Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo loo qaybiyay qoysas ku cayroobay abaaro ka jira Galmudug.

admin by admin
November 27, 2017
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
XAFIISKII DHOOFKA XOOLAHA SOOMAALIYA OO DIB LOO FURAY 22 SANO KA DIB

Photo | Sawir/keyd/ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Boqol iyo sagaashan qoys oo xoolihii ay la lahaayeen ku waayay abaaro muddo sadex sano ka badan ka jiray deegaannada dhaca Koonfur Bari ee gobolka Mudug, ayaa ka faa’iidaystay bilowgii bishan November, deeq xoolaysiin ah oo jaaliyadda Galmudug ee ku nool Norway ugu tala galeen qoysaska abaarta ku cayrtoobay. Iyadoona qoys walba lasiiyay 20 neef oo ari ah oo ay kaga soo kabanayaan xoolo la’aanta.

Qoysaskan ayaa ku nool deegannada Xaaro, Xeero dhagaxley, Ceelguula, Bajaale iyo Hadiile. Waxayna dhammaantood ka tirsanyihiin gobolka Mudug. Qoysaska qaar ayaa xoolohooda geeyey deegaanno ay roobabkii Dayrtu ka da’een.

Dadka ka faa’iidaystay xooliisiintan waxaa kamid ah Maxamed Axmed Cabdille oo ah 50 sano jir aabu u ah qoys ka kooban 9 qof. Mudo laga joogo 6 bilood ayuu la yimid 5 neef oo ari ah deegaanka Xaaro oo 180km Koonfur Bari ka xigta magaalada Gaalkacayo, kadib markii uu kasoo barakacay abaarta ka jirta dhulka miyiga ah oo qiyaastii Xaaro u jirta 23 km. Waxaa uu Radio Ergo u sheegay in xoolaha lasiiyay loogu daray laba kiish oo Bariis iyo Bur ah.

“Abaarta kahor waxa aan miyiga ku dhaqanayay 100 neef oo ari ah iyo laba Awr. Markii danbe ee aan soo barakacayna waxaan Xaaro la imi shan neef oo Ari ah. Hadda halkan waxaan ku helnay xoolo, aad baan baahi wayn ugu qabnay. Hadda waxaan isu arkaa nin markale xoolo yeeshay, baahidii xoolo la’aanta ahayd hadda waxaan ka roonahay. 20ka neef ee ariga wali deegaankaygii miyiga ahaa lama aadin, laakiinse Xaaro maadaama roobab ay heshay banaankeeda ayaan ku xanaanaysanayaa”.

Maxamed ayaa nolosha qoyskiisu waxay ku tiirsantahay dad ay qaraabo yihiin oo uu la deganyahay, kuwaas oo ka gacan ka siiya cunnada, hoyga iyo biyaha. Waxaase uu ku rajo waynyahay haddii uu helo xoolo inta kabadan in uu dib ugu laabto miyigii uu markii hore ku noolaa. Waxaana uu hadda xoolaha lasiiyay ku raacdaa duleedka Xaaro.

Tirada xoolaha loo qaybiyay qoysaskan oo dhan 1800 oo neef ayaa laga soo kala iibiyay gobolada Mudug, Nugaal iyo Bari, waxaana ku baxay lacag dhan 90,000 oo doolar, sida uu Radio Ergo u sheegay Axmed Maxamuud  Xaashi oo ah gudoomiyaha deegaanka Xaaro kana mid ah gudigii fulinayay barnaamijka xoolaha loogu qaybiyay qoysaska abaarta ku cayroobay.

Maxamuud Cismaan Aadan waa Aabaha qoys 7 qof ka kooban, 240 neef oo ari ah iyo 14 neef oo geel ah oo uu ku dhaqan jiray miyiga deegaanka Hadiile oo Gaalkacayo u jirta 160km ayay abaartu ka dishay. Isaga iyo qoyskiisa ayaa soo miciin biday qoys kale oo ay ehel yihiin isla markaana degan Hadiile.

Maxamuud cismaan, oo helay 20 neef oo ari ah waxa uu ula roob raacay meel qiyaastii Hadiile u jirta 30 km oo roobab ay ka da’een. Qoyskiisa ayuu uga tegay Hadiile si uu xoolaha uu helay oo 20 neef oo ari ah uu ugu raadiyo baad iyo biyo. Radio Ergo ayuu u sheegay in ay ahayd fursad aanu rajaynayn in uu si bilaash ah xoolo ku helo.

“Waxaanhelay xoolahaas iyo raashin naloogu daray, maadaama aanan gaadiid haysan, waxaan safar la galay xoolihii si aan daaqsin ugu helo, waxaan geeyey Caduunka kadibna waxaan geeyey dooxada oo naq fiican leh. Rajo fiican ayaan ka qabaa xoolaha la isiiyay, roobna waan haysanaa, xoolihiina naq ayay noo heleen, fursad ah in xooluhu noo bataan ayaan haysanaa haddii aan abaartu nagu soo laaban”.

Axmed Maxmuud Xaashi gudoomiyaha deegaanka Xaaro ayaa xusay in uu kamid ahaa dadkii qaylo dhaanta gaarsiiyay jaaliyadda Galmudug si ay u garab istaagaan dadka abaartu xoolihii ka dhamaysay. Markii danbena ay isla garteen xoolaysiinta qoysaskan maadama waxa kaliya ay ku tiirsanaan karaan ay tahay xoolo.

“Qaabkii aan ku soo xulanay dadka aan xoolaha siinay waxa ay ahayd, in kuwii ugu liitay ee aan wax xoolo ah u harin ee barakaca ahaa aan siino xoolahan, iyaguna  way ka faa’iideysteen, xilli roobaad ayaan kujirna waana sababta aan ugu soo beegnay in xoolaha lasiiyo qoysaskan. Way ku faa’iidi doonaan xoolaha lasiiyay. Xoolaha waxaa kujira kuwa irmaan ah ama riman xiligan, wayna u badan karaan xooluhu”.

Jibriil Cismaan Cilmi
Gaalkacayo

Previous Post

Dhegayso waraysi aan la yeelanay u qaabilsanaha QM ee qaxootiga Soomaalida Amb. Affey

Next Post

BARNAAMIJKA DHAQTARKA RAADIYAHA

Related Posts

Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere
Cunto-Yaraanta

Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere

February 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas uu ka istaagay kab dhaqaale oo nolol xumo ku wajahaya Dhuusamareeb

February 12, 2026
Pastoralists with nothing left descend on Lasanod town and surroundings in Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ka fursan waayay xaaladda barakaca oo Laascaanood ku wajahaya nolol xumo

February 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 9, 2026
Women leaving their children behind in drought-hit rural villages to seek jobs in Mogadishu
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween ku xoolo-beelay abaarta oo Muqdisho u tagay shaqo xoogsi ah balse ku hungoobay

February 7, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 5, 2026
Next Post
blank

BARNAAMIJKA DHAQTARKA RAADIYAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-FEB-2026

IDAACADDA 13-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-FEB-2026
February 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-FEB-2026
February 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-FEB-2026
February 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-FEB-2026
February 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09 -FEB-2026
February 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo