bil ka hor dib loogu soo celiyay Muqdisho. Wuxuu sheegay in isaga god mugdi ah lagu heyn jiray, laguna ciqaabi jiray koronto muddo sanad ah. Xaaskiisa iyo gabadhiisa ugu weyn oo hadda 17 jir ah waa la kufsan jiray ilaa markii dambe laga kaxeystay gabadha oo muddo afar sano ah uu warkeeda la’aa.

Gabadhiisa ayay dib ugu midoobeen xarun tahriibeyaasha la soo celiyo lagu hayo oo ku taalla Muqdisho, kaddib markii ay ka mid noqotay 14 qof oo Soomaali ah oo 13-kii Maarso la celiyay. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa labadii bil ee u dambeysay dowladda Liibiya kala soo wareegaysay maxaabiista Soomaalida ah ee iyagoo tahriibaya la xiro.

Labo toddobaad ka hor ayaa xaaskiisa qalliin caloosha ah oo lacag la’aan ah loogu sameeyay isbitaal ku yaalla Muqdisho. “Wax weyn oo xinjir iyo hilib ah ayaa laga soo saaray markii qalliinka lagu sameeyay. Hadda qalliin kale ayaa u haray oo kaadi-heysta ah,” ayuu yiri. “Aad ayay u xanuunsaneysaa. Inta badan ma huruddo.”

Intii uusan Soomaaliya ka tegin wuxuu ka shaqeyn jiray dhir-jarista iyo nadaafadda safaaradda Liibiya ee Muqdisho. Wuxuu aaminsan yahay go’aankii ugu xumaa noloshiisa inuu ahaa safarkii uu Liibiya ku tagay, waa halkii ay murugada iyo quusta isku beddeshay noloshii farxadda lahayd ee ay dalkooda ku haysteen.

Cabdiraxmaan oo hammi dhoof uu ku jiray ayaa sanadkii 2006, $5,000 siiyay nin Liibiyaan ah oo safaaradda ka shaqeyn jiray si uu dal-ku-gal ugu soo saaro isaga iyo qoyskiisa oo markaas ahaa xaaskiisa iyo labo carruur ah. Qorshahiisa wuxuu ahaa inuu halkaas ka shaqeyso, dhaqaalaha uu urursadana uu ugu raaco doon si uu u galo Yurub. Hase yeeshee nin loo geeyay si uu ugu shaqeeyo ayuu xusay inay isaga iyo qoyskiisaba kala kulmeen dhibaato badan.

Safarrada tahriibka ee ay Soomaalidu isku dayaan inay ku gaaraan Yurub guul kuma wada dhammaadaan. Dad ayaa naftooda ku waaya ama lixaadkooda ku beela. Muno Cabdi oo ah xaaska Cabdiraxmaan xanuun dhimirka ah ayay labo sano ka hor ka qaadday tacaddiyadii ay kala kulantay afduubka.

Labadii sano ee u dambeysay labo jeer ayay bixiyeen lacag madax-furasho ah. Markii hore $8,000 ayaa la waydiiyay. Halkii ay sugayeen in la sii daayo ayaa mar kale laga dalbaday $4,000 oo oo hor leh, waxaana labada goorba lacagta u diray aabbihiis oo iibiyay guriga keliya ee ay ku lahaayeen Muqdisho. Lacag-bixinta labaad waxay ka fududeysay ciqaabtii iyo ilaalintii badneyd, waxaana loo oggolaaday inay isla noolaadaan. Markii dambe waxaa u suuragashay inay baxsadaan lana xiriiraan safaaradda Soomaalida ee Tripoli.

Danjire Cali Saciid Fiqi oo ah safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in labadii bil ee la soo dhaafay ay ku guuleysteen soo celinta 74 qof oo tahriibeyaal ah oo ku xirnaa xabsiyada Liibiya. Waxaa ku jira qaar uu jirdilka naafeeyay iyo qaar dhimirka ka xanuunsanaya.

Howshan oo uu danjiraha xusay inuu dowladda Soomaaliya ka caawinayo Midowga Yurub ayuu qorshuhu yahay in lix bil dadkaas lagu hayo xarunta loo diyaariyay, laguna bari doono xirfado ay ku shaqeystaan sida korontada iyo farsamada gacanta, iyadoo kuwa horay xirfadaha u lahaa ee la yimaada fikrado ganacsi ay ugu talagaleen $2,000 oo maalgelin ah.

Danjiraha ayaa tilmaamay in kooxaha wax afduubta ee Liibiya jooga ay haystaan dad ka badan 2,000 oo qof oo Soomaali ah sida ay ku ogaadeen wareysiyo ay la yeesheen dad laga soo daayay gacantooda. Xabsiyada dowladda Liibiya waxaa ku xiran sida uu danjiraha sheegay 400 oo qof oo diiday inay Soomaaliya ku noqdaan.

Previous Post

Dadka ku nool deegaanka Galbarwaaqo ayaa markii ugu horreysay helay waxbarasho

Next Post

Bari: biyo la’aan ka dhalatay ceel jabay oo ay dad badan ku tiirsanaayeen

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Biyo la’aan ka jirta degaanno ka tirsan garbahaarey

Bari: biyo la’aan ka dhalatay ceel jabay oo ay dad badan ku tiirsanaayeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo