Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kumannaan qoys oo abaarta Somaliland ay saamaysay oo biyo loo dhaaminayo

Radio Ergo by Radio Ergo
February 7, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Kumannaan qoys oo abaarta Somaliland ay saamaysay oo biyo loo dhaaminayo

Caasho Cabdi (bidix) oo ku sugan Ugaas Madow/Ilyaas Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Tiro ka badan 10,000 oo qoys ayaa toddobaadkii labaad ka faa’iidaysanaya howl samafal ah oo biyo loogu dhaaminayo, sida uu sheegay maamulka gobolka Saaxil ee Somaliland. Dadkan oo xoolo-dhaqato u badan waxaa ku jira qaar soo barakacay. Deegaannada biyo-dhaaminta laga sameynayo oo afar ah ayaa muddo labo bilood ah waxaa qallalan ceelashii ay dadka iyo xooluhuba ka cabbi jireen, kaddib markii uu baaqday roobkii deyrta tiiyoo ay abaartu labo sano oo hore sii jirtay.

Afar iyo toban barkad oo ku yaalla deegaannada Go’da weyn, Go’da yar, Ugaas Madow iyo Gacan-Libaax ee koonfurta gobolka Saaxil ayaa ilaa hadda dadka loogu shubay 20 booyad oo biyo ah, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Jaamac Maxamuud Axmed oo ah guddoomiyaha gobolkaas. Wuxuu xusay in biyaha oo laga soo dhaamiyo ceelal ku yaalla magaalada Berbera ay joogto u wadi doonaan inta roob laga helayo.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inay howshan dhaqaale ahaan maamulkooda ka caawineyso hay’adda laga leeyahay Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee DP Word oo maamusha dekedda Berbera. Wuxuu xaqiijiyay haddii ay xaaladda abaarta ka sii darto in biyo-dhaamintan oo toddobaadle ah ay u beddeli doonaan mid maalin kasta ah.

Caasho Cabdi Aadan oo ah hooyada 10 carruur ah oo lix toddobaad ka hor ka soo barakacday deegaanka God-Waraabe oo 90 km u jira Burco ayaa ka mid ah dadka ka faa’ideysanaya biyo-dhaaminta. Deegaankan oo ka mid ah meelaha ugu daran ee biyo-la’aanta saameysay waxaa ku nool 1,075 oo 635 ka tirsan ay u barakaceen labadii bil ee u dambeysay. Shan barkad oo ku yaalla ayay Sabti kasta biyo ku shubaan booyadaha oo ka soo dhaamiya magaalada Berbera oo u jirta 35 km.

Caasho ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in biyaha oo ay hadda barkadaha ka dhaansato ay uga reysatay baryada dadka. Intii ay oomanaha ku jireen waxay maalintii ku tashan jirtay shan liitar oo biyo ah oo keliya oo ay siin jireen dad dameerro uga soo dhaansada ceelal loo soconayo saddex saacadood. Dadka deegaanka iyo kuwa soo barakacay oo ay xoolaha uga dhamaadeen abaarta ayaa cuntada waxaa qaab qaaraan ah ugu caawiya qaraabadooda oo qaarkood dibadda jira.

Sheekh Yuusuf Maxamed Xuseen oo ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in biyo-dhaaminta ka hor uu deegaanka Ugaas Madow ku jiray xaalad daran. Waxyaabihii ugu xanuunka badnaa ee uu la kulmay ayuu ku sheegay inay ka mid ahayd gabar umul ah oo wadata labo carruur ah oo harraadsan inay gurigiisa ugu timid iyadoo biyo raadineysa. Markaas oo gurigiisa aanay biyo oollin wuxuu shan caagadood oo biyaha sifeysan ah uga soo iibiyay dukaan u jira qiyaastii 7 km.

Ceelasha riigga ah ee deegaannadan ayuu xusay in aanay rajo ka qabin in biyo laga helayo xitaa haddii hoos loo sii qodo. Deegaannadan kale ee gobolka Saaxil oo ah dhul beeraley ah waxaa ku yaalla ceelal durdur ah oo aan inta badan gurin inay biyo-yareeyaan mooyaane.

Hal milyan iyo toddobo boqol oo qof ayay saameysay abaarta ka jirta Somaliland muddo saddex sano ah, sida lagu sheegay xog-ururin ay wada sameeyeen hay’adda ka-hor-tagga musiibooyinka ee Somaliland iyo hay’adda ka shaqeysa haqab-beelka cuntada Soomaaliya ee FSNAU.

Previous Post

Ku dhowaad boqol guri oo ay la tagtay badda oo ku soo fatahday Caluula

Next Post

Qiimaha xoolaha

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Qiimaha Xoolaha

Qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-MAY-2026

IDAACADDA 13-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAY-2026
May 8, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo