Qoysaska xoolo-raacatada ah ayaa ka kala yimi Garday, Laasco-cayr, Qalaalqalle, Afgaduudle iyo Laascaano ayaa tegay qaybo ka mid ah gobolka Mudug gaar ahaan tuulada Xaaro oo Gaalkacayo u jirta 160 km.
Deegaanka ay usoo guureen ayaa afar bilood ka hor waxaa helay dayrtii. Sida uu warbixintan Gaalkacayo innooga soo diray Jibriil Cismaan Cilmi.










