
Achim Steiner oo ah u qaybsanaha xoog hayaha guud iyo madaxa hay’adda deegaanka ee UNEP ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay doorka Fatima ka qaadatay inay bulshada ku dhiiri geliso sidii ay isaga kaashan lahaayeen ilaalinta udub dhexaadka noloshooda oo ah daaqsinka iyo deegaanka.
Fatuma oo Radio Ergo la hadlaysey kulanka abaal marinta ka dib ayaa sheegtay in abaalmarintani tahay mid ummada Soomaaliyeed wada heleen, ayna ku dadaali doonto sidii ay ugu dhiiri gelin lahayd dadka ilaalinta deegaankooda, abaalmarintuna xoojinayso sidii loo hagaajin ilaha nolosha bulshada Soomaaliyeed oo u badan xoolo dhaqato oo ah daaqa, tanoo ku imanaysa wacyi gelin la siiyo bulshada.
Abaalmarintaan ayaa jirtay 10 sano iyadoo horay loo siiyey lix qof oo Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Balgis Cismaan oo u dhalatay Suudaan sanadkii 2008 iyo Thabo Mbeki oo ah madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika oo isna la siiyey 2005.
Fatima waxay sanadkii 2007 sidoo kale ku guulaysatay abaal marinta National Geographic/Buffet, iyadoo gacan ka geysatay sidii loo asaasi lahaa hay’ad Adeso qaybteeda lagu tayo gelinayo dhalinyarta xoolo raacatada.
Mohamed









