Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xaaladda dadki ka barakacay Saaxdheer oo laga dayrinayo

admin by admin
October 7, 2014
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Sawir/Dad ku sugan duleedka Saaxdheer/Cabdikariin/Ergo

Waxaa laga deerinayaa xaaladda nololeed qoysaskii ka barakacay dagaalladii dhowaan ka dhacay deegaanka Saax-dheer ee gobolka sool oo ku sugan deegaan lagu magacaabo togga oo 40 km u jira tuulada Saaxdheer kana xiga dhanka koonfur bari, waxayna dalbanayaan caawimaad deg deg ah.

Si arrintaas aan xog dheeri ah aan uga helno ayaa wariyaha Radio Ergo Cabdiraxmaan Xaaji wuxuu wareysi la yeeshay Xaawo Cabdi oo ah madaxa ururka daryeel oo ka shaqeeya gobolka Sool una qareenna qoysaska ka barakacay Saax-dheer, ugu horrey wuxuu waydiiyey Xaaladda dadkaasi si ay  tahay maadaama ay roobab xooggan da’ayaan.

Xaawo: Dadkaas way barakaceen waxay ku nool yihiin dhir hoosteed waxaa intaa u dheer oo hadda yimid roobab wata daadad iyo qabow, mana haystaan waxay ka galaan roobabka iyo meel  gabadaan aad bay u dayacan yihiin wakhtigan.

Ergo: Waxaad sheegtay in dhir hoosteed iyo togg ah ay ku nool yihiin bal ka warran saamaynta roobka?

Xaawo: Waad garan gartaa qof aan lahayn hoyi uu ka galo roob wata qabow dhibaatoda uu la kulmayo waana xaalad halis ah oo ay wajahayana carruur iyo haween barakacay uuna baahan wax ka qabasho.

Ergo: Maxay u baahan yihiin dadkaas oo hadda ugu daran?

Xaawo: Waxay u baahan yihiin hoyi, cunno, caafimaad, marar badan ayaan qaylo dhaan u dirnay hay’adaha  samafalka iyo maamulka Puntland ilaa hadda wax nooga jawaabo ma haynno marka dadkaasi uma baahna hadal waxay u baahan yihiin wax qabad waayo hadda waxay halis ugu jiraan daadadka iyo qabowga roobka oo waxay joogaan meel tog ah oo biyaha ku soo hoobtaan.

Ergo: Meesha la yiraahdo toogga waxay 40 KM u jirta Saaxdheer roob ayaa ka da’ay ka warran xaalka?

Xaawo: Waa runtaa roob ayaa ka da’ay balse haddi roobku sii xoogaysto  khatar ayey ku jiraan dadkaas in biyo qaadaan, waxaa kale oo dhalan karo cudurro.

Ergo: Maxaa hadda hoyi u ah dadkaas?

Xaawo: Baco iyo calalo ay ka samaysteen togga dhexdiisa oo aan roobka celin Karin ayaa hoyi u ah.

Ergo: Ma jiraan qoysas  ku noqoday Saaxdheer ?

Xaawo: Waxaa jira qoysas yar oo tagay tuulooyin kale balse wax Saaxdheer ku noqday ma jiraan,

Ergo: Ma jiraan wax gurmad ah oo loo sameeyey?

Xaawo: Maya muddo laba bilood ah oo ay barakac ahaayeen wax loo samyey  ma jirto.

Ergo: Ma jiraan ilaa hadda qoysaskan barakacay wax dhibaato ah oo ay u geesteen roobabka da’ay ?

Xaawo: Maya  balse dadka barakacay hadda wali roobku dhibaato uma geysan inkastoo cabsi aan ka qabno in ay dhacdo, waayo meesha ay ku nool yihiin waa tog biyo mareen ah, kamana warqabana khatarta roobku gaarsiin karo, waxay u baahan yihiin gargaar bani aadamnimo oo deg deg ah in lala soo gaaro.

Qoysaskan ayaa ka mid ah 250 qoys oo horay uga soo barakacay Tuulada Saaxdheer oo magaalada Laascaanood u jirta 75 km laba bilood ka hor markii ay ka dheceen dagaallo, in kastoo warar kale ay sheegeen in dad aan badneyn ay gaareen Laascaanood.

Cabdiraxmaan Xaaji/FO

Previous Post

Roob khasaaro geystay oo ka da’ay Puntland

Next Post

BEERALAYDA IYO XOOLO DHAQATO KA FAA’IDAYSTAY MASHRUUC KOR LOOGU QAADAYO DAAQA

Related Posts

Nugaal: Ku dhawaad kun qoys oo ku guryo, beero iyo xoolo beelay daad ka dhashay roob
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Ceel-jaale oo hoy la’aan noqday xilli digniinaha El Niño ay xoogaysteen

October 9, 2026
Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol quus ah ku wajahaya xeryaha Caabudwaaq oo ay maciin bideen

October 7, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo iyo faquuq ka saaray suuqyada Dhadhaab

October 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Next Post
BEERALAYDA IYO XOOLO DHAQATO KA FAA’IDAYSTAY MASHRUUC KOR LOOGU QAADAYO DAAQA

BEERALAYDA IYO XOOLO DHAQATO KA FAA'IDAYSTAY MASHRUUC KOR LOOGU QAADAYO DAAQA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-OCT-2026

IDAACADDA 09-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-OCT-2026
October 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo