Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Bari: biyo la’aan ka dhalatay ceel jabay oo ay dad badan ku tiirsanaayeen

Radio Ergo by Radio Ergo
March 21, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Biyo la’aan ka jirta degaanno ka tirsan garbahaarey

Kaydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Waxaa saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay biyo la’aan ah tuulooyin gaaraya 40 oo ku yaalla dhul-daaqsimeed ka tirisan gobolka Bari. Kaddib markii cillad ku timi bamkii biyaha ka soo saarayay ceelka keliya ee tuulada Ceel-gaal oo ku taalla buuraleyda u dhexaysa degmooyinka Caluula iyo Qandala. Dadka deegaanka ayaa awoodi waayay $7000 oo ah kharashka lagu hagaajin lahaa bamka. Arrintaas oo qaali ka dhigtay qiimaha fuustada biyaha oo markii hore ahayd $0.05 haddana deegaanka ka joogta $13. Sida uu Raadiyo Ergo  u sheegay Axmed Xasan oo ah maamulaha ceelka.

“Qiimaha fuustada biyaha ah ayaa ka badan, intii markii hore lagu iibsan jiray booyadda 25 ka fuusto qaada oo ahayd $12.5,” ayuu yiri Axmed.

Deegaanka oo ah dhul-daaqsimeed ayaa waxaa hadda biyaha u keena booyado yar yar oo middiiba qaado 25 fuusto kuwaas oo ka soo qaada biyaha deegaanka Taageer oo qiyaastii dhanka Koonfur 120 km kaga beegan Ceel-gaal. Waddooyinka oo xun awgeeed ayay dadka deegaanka ku qaadataa in ay sugaan biyaha laga keenayo Taageer oo ah meesha ugu dhow ay biyo ka heli karaan.

Axmed Xasan wuxuu sheegay in xilligan oo kale xoolo-dhaqato gaaraysa 150 ay usoo biyo doonan jireen ceelka iyadoo sidoo kalena ay maalin walba ku dhowaad toban booyadood ay biyo uga qaadi jireen deegannada kale.

Xoolo-dhaqatada deegaanka ayaa muddo shan bilood ah ku tiirsanaa biyo dhaamin, maadaama roobabkii ugu dambeeyey ay deegaanka ku yaraayeen. Maxamuud Cismaan oo ka mid ah xoolo-dhaqatada dooxada Qori-guban oo ku dhow Qandala ayaa Ergo u sheegay inuu dayn ahaan u qaato biyaha, maadaama aanu haysan lacag uu ku iibsado biyaha laga keeno ceelasha aanay horay uga cabi jirin.

100 neef oo uga soo haray 300 oo ari ah iyo qoyskiisa oo ka kooban 10 qof ayuu sheegey in bishii uu ku filnaysiiyo 20 fuusto oo biyo ah. Wuxuu intaas ku daray in xaaladdan ay timi xilli xooluhu aanay awoodi karin in meel fog loo aroor geeyo oo ay tamar darreeyeen.

Xoolo-dhaqatada deegaanka ayaa sheegaya in muddo dhowr bilood laga joogo ay ka dhammaadeen biyihii u galay ceelasha ee ay ka heleen roobabkii da’ay go’gii la soo dhaafay. Taasna ay keentay in dadkii oo dhan ay isugu yimaadaan halka ceel ee jabay.

Axmed Cabdi oo 80 jir ah, kana mid ah xoolo-dhaqatada deegaanka Ceeri oo qiyaastii 50 km dhanka bari ka xigta degmada Qandala, wuxuu bil walba u baahdaa 40 fuusto oo biyo ah oo uu markii hore ku iibsan jiray $20, hadase uu ku qaato dayn ahaan $500.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in uu hadda ka welwelsan yahay in xoolaha uga soo haray 1000 neef oo ari ah oo uu abaarta ka hor dhaqan jiray in ay harraad u dhammaadaan. “xoolaanu ku bedelan jirnay biyaha, laakiin xoolihii hadda wax la qaato waa noqon waayeen,” ayuu yiri Axmed.

Axmed iyo qoyskiisu waa xoolo-dhaqato aan lahayn meel kale oo ay noloshoodu ku tiirsan tahay. Haddii aan xal loo helin ceelka jabayna, waxay khatar ugu jiraan in xoolaha uga soo bad baaday abaarta ay ku dhaafaan biyo la’aan.

Duqa degmada Qandala Jaamac Maxamed Khuurshe oo Raadiyo Ergo wax ka waydiisay waxa ilaa iyo hadda ay ka qabteen arrinta ceelka iyo cabashada ay dadka iyo xoolo-dhaqatadu qabaan, ayaan sheegin wax dadaalo ah oo ay dib ugu hagaajinayaan cillada ku timi matoorka, marka laga reebo baaqyo ay u direen maamulka Puntland iyo hay’adaha deeqaha bixiya oo ku aadan in biyo dhaamin loo sameeyo dadka iyo doonyada ay saamayntu ku yeelatay ceelka jabay.

 

Previous Post

Qoys 12 sano ku afduubnaa Liibiya oo Muqdisho lagu celiyay

Next Post

In kabadan saddex kun oo carruur ah oo ka shaqeysa gudaha suuqyada Hargeysa

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Dhegeyso Barnaamijka Codka Dhegeystaha

In kabadan saddex kun oo carruur ah oo ka shaqeysa gudaha suuqyada Hargeysa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo