Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Webiga Jowhar oo isu beddelay meel gaadiid wadista lagu barto

admin by admin
February 16, 2018
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Jowhar: Boqolaal dhalinyaro kallumaysato ah oo ku shaqo waayey webiga guray

Photo| Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Webiga Shabeelle ayaa meelaha uu ka qallalay ee magaalada Jowhar waxay isu beddeleen goobo lagu barto gaari-wadista iyo barxado ay carruurtu kubbadda ku ciyaarto. Dhibic biyo ah laguma arkin wixii ka dambeeyay 15-kii Jannaayo. Waxay taasi saameyn ku yeelatay dadka ay ceelasha ka fog yihiin oo ka cabi jiray, beerihii lagu waraabin jiray, xoolo-dhaqatada iyo boqollaal kalluumaysato ah oo hadda shaqo-la’aan wajahaya.

Waa markii saddexaad ee uu guro tan iyo bishii Maarso ee sanadkii 2016. Yacquub Ciise Cumar oo ah wakiilka Shabeellaha dhexe ee hay’adda Maamulka Dhulka iyo Biyaha ee SWALIM ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay jirto dayacaad badan oo haysata webiga. Wuxuu xusay in ay carro badan xirtay gunta webiga, taas oo diideysa inay biyuhu muddo dheer ku sii hakadaan. Mararka qaar waxaa dhacda in biyaha ay bannaanka u butaacaan iyadoo aan laga faa’ideysan.

Maamulka biyaha webiga ayuu sidoo kale tilmaamay inuu xun yahay oo biyo-qabatinnada aysan shaqeyneyn. Tiiyoo ay jirto in saddexdii sano ee u dambeysay uu roobku ku yaraan gobolka.

“Caadi ahaan xilliyadii hore meelaha biyo-qabatinnada iyo gudaha Soomaaliya waxay heli jireen roobab cabbirkoodu yahay 600mm, halka saddexdii sano ee u dambeysay aysan helin wax ka badan 200mm,” ayuu yiri. Isbeddel cimilada ku yimid ayuu u sababeeyay inay yaraadaan roobabkii laga heli jiray Bariga Afrika.

Dad badan oo beeraley ah oo ku nool Jowhar iyo 20 tuulo oo hoostaga ayuu qalleylka webigu saameeyay. Maxamed Cali oo ka mid ah beeraleyda tuulada Cadada oo qiyaastii lix km u jirta Jowhar ayaa sheegay inay ka qallashay beer hal hektar ah oo ay ugu abuurneyd khudaar kala duwan. Webigu wuxuu guray xilli ay waraab u baahneyd beertiisa oo uu tacbay bishii Diseembar ee sanadkii dhamaaday.

Labo jeer ayuu khasaaray sanadkii la soo dhaafay oo keliya. Galley u beerneyd waxaa bishii Oktoobar baabi’isay fatahaad uu webigu sameeyay. Khudaarta hadda ka qallashayna waa tii uu beeray markii ay biyuhu dhulka ka baxeen. “Iska daa wax aan helo ee deyn SoSh3.5M ($145) ayaa la igu leeyahay. Lixda bil ee soo socotana ma rajeynayo inaan dalag goosto,” ayuu yiri. Deyntaas waa dhaqaalihii uu dib ugu maalgashaday beertiisa si uu uga soo kabto khasaaraha.

Webiga Shabeelle oo Soomaaliya kaga yimaada dhanka Itoobiya ayaa mara gobollada Hiiraan, Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose.

Wasiirka beeraha iyo waraabka ee maamulka HirShabeelle, Xasan Axmed Muuddey ayaan wax ka waydiinnay qorshaha uga yaalla iyo sida ay ka yeelayaan xaaladda dadkii ku tiirsanaa webiga. Wuxuu noo sheegay in 14-kii bishan ay baarlamaanka maamulkooda horgeeyeen muhiimadda ay leedahay in la helo ceelal dhaadheer oo tuulooyinka webiga keliya ku tiirsan laga hirgeliyo.

Waxay hay’adaha samafalka iyo dowladda federaalka ah u gudbiyeen inay ka caawiyaan qorshahaas waraabka iyo biyo-helista la xiriira ee lagu taageerayo beeraleyda iyo dadka tuulooyinka deggan ee aan haysan biyo nadiif ah oo ay cabaan. Laakiin inta ka horreysa ay xildhibaannadu ururiyaan lacag qaaraan si dadkaas biyo loogu dhaamiyo.

Previous Post

Kismaayo: 54 qof oo jadeeco soo ridatay

Next Post

Dhadhaab: Waxbarashada gabdhaha oo laga deyrinaya

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
URUR DHALINYARO JAMACADAHA KA SOO BAXAY OO ISU TAAGAY TACLIIN INAY U RAADIYAAN ARDAYDA SABOOLKA AH

Dhadhaab: Waxbarashada gabdhaha oo laga deyrinaya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo