Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Nin naafo ah oo shaqo ka helay banki labo maalin kaddib qalinjebintiisa

Radio Ergo by Radio Ergo
February 6, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Nin naafo ah oo shaqo ka helay banki labo maalin kaddib qalinjebintiisa

Ismail Raage talk to Munasar Mohamed - Radio Ergo's local stringer/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ismaaciil Raage oo naafo ka ah labada lugood ayaa noqday qofkii ugu horreeyay oo shaqo joogto ah ka helay mid ka mid ah bankiyada ugu horumarsan Soomaaliya, laba maalin kadib markuu ka qalinjebiyay jaamacad ku taalla magaalada Muqdisho. Ismaaciil oo 22 sano jir ah ayaa ka mid ahaa 100 arday oo toddobaadkii hore xaflad qalinjebin ah loogu sameeyay caasimadda. Wuxuu bartay culuumta bankiga iyo dhaqaalaha.

Qaybta caawisa macaamiisha ee bankiga Premier ee Muqdisho ayuu u shaqo tagaa isagoo wata gaariga dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo toddobaadkan uu u iibiyay adeerkiis.

Sawir laga qaaday isaga oo xiran dharka qalinjebita oo ku dul guur-guuranaya roog cas ayaa soo jiitay dad badan oo isticmaala baraha bulshada ee internet-ka. Tan ayaa ka dhigtay nin caan ah oo ay la soo xiriireen hay’ado iyo shirkado shaqooyin usoo bandhigaya.

Bogaadin iyo dhiirrigelin ayuu ka helay qaybaha bulshada iyo madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa boggiisa Twitter-ka ugu hambalyeeyay Ismaaciil. Halka madaxwaynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud uu u ballanqaaday deeq waxbarasho oo heerka labaad ee jaamacadda ah, taas oo bisha sagaalaad uu u aadi doono dalka Malaysiya. Ismaaciil ayaa sidoo kale ballanqaad shaqo ka helay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya.

Uma sahlanayn inuu heerkan soo gaaro isagoo aan addimadiisa ku socon karin, isla markaana aan haysan gaariga ay kaashadaan dadka naafada ah, maaddaama uu ka dhashay qoys sabool ah. Wuxuu u dhabar adaygay waxbarashadiisii heerarka kala duwan ee iskuulka iyo afartii sano ee jaamacadda. Maalmaha qaar oo ay xiran yihiin waddooyinka Muqdisho, gaadiidka dadweynahana aanu shaqeyneyn wuxuu muddo 40 daqiiqo ah u gurguuran jiray jaamacadda.

Wuxuu xaafadda Gubta kula nool yahay qoyskiisa oo ka kooban shan gabdhood, afar wiil iyo labadooda waalid oo uu uga mahadceliyay inay ku dhiirrigeliyeen waxbarashada si uu nolosha heer uga gaaro.

Dhibaatooyinka uu soo maray Ismaaciil waxa uu hadda ku hilmaamayaa inuu gaaray mid ka mid ah himilooyinkiisii. Waa riyo dad badan oo baahiyaha gaarka ah qaba aan u suuragelin. Waana qofkii ugu horreeyey oo guur-guurad ku socda oo shahaadadan ka qaatay jaamacadda SIMAD. Waxbarashadiisa oo deeq ahayd ayuu uga baxay kulliyadda bankiga iyo dhaqaalaha.

Wuxuu sheegay in macallimiinta iyo ardayda ay ku dhiirrigelin jireen waxbarashadiisa. Wuxuu ahaa arday fahmad badan oo mar walba aan hoos uga dhicin kaalinta labaad marka la shaaciyo natiijada imtixaannada.

“Wuxuu noo ahaa macalinkeennii labaad ee fasalka oo casharrada innoogu celin jiray,” ayay tiri Faadumo Cabdi Jaamac oo ay jaamacadda ka wada baxeen.

Cudurka dabeysha ayaa naafeeyay Ismaaciil isaga oo saddex sano jir ah. Xilligaas waxaa yaraa fahamka ay waaliddiintu ka haysteen faa’iidada tallaalka ka hortaga ah. Soomaaliya ayaa laga ciribtiray cudurkan, waxaase dhowaan gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle ka billowday tallaalka 700,000 oo carruur ah. Tan ayaa timid markii uu soo baxay shaki ah inuu cudurku dib uga dillaaci karo waddanka.

Waxbarashada iyo dadaalka uu muujiyay Ismaaciil ayaa dhiirrigelin u noqon kara qof walba. Wuxuu sheegay in hadafkiisa xiga uu yahay dhismaha ururro isu keena dadka baahiyaha gaarka ah qaba, kana shaqeeya danahooda iyo horumarinta xirfadaha dadka naafadaha ah.

Previous Post

Dhegeyso xubinta qiimaha xoolaha

Next Post

Ku dhowaad boqol guri oo ay la tagtay badda oo ku soo fatahday Caluula

Related Posts

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Next Post
Barnaamijka codka dhegeystaha

Ku dhowaad boqol guri oo ay la tagtay badda oo ku soo fatahday Caluula

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-SEP-2026

IDAACADDA 11-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-SEP-2026
September 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo