Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Jadeeco ka jirta miyi aan xarumo caafimaad lahayn oo Togdheer ah

Radio Ergo by Radio Ergo
February 13, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Cudurka jadeecada oo saameeyay ilaa 300 oo qof oo ku nool degmada Caynabo iyo deegaanno ka tirsan

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Konton iyo kow qof ayaa hadda cudurka jadeecada u jiifa deegaanka Yadagta oo qiyaastii dhanka Waqooyi 120 km kaga beegan magaalada Burco ee gobolka Togdheer. Dadka oo isugu jira carruur iyo waayeel ayaa lagu hayaa guryaha maadaama aan deegaanku lahayn xarun caafimaad.

Dr Muuse Abokor Suudi isu-duwaha wasaaradda caafimaadka Somaliland u qaabilsan gobolka Saraar oo horay u ahayd Waqooyiga gobolka Sool, ayaa Raadiyo Ergo u xaqiijiyay xanuunka ayaa la xaqiijiyay kadib markii koox dhakhaatiir ah oo ka socota wasaaradda caafimaadka Somaliland ay saddexdii bishan baaritaanno, daawayn iyo tallaal ku sameeyeen bukaanka. Maamulka tuulada ayaa wasaaradda ku wargeliyay jiritaanka cudurka Jadeecada.

Soddon iyo afar ka tirsan waa carruur aan horay u qaadan tallaalka deegaannadaas laga sameeyay labadii sano ee u danbeeyey oo si fiican u wada gaarin deegannada miyiga ah ee ay dadkaas ka yimaadeen. 18 qof oo ka mid ah dadka cudurka la jiifa ayaa ka soo jeeda qoysas lixdii bilood ee lasoo dhaafay yimi tuulada kuwaas oo kasoo barakacay abaaro deegaannadaas ka jiray labadii sano ee lasoo dhaafay.

Maxamed Warsame Cabdi, labo toddobaad ka hor ayaa labo ka tirsan  carruurtiisa oo lix ah  oo kala ah 7 jir iyo 3 jir waxaa uga dhacay jadeecada sida ay u sheegeen kooxda caafimaadka oo baaritaan ku sameeyey. Ninkan oo ku cayrtoobay abaarta wuxuu Ergo u sheegay inaanu heli karin $30 oo ah kharashka uu carruurtiisa ku gayn lahaa isbitaalka magaalada Burco oo qiyaastii u jira 120 km.

Wuxuu uga shakiyay jadeecada markii uu jirkooda ku arkay finan iyo xummad joogto ah. Markaas ayuu meel qorrax ah seexiyay kaddibna busto dusha ka saaray isagoo rajaynaya inay ku caafimaadaan, balse taas waxba kama beddelin xaaladdooda. Wuxuu sheegay in hadda xaalada caafimaad ee carruurtiisu ay ka soo raynayso kaddib markii dhowaan uu adeegyo caafimaad ka helay dhakhaatiirta ka socotay wasaaradda caafimaadka.

Muddo lix bilood ah oo deegaanka uu joogo ma aanu arag kooxaha tallaalka. Baaddiyaha deegaanka ayuu ku dhaqanayay 90 neef oo ari ah, hase yeeshee wuxuu dhammaan ku waayay abaarta.

Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay inay ka shaqaynayso sidii ay ku xakamayn lahayd cudurka si aanu ugu faafin deegaannada kale ee ku dhow Yadagta. Isla markaana ay wacyi gelin iyo tallaal u samayn doonto dhulka ka fog magaalooyinka ee aan heli karin adeegyada caafimaadka.

Aamina Cismaan Xarbi oo ka mid ah dadka deegaanka Yadagta, wuxuu cudurku shan maalmood kahor uga dhacay labo carruur ah oo ay dhashay. Waxay sheegtay in ay ku aragtay finan, indhaha oo casaanaya, duuf badan iyo xumad joogto ah. Carruurta oo saddex iyo afar sano jir kala ah ayay aaminsan tahay in ay cudurka ka qaadeen reer deris la ah oo jadeecadu kaga dhacday qaar ka mid ah carruurtooda.

Aamina ayaa tilmaantay in ay carruurta jirkooda marisay saliid iyo xabad-sowdo si ay u bogsoodaan laakiin aanay waxba ka beddelin caafimaadkooda. Carruurteeda oo afar ah weligood lagama tallaalin cudurka jadeecada. Deegaanka oo ah meel ka fog magaalooyinka ayay sheegtay inaanay inta badan iman kooxaha tallaalka.

Previous Post

Dhegeyso Barnaamijka Dhakhtarka Raadiyaha

Next Post

Boqollaal qoys oo barakac ahaa oo dhul laga siiyay Xaarxaarka

Related Posts

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 24, 2026
Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 24, 2026
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 24, 2026
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 21, 2026
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Next Post
Boqollaal qoys oo barakac ahaa oo dhul laga siiyay Xaarxaarka

Boqollaal qoys oo barakac ahaa oo dhul laga siiyay Xaarxaarka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-APR-2026

IDAACADDA 26-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-APR-2026
April 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-APR-2026
April 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo