Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inaysan jirin wax shati kalluumaysi ah oo ay bixiyeen, maamul goboleedyaduna aysan bixin karin, tan iyo inta sharciga kalluumaysiga laga ansixinayo.
Wuxuu sheegay in habka keliya ee looga hor tegi karo kalluumaysiga sharci darada ah ay tahay dhismaha ciidanka badaha, iyadoo dawladdu wadanka Turkiga ay kula heshiinayso muddo shan sano ah inay qaabilsanaato ilaalada xeebaha tan iyo inta ciidanka laga dhisayo.
Waraysiga wasiirka halkaan hoose ka dhegeyso.