Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Beledweyne Daad barakiciyay 400 oo qoys

Radio Ergo by Radio Ergo
November 6, 2017
in Masiibooyinka
0
Hyenas kill three children in Sool
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Ugu yaraan afar boqol oo qoys ayaa guryahooda uga barakacay daad ka dhashay roob mahiigaan ah oo Beledweyn ka da’ay habeenkii khamiista. Roobka oo socday sideed saac ah oo xariir ah ayaa daad ku rogay saddex xaafadood oo kala ah Kooshin, Xaawo Taako iyo Horseed oo dhanka berri ee magaalada ku yaal.

Daadka oo kasoo rogmaday dhulka buuraleyda ah ee magaalo madaxda gobolka Hiiraan ku wareegsan ayaa guryaha ugu galaday dadka oo jiifa oo aan ku baraarugsaneyn, sida uu sheegay Maxamed Xasan Axmed oo ka mid ah dadka xaafada Kooshin.

“Carruur iyo alaab bay biyahu qaadeen, laakiin waxaan ku guuleysannay in aan dadka kasoo badbaadino,” ayuu yiri Maxamed. Maxamed iyo qoyskiisa oo ka kooban sideed qof waxa ay ka mid yihiin 190 qoys ayaa ka barakacday xaafadaas oo ka mid ah meelaha sida daran ay u saameeyeen daadadka.  Waxa ay dageen dhul banaan oo ku yaal deegaanka Ceel-jaale oo ah dhul sare oo duleedka magaalada ku yaal.

Labo boqol iyo toban qoys oo kale ayaa iyana ka barakacay xaafadaha Xaawo Taako iyo Horseed, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka degmada Beledweyn. Dadkaas waxa ay ku barakaceen gudaha magaalada, iyaga oo dulsaan ku ah eheladooda degan xaafadaha kale ee magaalada. Dadkaas waxaa ka mid ah Macalim Maxamuud Xasan Cabdille oo ka barakacay xaafada Xaawo Taako.  “Dadku ma helin dib u dajin. Qaar duleedka magaalada ayey u barakiceen, kuwo kale oo aan ka mid nahay waxa ay la nool yihiin eheladooda oo iyaguba aan heysan nolo wanaagsan,” ayuu yiti Maxamuud.

Si kastaba, weriyaha Raadiyoow Ergo ee Beledweyn ayaa sheegaya in saddexdaas xaafadood ee ay biyahu kusoo rogmadeen ay ku dhow yihiin togag iyo biyo-mareenno daadadka kasoo rogmada buuraha magaalada ku hareereysan ku dara webiga.  Dhulkaas oo aan loogu talo-gelin in la deegaameeyo ayey dadku guryo ka dhisteen dhowr iyo labaatankii sanno ee dowlad la’aanta. Sidaas darteed, daad ayaa kusoo rogmada xaafadaha Kooshin, Xaawo iyo Horseed marwalbo oo uu roob xoogan da’o.  labo iyo toban qof oo isugu jira carruur iyo dad waayeel ah ayaa ku dhintay daad kusoo rogmaday xaafadaas oo ka dhashay roobkii guga ee horraantii sanadkan.

Dhanka kale, daad ka dhashay roob labaatan saac ka da’ayay tuulo la yiraa Malmal-kuus oo dhanka Waqooyi bari ka beegan degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe ayaa qaaday afar carruur ah. Carruurtaas ayey da’doodu u dhaxeysaa labo ilaa lix sanadood. Roobka oo da’ay  axadii iyo isniinta ayaa la tagay labo ka mid ah carruurta oo lix sanno jiryaal ah oo ari la jooga tuulada Malmal-kuus. Labada kale ayey biyuhu ka qaadeen aqalkooda, sida ay sheegtay Batuulo Aaden oo ka mid ah ehelada carruurta ay daadadku la tageen.

Weriyaha Raadiyoow Ergo ee gobolada Jubooyinka oo telfoon kula xariiray dadka deegaanka ayaa sheegay in daadku uu sidoo kale la tagay tiro ari ah islamarkaasna dumiyay guryo dhowr ah oo ku yeel tuulada Malmal-kuus. Roobabka xoogan ayaa la maleynayaa inay bilow u yihiin roobka dabeysha wata ee Elnilo la yiraa oo laga cabsi qabo in uu ku dhufto Soomaaliya saddexda bilood ee deyrta. Dadka ayaa looga digayaa inay ka fogaan dhulka webiyaha iyo buuraleyda ku dhow si aysan waxyeelo uga soo gaarin daad iyo fatahaado kusoo rogmada.

Previous Post

Caabi Mire Dacar: Dawaarlihii fannaanka noqday

Next Post

Dhegeyso barnaamijka Ogaal oo looga hadlo arrimaha abaaraha

Related Posts

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

January 8, 2026
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda
Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

January 7, 2026
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
Next Post
DHEGEYSO BARNAAMIJKA CODKA DHEGEYSTAHA

Dhegeyso barnaamijka Ogaal oo looga hadlo arrimaha abaaraha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA-24-JAN-2026

IDAACADDA-24-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA-24-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA-24-JAN-2026
January 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA-22-JAN-2026
January 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JAN-2026
January 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo