Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boqollaal qoys oo miyiga Mudug abaaro uga barakacay toddobaadyadii la soo dhaafay

Radio Ergo by Radio Ergo
February 5, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
XAGGEE MARAYAAN HAWLIHII DIBU DEJINTA BARAKACAYAASHA MUQDISHO?

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ilaa 500 oo qoys oo xoolo-dhaqato ah ayaa tan iyo horraantii bishii hore cunto-yari iyo biyo-yari ka dhashay abaarta uga soo barakacay deegaanno miyi ah oo ka tirsan gobolka Mudug. Waxay ku soo ururayaan Xaaro oo 160 km u jirta Gaalkacyo, taas oo ah tuulada ugu dhow, isla markaana ay ku yaallaan ceelal ay dadka iyo xooluhu ka cabi karaan. Hay’ado ayaa sidoo kale ka bixiya gargaar cunto iyo lacag isugu jira oo lagu caawiyo qoysaska ku xoolo-beelay abaarta.

Hinda Xaashi Cumar oo ah hooyada toddobo carruur ah oo kan ugu yar uu lix jir yahay, ayaa ka mid ah qoysas saddex toddobaad ka soo barakacay deegaanka Afgaduudle oo 50 km u jira Xaaro. Gaadiid kama dhex shaqeeyo dhulkan, waxayna soo lugeeyeen labo maalin iyo labo habeen, iyagoo dhexda ku soo hakanayay maaddaama ay wateen carruur aad u da’yar oo aan socodka xamili karin.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in aysan wadan wax sahay ah, hadba reer meel deggan ayay ku leexanayeen oo ku caawinayay wax ay cunaan. Muddadaas ay soo socdeen waxaa gaajada iyo harraadka awgiis uga dhintay 10 neef oo ari ah, labaatan kale ayay hadda ku haysataa xero lagu barakacay oo maamulka deegaanka uu dadka dejiyay.

Buush ka samaysan baco iyo kartoomo ayay ka degan tahay kaamka ku yaalla Xaaro. Waxay cunnada ka helaan dad ay qaraabo yihiin oo deegaan ah. Maadaama ay dhowaan timi deegaanka isla marakaana aanay u diiwaan gashanayn hay’adaha ka howlgala kaamka.

Horay waxay u dhaqan jirtay Hinda 200 oo neef oo ari ah. Ceel ku yaallay deegaankii ay kasoo barakaceen ayay sheegtay in ay gureen laba bil kahor kadib markii Dayrtii lasoo dhaafay ay xoogaa biyo ah galeen.

Farxaan Axmed Geeddi oo ah guddoomiye ku-xigeenka maamulka deegaanka Xaaro ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in hay’adda arrimaha bani’aadannimada ka shaqeysa ee Cesvi ayaa 100 qoys oo Xaaro deggan midkiiba siisa $50. Muddo lix bil ayay waddaa taageeradaas oo la siiyo qoysas la soo xulo oo aan heli karin wax ay cunaan. Sidoo kale hay’adda Adeso ayaa gurmad raashin ah siisa qoysaska ku xoola-beelay abaarta ee deegaankaas jooga.

Maamulka ayaa intaas ku daray in cunno yari ay haysato qoysaska usoo barakacay iyo kuwii horey usii deganaa Xaaro. Maadaama abaar muddo soo jirtay ay qoysaskan ka dhammaysay inta badan xoolihii ay ku tiirsanaayeen. Faarax ayaa sheegay in hay’adaha ay ka dalban doonaan inay kordhiyaan kaalmada ay siiyaan dadkan.

Wuxuu xusay in qoysaskan cusub oo aan weli helin wax gurmad ah ay biyo-dhaamin u sameeyaan, sidoo kalena ay dadka deegaanka u dhex galaan si ay cunto ugu helaan. “Maamul ahaan intaas oo keliya ayaan u awoodnaa iyo in aan u qeylo-dhaaminno,” ayuu yiri.

Qoysaska soo barakacay ayaa qaar aqallo cooshado ah ka dhistay dhulka uu maamulka siiyay, halka qaar kalena ay geedaha hoostooda seexdaan. Maxamuud Cismaan oo qoyskiisa uu ka kooban yahay 11 qof ayaa ka mid ah dadka ay hoy la’aantu haysato. Wuxuu ka soo barakacay Qalaanqalle oo Xaaro u jira 36 km isagoo wata 9 neef oo ari ah, waxaana abaarta uga dhintay 291 neef oo kale. Maxamuud waxaa hadda hoy u ah geed uu korka ka saaray baco iyo jawaanno laakiinse hareeraha ka bannaan. Deegaanka Xaaro ayuu yimi muddo laga joogo afar todobaad.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in si aysan carruurtiisa gaajada ugu dhiman uu u soo qalay neef caato ah oo xoolihii uu watay ka mid ah, maaddaama aysan wadan wax sahay ah oo kale.

Deegaannada ay dadkan ka soo barakaceen oo lix ah ayaa kala ah Garday, Laaso-ceyr, Qalaanqalle, Calyaale, Afgaduudle iyo Laascaano. Bishii Oktoobar ee sanadkii hore ayay hal mar oo keliya deyrtu ka da’day markii ugu horreysay muddo saddex sano ah. Waxaa labo bilood ka hor guray ceelashii ku yaallay oo ahaa kuwo yaryar oo wadaamo biyaha looga soo saaro.

Previous Post

Xoolo-dhaqato isugu tegay koonufurta gobolka Mudug

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Dhegeyso barnaamijka dhaqtarka raadiyaha

Dhegeyso Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-MAY-2026

IDAACADDA 13-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAY-2026
May 8, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo