Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato abaarta ku ceyrtoobay oo xaaluf ku shaqeysanaya

Radio Ergo by Radio Ergo
February 9, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Bulshada deegaanka Boocame oo dadaal ugu jira joojinta xaalufka

Sawirrada keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xoolo-dhaqato ku nool miyiga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo ku ceyrtoobay abaarta ayaa shaqooyin ay noloshooda ku maareeyaan ka dhigtay jarista iyo dhuxuleynta dhirta. Tan iyo bishii hore ee Jannaayo waxaa sagaal deegaan oo degmadaas hoostaga ku soo badanaya dadka ka shaqeynaya xaalufka. Hadda waxa keliya ee ay ka fikirayaan waa nolol-maalmeedkooda, laakiin tani waxay soo celcelin kartaa abaaraha sida ay ka digayaan khubarrada deegaanka.

Xuseen Maxamuud Cali oo ka mid ah dadka deegaanka Khadado oo qiyaastii sagaal km u jirta Ceelwaaq ayaa sheegay in dhulkaas oo miyi ah uu ku arki jiray hal ama labo qof oo dhir gubaya, laakiin uu hadda muddo bil ah ku arko ilaa 30 qof dad gaaraya oo koox koox dhirta u jaraya, u gubaya, uguna raraya dameerro. “Geedaha ay jaraan waa kuwo nafci u leh dadka iyo duunyada sida quraca iyo hareeriga. Geedka oo dhan ayay jarayaan oo wax dan ah kama leh,” ayuu yiri.

Aadan Maxamed oo sanadkii hore ay abaarta uga dhinteen xoolihiisii oo dhan oo ahaa 65 ari ah iyo 23 lo’ ah ayaa ka mid ah dadka xirfadda ka dhigtay dhuxuleynta dhirta. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay inuu shaqadan u arkay fursadda keliya ee uu xilligan heli karo si uu qoyskiisa raashin ugu iibiyo.

Ninkan oo ah aabbaha qoys ka kooban sagaal qof oo ku nool deegaanka Laan-qurac oo siddeed km u jira Ceelwaaq ayaa isaga iyo saddex nin oo iyaguna abaaraha ku ceyrtoobay oo ay wada shaqeeyaan waxay afartii maalmoodba diyaariyaan shan loor oo dhuxul ah. Dameer ay kireysteen ayay ku geeyaan suuqyada Ceelwaaq Soomaaliya ama Ceelwaaq Kenya, iyadoo loorkii laga siiyo KSh500 ama 100,000 ($4.5).

Deegaannada uu xaalufka ku xoogeysanayo oo kala ah Khadado, Buulo-bacaad, Sandacar, Weel-u-weer, Kamorojawey, Laan-qurac ,Budada, Garsaal iyo Samaroole waa meelo saddexdii sano ee u dambeysay uusan si fiican roobku uga di’in. Xoolaha oo iibkooda, hilibkooda iyo caanahooda ay noloshooda ku maareyn jireen waxay noqdeen qaar dhintay iyo kuwo ay harraadka iyo gaajada caateeyeen oo aan nafci lahayn.

Cabdullaahi Diiriye oo bartay cilmiga deegaanka, kuna sugan Ceelwaaq ayaa sheegay in haddii aan la daba-qaban jarista lagu hayo dhirta ay keeni karto nabaadguur iyo in la waayo dhul ay xooluhu daaq ka helaan. Wuxuu xusay in aanay xooluhu ku noolaan karin meel aan dhir lahayn, maaddaama marka dhirta la waayo ay dhulka ku badanayaan qalleylka iyo kuleylka.

“Dhirta oo la jaro iyo isbeddel ku yimaada dhul daaqsimeedka wuxuu soo jiitaa inay soo noqnoqdaan abaaraha ka taagan deegaanka,” ayuu yiri. Wuxuu ku taliyay in la qaado tallaabooyin arrimahan wax looga qabanayo si loo badbaadiyo mustaqbalka deegaanka.

Sahal Macallin Aadan oo ah guddoomiye ku-xigeenka maamulka degmada Ceelwaaq ayaa weriyaha Ergo ee gobolkaas u sheegay in ay ka warqabaan dhibaatadan ku soo badaneysa dhulka miyiga ah, inkastoo uusan noo sheegin tirada dadka ku lugta leh, baaxadda deegaannada uu xaalufka ka socdo ama tirada geedaha ilaa hadda la jaray, haddana wuxuu xusay inay ku mashquulsan yihiin wax-ka-qabashadeeda. Waxay ka war sugayaan natiijada kulamo u socda iyaga iyo odayaasha deegaannadaas oo ay uga arrinsanayaan xalka dhibaatadan.

Previous Post

Dhegeyso xubinta qiimaha xoolaha

Next Post

Qiimaha Xoolaha

Related Posts

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha ee Sayladda Bender Bayla ee gobolka Bari

Qiimaha Xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-SEP-2026

IDAACADDA 11-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-SEP-2026
September 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo