Inta badan tuulooyinka goboladda wadanka eek u yaal dhulka omanaha ah ayaa waxaa laga isticmaala biyaha berkadaha.
Waqtigan oo qoraxdu kulushahay, inta badan gobolka Galgaduud oo ka mid ah meelaha biyaha berkadaha dadku ku tiirsan yihiin muusan helin roobabkii dayrta, waxaana jirta cabsi laga qabo in cuduro ay ka dhashaan biyahaas aan wanaagsanayn ee dadku isticmaalayaan.
Cabdiqani Macalin Xuseen oo Barkad ku leh deegaanka Been-dhaarte oo jihada woqooyi Cadaado ka xiga 35km ayaa sheegaya in barkadaha deegaanka qaarkood sanado badan la isticmaalayay aysana helin wax dayactir ah.
Tuulooyinkan Barkadaha laga cabo badankood malahan Musqulo, taas oo ka qayb qadanaysa nadaafad dari cuduro keenta oo biyaha ku timaada, oo dadku waxay u saxaro tagaan jeexyada ay soo maraan biyaha berkadaha soo gala, oo markii roob da’o ay ku soo xaaqmaan dhamaan qashinkii ay saxaradu ka mid tahay.
Cabdillahi Xuseen Diirshe oo in muddo ah daganaa deegaanka Ardo oo Cadaado kaga beegan dhinaca bari 55-Km ayaa sheegaya Radio Ergo u sheegay in sanad kasta mar ama ka badan cuduro ka dhasha biyahan deeganka lagu arko.
Dr. Cabdimajiid Axmed Barre oo ah takhtar ka hawl gala isbitaalka Cadaado ayaa Ergo u sheegay in bulshada ay u wadaan wacyi gelin ku saabsan sidii ay u heli lahaayeen musqulo, si looga hortago in biyaha la cabayaa wasakhoobaan, sidoo kale wuxuu sheegay inay ku dhiiri geliyaan inay biyaha iska kar kariyaan intaysan cabin.
Faarax Salaad Axmed waa Gudoomiyaha deegaanka Ardo, waxa uu sheegay in hawshan ay tahay mid ka awood badan maamulada hoose ee Tuulooyinka, sidaas oo ay tahay ay isku dayaan inay bulshada wacyi galiyaan, si nadaafadda sara loogu qaado.
Xilliyadaan roobabku da’aan ayaa inta badan waxaa dilaaca cudurka shubanka tanoo ay ugu wacan tahay faya dhawrka deegaanka iyo biyaha laga cabo tuulooyinka oo aan wanaagsanayn.
Diirshe








