Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kufsiga oo ku badanaya xeryaha lagu barakacay ee Muqdisho

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
December 7, 2017
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
RAG LOO SOO QABTAY KUFSI IYO GAWRAC

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Waxaa kordheysa tirada haweenka lagu kufsado xeryaha lagu barakacay ee Muqdisho iyo duleedkeeda. Shantii cisho ee ugu horreysay bishan Diseembar waxaa la kufsaday 12 haween ah sida aan ka soo xigannay isbitaal Madiina. Hay’adda Horumarinta Haweenka ee SWDC ayaa iyaduna diiwaangelisay in 500 ay gaarayaan haweenka soo barakacay ee xeryaha lagu kufsaday saddexdii bil ee u dambeysay. Tiradaas ayaa ka dhigan in habeenkiiba la kufsaday in ka badan shan haween ah.

Nuuro Muxyadiin oo qeybta baarista u qaabbilsan isbitaal Madiina ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in kiiskii ugu darnaa ee ay qaabbileen uu ahaa saddex haween ah oo isku goob lagu kufsaday saddex toddobaad ka hor.

Lix nin oo afar ay hubeysnaayeen ayaa xilli fiid ah 16-kii Nofeembar weeraray xerada Daryeel ee degmada Kaxda oo ah halkan uu kiiskan ka dhacay. Waxay aqalladooda kala soo baxeen labo haween ah, mid saddexaad oo ka mid ahayd dadkii qeyladooda ku soo baxayna way ku sii darsadeen.

Ardo oo ka mid ah haweenka halkaas lagu kufsaday ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in ay ku soo naxday xabbado ay kor u ridayeen ragga weerarka soo qaaday, ka hor intii aanay afar ka tirsan ugu soo gelin buushkeeda oo geeska u xiga, kana kaxeysan. Waxay xaqiijisay in saddexdoodaba lagu garaacay baadka qoriga intii loo sii waday meel cidlo ah oo bannaanka xerada ah oo ah halka lagu kursaday. Haweenkaas middood waxay ahayd hooyo haysata lix carruur ah oo agoon ah.

Ardo oo saddex bilood ka hor abaarta uga soo barakacday degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa xerada ku haysata gabar 12 jir ah oo ay aabbaheed kala tageen.

Madaxa hay’adda SWDC, Maryan Taqal Xuseen ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in sababta uu kufsigu ugu soo badanayo xeryaha ay tahay dhallinyarada iyo ciidanka meelahaas ka dhow ay aad u isticmaalaan maandooriyaha, in aysan jirin cid si gaar ah isaga xil saarta amniga xeryaha ama saldhigyo boolis oo u dhow, mugdiga ka dhashay koronto la’aanta iyo dadka soo barakacay oo ku hoyda aqallo aan albaabbo lahayn.

Haweenka xeryaha lagu barakacay waxay nolosha qoysaskooda ku tiirsan tahay dhaqaalaha ay ka helaan shaqooyin yaryar oo ay qabtaan. Laakiin Ardo waxay dhibaatada kufsiga ee ku dhacday ku khasabtay in aysan u shaqo-tegin suuqa Bakaaraha oo ay ku wareejin jirtay bacaha.

Hase yeeshee, hay’adda SWDC ayaa $100 siisa haweenayda la kufsado si ay ugu noolaato bisha ugu horreysa ee aysan shaqaysan karin niyadjabka iyo dhaawacyada gaara awgood. Waxay sidoo kale ka caawiyaan tiiraanyo-bixinta iyo inay tagaan isbitaallada.

Qoysaska soo barakacay ee xeryaha ku jira ayaa sidoo kale la kulma dhac ay u gaystaan kooxo hubeysan, kuwaas oo ka qaata raashinka, telefoonnada gacanta iyo wixii kale ee gargaar ah ee ay helaan. Laakiin guddoomiyaha degmada Kaxda oo ay ku yaallaan xeryo dhowr ah ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay wadaan baaritaanno si wax looga qabto kuwa dhibaatooyinka ka geysanaya xeryaha.

Previous Post

Beeralayda Dalyare ee gobolka Sool oo xoolo dhaqato soo cayrtoobay ku caawiyey dhul beereed

Next Post

Dhegeyso Barnamaijka Gobaad

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Dhegeyso barnaamijka Gobaad

Dhegeyso Barnamaijka Gobaad

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo