Maxamed Cabdi Affey oo ah ergayga Qaramada midoobay u qaabilsna la socoshada xaaladda qaxootiga Soomaalida, ayaa Radio Ergo uga warramay xaaladda ay qaxootigu wakhtigan ku ku suganyihiin iyo halka ay marayso qorshaha dib u celintooda.
Danjire Affey ayaa sheegay in in kabadan 100 kun oo qof ay ilaa iyo hadda dib ugu laabatay Soomaaliya, isla markaana ay wali socoto diiwaan gelinta dadka dib u laabanaya, iyada oo aan la khasbin.
Waxaa uu qiray in caalamku ka daalay qaxootiga Soomaalida, arrintaasna ay keentay in la yareeyo kaalmadii la siin jiray sida raashinka iyo adeegyada kale ee ay u baahanyihiin.
Qaybta koowaad, waraysi aan la yeelanay Amb, Maxamed Cabdi Affey halkan ka dhegayso.