Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Buuhoodle: Ceelashii ugu horreeyay oo la hirgeliyay

Radio Ergo by Radio Ergo
September 3, 2015
in Masiibooyinka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Sawir kaydka/Mohamed Hassan/Ergo

Bulshada degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa markii ugu horreysay cabaya biyo nadiif ah oo qiimo jaban kadib markii labo ceel-biyood laga qoday magaalada. Labada ceel oo duleedka magaalada magaalada ku yaal ayaa toddobaadkan sagaal tubo oo laga soo jiiday gaarsiiyay gudaha magaalada.

Tubooyinkaas ayaa si bilaash ah biyaha ku siinaya xeryaha dadka deegaanadooda kasoo barakacay, dugsiyada iyo suuqyada, sida uu sheegay Faarax Xaaji Cabdi oo ka tirsan Ururka Gargaarka Soomaaliyeed. Ururkan oo kaalmo ka helaya sanduuqa badbaadada carruurta ee UNICEF ayaa ceelka qoday horraantii sanadkan, laakiin 8 bil ayey qaadatay in tubooyinka ceelka la gaarsiiyo magaalada.

Dadka degmada Buuhoodle ayaa horey ugu tiirsanaa biyaha roobka ee ku hoora barkadaha iyo balliyada oo foostadii la iibin jiray 30,000 oo shilin Soomaali ah. Biyahaas ma aheyn kuwo daweysan, waxaana dhici jirtay inay cuduro ka dhashaan xilliyada jiilaalka. Haddaba, tubooyinka labada ceel ayaa bilaash u ah dadka deegaanadooda kasoo barakacay, dugsiyada iyo suuqyada, iyadoo dadka meelaha kale uga dhaansi imaadana foostadii laga siiyo 10,000 oo shilin.

Laakiin dadka soo barakacay ah ee ku nool Buuhoodle ayaa sheegay inay faa’iido weyn ku qabaan biyaha nadiifka ah ee hadana bilaashka ah ee xerada laga hirgeliyay. “horey  marar badan biyo weynu waayi jirnay, amaba ma awoodi karin in aynu iibsano. Hadda haddii aad habeen dhexaadka soo kacdo, xerada dhexdeeda ayaa biyo ka heleysaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Sheekh Khaliif oo ka mid ah dadka ku nool xerada Suweeto ee degmada Buuhoodle.

Ma ahan dadka deegaanadooda kasoo barakacay oo keli ah, laakiin xitaa dadka xoolo-dhaqatada ah ayaa faa’iido weyn ku qaba tubooyinka biyaha ee laga hirgeliyay degmada. Geela iyo arriga ayey usoo waraab keena xarumaha biyaha ee Buuhoodle.  Xuseen Jaamac oo xoolo-dhaqatadaas ka mid ah wuxuu sheegay xooluhu jecel yihiin biyaha cusbada leh ee ceelka ayna caafimaad ka helaan.

“Geelu isagoon daaq helin ayuu ku joogi karaa biyaha ceelka keliya,” ayuu yiri Xuseen. Wuxuu intaa ku daray in ay ku faraxsan yihiin in biyaha ceelka ay hadda kadib u heli doonaan xoolahooda.
Khadar Cawl Ismaaciil/FM/MR

Previous Post

BUUHOODLE: 100 KUN OO ARI OO LA TALLAALAYO

Next Post

SOOMALILAND: DAD BAAHI IYO HARAAD U GEERIYOODAY

Related Posts

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
blank
Cunto-Yaraanta

Somaliland: Roobab mahiigaan ah oo sababay dhamashada saddex qof iyo boqollaal xoolo ah

May 10, 2024
Mudug: Beeralay cunno xumo wajahaya markii uu qasaaray dalag ay beerteen
Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: Beeralay cunno xumo wajahaya markii uu qasaaray dalag ay beerteen

March 7, 2024
Marka: Beeraley dib u billaabay tacabka beeraha oo fatahaaddu ay quus-goysay
Beeraha Iyo Xoolaha

Marka: Beeraley dib u billaabay tacabka beeraha oo fatahaaddu ay quus-goysay

March 1, 2024
Next Post
Haweenka barkacayaasha tawakal oo u baahan gargaarka degdegga iyo adeegga caafimaadka dhalmada

SOOMALILAND: DAD BAAHI IYO HARAAD U GEERIYOODAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-OCT-2025

IDAACADDA 17-OCT-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-OCT-2025
Episode play icon
IDAACADDA 17-OCT-2025
October 17, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-OCT-2025
October 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-OCT-2025
October 15, 2025
Episode play icon
DAACADDA 14-OCT-2025
October 14, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 13-OCT-2025
October 13, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo