Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Kumannaan carruur ah oo waxbarasho la’aan ku noqday iskuulladoodii oo la dumiyay

admin by admin
January 19, 2018
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Barakacayaasha Gedo oo helay iskuullo bilaash ah

Sawir hore/Kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Waxaa waxbarasho la’aan ah ku dhowaad 2,730 carruur ah oo 670 ay gabdho yihiin kana soo jeeda qoysaska barakacayaasha, kadib markii la dumiyay 29 kii bishii Diseember afar iskuul oo isugu jiray hoose-dhexe iyo sare oo ay si bilaash ah wax ku baran jireen. Iskuuladan ayaa qayb ka ahaa guryo la dumiyay oo ku yaallay km 13 ayna degannaayeen dad kasoo barakacay abaaro iyo colaado. Dhammaan iskuuladan waxaa gacanta ku hayay hay’ado ay kamid yihiin Daryeel Bulsho Guud (DBG) iyo Formal Education Network For Private Schools (FENPS). Carruurtii iskuuladan dhigan jiray iyo qoysaskooda ayaa wakhtigan ku hoyanaya gidaarada iyo geedaha hoostooda.

Waxaa dhib laga soo maray dhisida iskuuladan iyo raadinta lacagtii lagu dhisayay, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Faysal Xirsi Kaariye oo ah maamulaha dugsiga hoose-dhexe iyo sare ee Maandeeq oo kamid ahaa iskuulada la dumiyay.

Faysal ayaa intaa ku daray in markii la bur burinayay iskuulka uu maamulaha ka ahaa oo ka koobnaaa 14 qol, wakhtigaasna ay dhiganayeen 200 oo arday la bur buriyay dhammaan kuraastii, sabuuradihii iyo dhismihii kadib markii cagaf la dulmariyay. Wuxuu sheegay in ciidamadu ay u yimaadeen goor barqo ah oo ardaydu ay ku jiraan fasalada.

Faysal ayaa sheegay in goor barqo ah ciidamadu u yimaadeen iyaga oo wata cagaf-cagafyo uuna isku dayay inuu la hadlo ciidamada si uu ugu qanciyo inaan iskuulka la burburin laakiinse ay qori gadaashiis ku dhufteen oo dhaawac uu ka soo gaaray dhabarka.

Idiris Maamow Cali oo 14 sano jir ah dhigana jiray fasalka 7-aad ee dugsiga Gurmad, muddo 20 maalmood ah ma tegin waxbarasho. Iskuulka oo isugu jiray hoose-dhexe oo ay dhiganayeen labada gelin carruur gaaraysa 800 oo arday, isla markaana ay gacanta ku haysay hay’adda FENPS ayaa hadda waxaa meesha ka baxay adeegyadii uu u hayay ardayda barakacayaasha. Idiris ayaa meel bannaan ah oo ku taalla laamiga isku xira Afgooye iyo Muqdisho kula nool qooskiisa oo ka kooban 7 qof kana mid ah dadka laga dumiyay guryohoodii. Waxay saf u galaan raashin laga kariyo dhulka uu maamulka gobolka Banaadir dejiyay.  Bishii 7aad ee 2016 kii ayay qoyskiisu kasoo barakaceen gobolka Shabeellaha hoose, gaar ahaan Kuntuwaaray oo qiyaastii 70 km u jirta Muqdisho, halkaas oo dagaalo ay ku dhex marayeen ciidamada dowladda Federaalka ah Soomaaliya iyo Alshabaab.

“Aad ayay ii saamaysay bur burintan, waayo imtixaanka ayaa soo dhowaa, mana muuqato hadda rajo ah inaan dib u helayo waxbarasho”, ayuu Raadiyo Ergo u sheegay Idiris.

Axmed Jaamac Axmed oo kamid ah masuuliyiinta hay’adda FENPS oo kamid ah hay’adaha dugsiyada waxbarasho sida lacag la’aanta ah wax ugu bari jiray carruuta barakacayaasha, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay, inay wadaan qorshayaal ay carruurta waxbarasho ugu raadinayaan. “Dhulka cusub ee hadda la dejiyay ayaan qiimayn ku wadnaa, si aan uga hir gelino dugsiyo ay carruurtu waxbarashadooda uga sii wadan karaan”, ayuu yiri Axmed.

Hay’adda ayaa tilmaamay inay qorshaynayaan in ay iskuulo uga dhisaan barakacyaasha hadba meeshii si rasmi ah loo dejiyo, si ay u daboolaan baahida dhanka waxbarasho ee ay qabaan carruurtu.

Previous Post

Next Post

Halkan ka dhegeyso xubinta qiimaha xoolaha

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Dhegeyso qiimaha xoolaha oo aan ku qaadanay qaar ka mid ah suuqyada dalka

Halkan ka dhegeyso xubinta qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo